Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Sheegay Inay Magaalada Burco Ka Jirto Eexasho Badan Dadweynaha U Soo Jeediyey In La ilaaliyo Amniga Dalka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Sheegay Inay Magaalada Burco Ka Jirto Eexasho Badan Dadweynaha U Soo Jeediyey In La ilaaliyo Amniga Dalka
December 26, 2013 - Written by Wariye:

faysal cali waraabeHargeysa(Wajaale News):-guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay fara gelinta ay maxkamadu ku samaysay golaha wakiilada Somaliland.

Gudoomiyaha xisbiga Ucid waxa uu sheegay inay hadyo jeer maxkamada sare ee Somaliland ay gasho qaladaad la xidhiidha sharciga, waxaanu yidhi ?wadankan hore ayaan u sheegay inuu sharcigiisii baaba?ay maxkamaduna imika oo kaliya qalad may gelin markii ay kiiskaygii xisbiga gashayba qalad ayey ku jirtay, barlamaanku nidaam ayuu leeyahay, xeer hoosaad ayuu leeyahay. Guddiyana wuu leeyahay, hore xafiiskayga ayey maxkamadu

u xidhay hadana kii baarlamaanka ayey ku soo socotaa, raga maxkamada joogaana sharciga way yaqaanaan,mushkiladuna waxa weeye dadkeenu sharcigii ma eegayaan waxay eegayaan madaxweynihii muxuu yidhi, sadexda qaybood ee qaranku ka kooban yahayna way is leeg yihiin midina midka kale kuma xad gudbi karo, haddii laga tagi waayana golaha wakiilada oo codkii shacbiga ku fadhiya ayaa u xoog weyn,? ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga Ucid waxa uu baaq u diray dadka ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, isaga oo sheegay inay wax badani ka qaldan yihiin magaalada Burco hadana loo baahan yahay in la ilaaliyo amniga qaranka waxaanu yidhi ?dadkii ku dhaawacmay mudaraadkii ka dhacay magaalada Burco waxaan leeyahay ilaahay dhaawacooda ha fududeeyo, shacabka reer Burcana waxaan leeyahay maanta tacabka Somaliland meel wanaagsan ayaad kaga jirtaan,waxaad tihiin magaaladii lagaga dhawaaqay gooni isku taaga, waxaad tihiin dad nadiif ah oo uurkooda iyo afkoodu is leeyahay,waxaan ka xumay in 22 sano ka dib in la yidhaahdo Burco ayuu iska hor imaad ka dhacay, waan ognahay inay wax badani qaldan yihii, waanu ognahay inay dalka eexasho badani ka jirto hadana macquul maaha in qof la badalay xanaaqo.? Ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS