|
|||||
WAJAALE NEWS
“Guddoomiye Ciro Meel Lagu Ridayo Ma Ogin, Laakiin Xamaasada Xaga Wadani Ayaa Laga Wadaa Oo Malaha Qaadhaankii Ayaa Usoo Bixi Waayay”Xil. Cali Mareexaan
December 18, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa, (Wajaale News):-Xoghayaha guud ee guddida maaliyada golaha wakiilada, Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo ka mid ah xildhibaanada muxaafidka xisbiga Kulmiye ayaa xisbiga mucaaridka ee Wadani oo uu hogaamiyo gudoomiyaha golahoodu ku eedeeyay inay iyagu wadaan arrimaha lala xidhiidhinayo in mooshin xilka lagaga xayuubinayo Ciro uu jiro. Md Mareexaan ayaa sidoo kale wax aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay inay jirto dhaqaale saxaafada qaarkood ay ku sheegeen in xukuumadu u qoondaysay ridista gudoomiye Ciro, taas oo uu ku tilmaamay arrimihii ay samayn jireen xilliyadii ay mucaaridka ahaayeen ee maamulkii Daahir Rayaale ee Udub uu xilka hayay. Xildhibaan Cali Mareexaan ayaa intaa ku daray in gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro yahay masuulka maamuuska saddexaad ee qaranka leh, taas darteedna xilliga uu doono madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay kulmi karaan. Waxaanu shirgudoonkooda ugu baaqay inay soo afjaraan khilaafkii sharci ee ka dhashay isku shaandhayntii guddiyada golaha oo uu sheegay inay laba kulan ka yeesheen xubnaha shirgudoonku. Md Cali Mareexaan ayaa sidaasi ku sheegay xogwaraysi khaasa oo uu shalay Wargeyska Haatuf xarunta wakiilada kula yeeshay, ayaa su?aalihii iyo jawaabihii uu ka bixiyay ay u dhaceen sidan:- S: Waxa la sheegayaa in xildhibaanadiina muxaafidka Kulmiye aydun wadaan mooshin lagu minjo xaabinayo gudoomiye Ciro, maxaa ka jira arrinkaasi? J: Anagu Cabdiraxmaan Ciro meel lagu ridayo ma ogin, cid ku tashatay hala ridana anagu war uma hayno, meel ay ka soo baxdayna ma ogin, laakiin waxaanu ognahay arrin golaha ka taagnayd oo shirgudoonku sharci ahaan ay isku hayaan, arrinkaana laba kulan bay ka yeesheen balamo kalena way leeyihiin. Goluhuna waxa uu shirgudoonka ka sugayaa inay talo midaysan ula yimaadaan oo goluhuna isku raaco, laakiin arrimahan ridista gudoomiye Ciro ee suuqa laga shubayaa inta badan waxay ka socotaa arrintan la leeyahay gudoomiyaha waa la ridayaa xisbiga Wadani dhexdiisa, markii aanu eegnayna waxaanu u qaaadanay in qolada Wadani qaadhaankii uu u soo bixi waayoo ay doonayaan farsamo ay qaadhaanka ku helaan, laakiin cid ridaysa iyo cid ku tashatay gudoomiye Ciro hala ridana golahayaga kama jirto, wax golaha horyaala oo lagu tashadayna maaha. S: Waxa kale oo jira warar sheegaya in lacag gaadhaysa $300,000 ay ugu talo gashay xukuumadu ridista Cabdiraxmaan Ciro, taas darteedna xildhibaanadiina muxaafidka oo aad ka mid tahay la idinla xidhiidhinayo arrinkaasi maxaa ka jira Anigu waxaan u arkaa in xamaasada gudoomiye Ciro waa la ridayaa ay ka socoto xisbiga Wadani, xisbiga Kulmiye-na kamaba socoto. S: Sideed u aragtaa khilaafka ka dhex taagan shirgudoonka ee ka dhashay isku shaandhaynta guddi hoosaadyada golaha uu ku sameeyay gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro, oo la sheegay inuu ahaa go?aan gole J: Had iyo jeer goluhu marka uu codaynayo cod hal dheeri iyo sharciyad uu leeyahay ayuu ku kala baxaa, goluhuna marnaba meel kaliya boqolkiiba boqol iskuma raaco waligiina meel uu boqolkiiba boqol goluhu isku raacay ma jirto, laakiin marka khilaafku yahay mid sharci in sharciga lagu kala baxaa way fiicn tahay. Mid kale waa