|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka Ah Ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Ayaa Maanta Shaaca Ka Qaaday Heshiis Dhex Maray Sadexda Xisbi Qaran Ee Somaliland Oo La Xidhiidha Qabashada Dooda Qaran
December 19, 2013 - Written by Editor:HARGEISA(WAJAALENEWS)Guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta shaaca ka qaaday qodobo ay ku heshiiyeen xisbiyada qaranka Somaliland kuwaas oo la xidhiidha qabashada dooda qaran.
Hargeysa(wajaalenews):-Guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta shaaca ka qaaday qodobo ay ku heshiiyeen xisbiyada qaranka Somaliland kuwaas oo la xidhiidha qabashada dooda qaran. Guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in is afgarad laga gaadhay murankii ka taagnaa dooda qaran ee ay sida wada jirka ah u qaban qaabinayeen labada xisbi mucaarid ee Somaliland.
Ugu horayn oo gudoomiyaha Kulmiye oo ka hadlaya shirar ay yeesheen xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland ayaa waxa uu yidhi ?maanta waxaan soo gudbinaynaa shir ay maalmahanba lahaayeen sadexda xisbi qaran oo ay kaga arinsanayeen talo qaran, qolada warbaahintuna waxay maalmihii u danbeeyey umada aad u gaadhsiiseen inuu jiro khilaaf siyaasiya oo u dhaxeeya sadexda xisbi qaran,waxaana ilaahay mahadii ah in sadexdii xisbi qaran ay maanta ka heshiiyeen wixii laysku af garan waayey.?
Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday qodobada ay ku heshiiyeen xisbiyada qaranka Somaliland ee la xidhiidha dooda qaran waxaanu yidhhi ?Shirar socday dhawr cisho waxaanu gaadhnay dhawr qodob kuwaas oo kala ah
WAJAALENEWS.COM HARGEISA OFFICE Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|