Gudida Fulinta Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani UK Oo Qabsaday Shir Iyo Qodobadii Kasoo Baxay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudida Fulinta Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani UK Oo Qabsaday Shir Iyo Qodobadii Kasoo Baxay.
December 16, 2013 - Written by Wariye:

London(Wajaale News):-Waxaa   Bishan December ka dhacay hoolka shirarka Granby hall, Somali club  Ee ku yaala xaafada East London, Shir si qiimo badan loo soo agaasimey oo ay ka soo qaybgaleen badiba Xubnaha Gudiga Fulinta UK ee dhowaan lagu ansixiyey Shirweynihii Koowaad ee Xisbiga Waddani UK ee ka dhacay Magaalada Birmingham.

Shirkan oo gogoldhigiisa ay lahaayeen Gudoomiyaha Qaaarada Yurub ee Xisbiga Waddani Mudane Osman Aw-Aadan Jama iyo Gudoomiyaha Xisbiga ee UK, Mudane Ahmed Ali Nahi ayaa waxaa goobjoog iyaguna ka ahaa Xubno ka tirsan Maamulka Sare ee UK, Gudiyadii Fulinta ee Laamaha Shefield, Manchester, Birmingham, Leicester, North London iyo South East London.


Shirkan oo si habsami ah u qabsoomay ayaa muhiimadiisu ahayd, Isbarashada Xubnaha Gudiga Fulinta iyo Dardar gelinta habsami u socodka hawlaha Xisbiga ee UK, taasoo la isla qaatay in si loo dhamaystiro hawlaha muhiimka ah ee Xisbiga loo baahan yahay:

1) In la magacaabo Gudiga Joogtada ah ee Gudiga Fulinta Xisbiga Waddani UK, kuwaas oo la isla gartay in Laan walba ku yeelato Xubin ay iyagu iska soo doorteen iyo Afar Xubnood oo ka tirsan Gudiga sare ee UK, kuwaas oo kala ah Gudoomiyaha UK, Gudoomiye-ku-xigeenka Koowaad, Xoghayaha UK iyo Afhayeenka UK. Waxaa goobtan lagu soo bandhigay Magacyadii Xubnihii Laamahoodu goobtan joogeen oo iyagu cadeeyey Qofka uga mid noqon doona Gudigan. Sidoo kale Laamihii aan Xubnuhu ka joogin waxaa laga codsaday inay sidii ugu dhakhsiyo badan u soo magacowdaan Xubnahooda.

2) Waxaa kaloo kulankan lagu doortay Gudi Sixid iyo Dib u eegis ku samaysa Xeer-Hoosaadka Laanta UK, kuwaasoo lagu xushay Kartidooda iyo Aqoontooda dhinaca Sharciyada ah, Gudigani markay soo dhamaystiraan Xeer-hoosaadkan waxay hor-keeni doonaan Gudiga Fulinta si loo ansixiyo Xeer hoosaadkan. Xeer Hoosaadkan ayaa qeexi doona Waajibaadka Gudi walba.

Waxaa kaloo jiray arimo kale oo muhiim ah oo iyagana goobta lagaga hadlay ayna ka mid ahaayeen Dardargelinta Xafiisyada dhiman iyo Arimaha Dhigaalka Xisbiga oo iyagana si wanaagsan la isula meel dhigay.

Shirkan ayaa ku soo gabagaboobay jawi Farxad iyo Wadashaqayni ku dheehan tahay.

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Report:Ayan Xesen Caynan

COMMENTS
LINKS