markii ugu horeysay ee muddadii 8da sanadooda ee golahayagu shaqaynayay ee shirgudoonku arrin isku qabto, arrintani culays weyn bay leedahay oo musraqbalkii golaha ayaa ku idhan. Md Mareexaan ayaa sidoo kale wax aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay inay jirto dhaqaale saxaafada qaarkood ay ku sheegeen in xukuumadu u qoondaysay ridista gudoomiye Ciro, taas oo uu ku tilmaamay arrimihii ay samayn jireen xilliyadii ay mucaaridka ahaayeen ee maamulkii Daahir Rayaale ee Udub uu xilka hayay. Xildhibaan Cali Mareexaan ayaa intaa ku daray in gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro yahay masuulka maamuuska saddexaad ee qaranka leh, taas darteedna xilliga uu doono madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay kulmi karaan. Waxaanu shirgudoonkooda ugu baaqay inay soo afjaraan khilaafkii sharci ee ka dhashay isku shaandhayntii guddiyada golaha oo uu sheegay inay laba kulan ka yeesheen xubnaha shirgudoonku. Md Cali Mareexaan ayaa sidaasi ku sheegay xogwaraysi khaasa oo uu shalay Wargeyska Haatuf xarunta wakiilada kula yeeshay, ayaa su?aalihii iyo jawaabihii uu ka bixiyay ay u dhaceen sidan:- S: Waxa la sheegayaa in xildhibaanadiina muxaafidka Kulmiye aydun wadaan mooshin lagu minjo xaabinayo gudoomiye Ciro, maxaa ka jira arrinkaasi? J: Anagu Cabdiraxmaan Ciro meel lagu ridayo ma ogin, cid ku tashatay hala ridana anagu war uma hayno, meel ay ka soo baxdayna ma ogin, laakiin waxaanu ognahay arrin golaha ka taagnayd oo shirgudoonku sharci ahaan ay isku hayaan, arrinkaana laba kulan bay ka yeesheen balamo kalena way leeyihiin. Goluhuna waxa uu shirgudoonka ka sugayaa inay talo midaysan ula yimaadaan oo goluhuna isku raaco, laakiin arrimahan ridista gudoomiye Ciro ee suuqa laga shubayaa inta badan waxay ka socotaa arrintan la leeyahay gudoomiyaha waa la ridayaa xisbiga Wadani dhexdiisa, markii aanu eegnayna waxaanu u qaaadanay in qolada Wadani qaadhaankii uu u soo bixi waayoo ay doonayaan farsamo ay qaadhaanka ku helaan, laakiin cid ridaysa iyo cid ku tashatay gudoomiye Ciro hala ridana golahayaga kama jirto, wax golaha horyaala oo lagu tashadayna maaha. S: Waxa kale oo jira warar sheegaya in lacag gaadhaysa $300,000 ay ugu talo gashay xukuumadu ridista Cabdiraxmaan Ciro, taas darteedna xildhibaanadiina muxaafidka oo aad ka mid tahay la idinla xidhiidhinayo arrinkaasi maxaa ka jira Anigu waxaan u arkaa in xamaasada gudoomiye Ciro waa la ridayaa ay ka socoto xisbiga Wadani, xisbiga Kulmiye-na kamaba socoto. S: Sideed u aragtaa khilaafka ka dhex taagan shirgudoonka ee ka dhashay isku shaandhaynta guddi hoosaadyada golaha uu ku sameeyay gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro, oo la sheegay inuu ahaa go?aan gole J: Had iyo jeer goluhu marka uu codaynayo cod hal dheeri iyo sharciyad uu leeyahay ayuu ku kala baxaa, goluhuna marnaba meel kaliya boqolkiiba boqol iskuma raaco waligiina meel uu boqolkiiba boqol goluhu isku raacay ma jirto, laakiin marka khilaafku yahay mid sharci in sharciga lagu kala baxaa way fiicn tahay. Mid kale waa markii ugu horeysay ee muddadii 8da sanadooda ee golahayagu shaqaynayay ee shirgudoonku arrin isku qabto, arrintani culays weyn bay leedahay oo musraqbalkii golaha ayaa ku idhan. Waxaan u leenahay idinku gaar ahaan wada fadhiista oo wax goluhu ku wada qanco oo sharciga waafaqsan golaha horkeena, sharcigiina miiska ayuu saaran yahay.
Haatuf
Haatuf
Hargaysa Office Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|