Gudoomiyaha Degmada Alleybadey iyo Gudida Dhismaha Wadada Udhexeysa Alleybadey Iyo Hargeysa Oo Ugu Baaqey Qurba Jooga Kasoo Jeeda Deegaanku In ay Ka Qeyb Qaataan Dhismaha Jidka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Degmada Alleybadey iyo Gudida Dhismaha Wadada Udhexeysa Alleybadey Iyo Hargeysa Oo Ugu Baaqey Qurba Jooga Kasoo Jeeda Deegaanku In ay Ka Qeyb Qaataan Dhismaha Jidka
December 19, 2013 - Written by Editor:

Alleybadey(WAJAALENEWS.COM)-Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Axmed Aw Ciise iyo Xubno kamid ah Gudida Dhismaha Jidka u Dhexeeya Alleybadey iyo Hargeysa ayaa ugu baaqey dhamaanba Qurba jooga Kasoo Jeeda Deegaanka Degmada Alleybadey, in ay kasoo Qeyb qaataan Dhismaha Jidkaasi oo Xiligan laguda galey Olole balaadhan oo lagu hiraglinayo Dhismaha Jidkan Wajiyadiisa Hore.

Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Axmed Aw Ciise oo Shabakada Wararka Hadhwanaagnews usoo Gudbiyay baaqa uu Qurba Jooga Gobolka Gabiley gaar
ahaan Degmada Alleybadey kaga dalbayo ijn ay kaalin Muuqata ka qaataan Dhismaha Jidka u Dhexeeya Degada Alleybadey iyo Caasimada Hargeysa halkaas, oo hada laga wado dedaal badan Waxaanu Gudoomiyihu Qurba jooga ku booriyay in ay la Xidhiidhaan Gudida Dhismaha jidkaasi, oo loo baahan yahey doorkii la isku Xasuusin lahaa mar hadii durba la bilaabay Wajigeedii hore, si aanay ugu dhicin Qabyo, Waxaanu Gudoomiyaha Degamada Alleybadey sheegay in ay Waajib tahey in Qurba jooga kasoo Jeeda Degmada Alleybadey, oo doorkoodu muhiim yahey la xasuusiyo Dhismaha jidkan si ay durtadiiba u muujiyaan kaalintooda.

“Marka hore waxaan halkan uga mahad naqayaa Qurba jooga Degmada Alleybadey kasoo jeeda hadey yihiin kuwa jooga Norwey, Ingiriiska Mareykanka, dalalka Yurub sida Finland, Norwey, Denmarka, Holland iyo wadamada Kaleba, Ustaralia, iyo dhamaan dallaka Afrika, carabaha iyo duniad daafaheedaba, waxaanan uga mahad celinayaa doorka muuqata ee ay mar walba ku leeyihiin Degmada Alleybadey iyo Hurumarkeeda, waxaanan halkan maanta uga gudbinayaa baaq ay ku farxayaan oo ah sidii ay uga Qeyb qaadan lahaayeen Dhismaha Jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Alleybadey oo baahi weyn loo qabey jidkaas oo ay hada gacanta ku hayaan Gudida loo Magcabaay, anakuna aanu qeybtayada ka qaadan doono, sidii aanu shantii KM ee u horeeyay uga Qeyb qaadanay, Waxaan leeyahey, anigoo ku hadlaya Magaca Degmada iyo Gudidaba waa in ay olole balaadhan ka galaan oo maanka ku hayaan oo la Xasuusiyo Qurba jooga Degmada Alleybadey, xasuusintaas ayuun bay u baahan yihiin”Ayuu yidhi Axmed Aw Ciise.

Waxa kale oo uu Gudoomiyaha Degmada Aleybadey u mahad Celiyay Xubnaha Gudida Dhismaha Jidka iyo Suldaan Axmed Nuur C/laahi Samaale oo iyaguna dedaal badan ka wadaan Dhismaha Jidkan, waxaanu sheegay in Guud ahaanba Shacbiga kasoo Jeeda Degmada Alleybadey ay ka go,an tahey Dhismaha jidka u dhexeeya Degmada Alleybadey iyo Caasimada Somaliland ee Hargeysa isagoo fariin Guud ugu gudbiyay in qof kasta oo kasoo jeeda Degmada Alleybadey waajib ku yahey dhismaha Jidkani.

Maamulka iyo Dadweynaha Reer Alleybadey ayaa maalmihii u dambeeyay wadajir u bilaabay wajiga hore ee Dhismaha Jidka u dhexeeya Alleybadey iyo Caasimada Somaliland ee Hargeysa

WAJAALENEWS.COM

HARGEISA OFFICE

CONTACT;WAJALEEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS