Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka Ah Ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Ayaa Maanta Shaaca Ka Qaaday Heshiis Dhex Maray Sadexda Xisbi Qaran Ee Somaliland Oo La Xidhiidha Qabashada Dooda Qaran | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka Ah Ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Ayaa Maanta Shaaca Ka Qaaday Heshiis Dhex Maray Sadexda Xisbi Qaran Ee Somaliland Oo La Xidhiidha Qabashada Dooda Qaran
December 19, 2013 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS)Guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta shaaca ka qaaday qodobo ay ku heshiiyeen xisbiyada qaranka Somaliland kuwaas oo la xidhiidha qabashada dooda qaran.

 

 BIIXI

Hargeysa(wajaalenews):-Guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta shaaca ka qaaday  qodobo ay ku heshiiyeen xisbiyada qaranka Somaliland kuwaas oo la xidhiidha qabashada dooda qaran.

Guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in is afgarad laga gaadhay murankii ka taagnaa dooda qaran ee ay sida wada jirka ah u qaban qaabinayeen labada xisbi mucaarid ee Somaliland.

Ugu horayn oo gudoomiyaha Kulmiye oo ka hadlaya shirar ay yeesheen xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland ayaa waxa uu yidhi ?maanta waxaan soo gudbinaynaa shir ay maalmahanba lahaayeen  sadexda xisbi qaran oo ay kaga arinsanayeen talo qaran, qolada warbaahintuna waxay maalmihii u danbeeyey umada aad u gaadhsiiseen inuu jiro khilaaf siyaasiya oo u dhaxeeya sadexda xisbi qaran,waxaana ilaahay mahadii ah in sadexdii xisbi qaran ay maanta ka heshiiyeen wixii laysku af garan waayey.? 

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday qodobada ay ku heshiiyeen xisbiyada qaranka Somaliland ee la xidhiidha dooda qaran waxaanu yidhhi ?Shirar socday dhawr cisho waxaanu gaadhnay dhawr qodob kuwaas oo kala ah

  1. Waxaanu ku heshiinay haddii aanu nahay sadexda xisbi qaran wixii dood qaran ah ee danta qaranku ku jirto ee umadu u baahan tahay anaga oo sadexda xisbi ah inaanu si wada jir ah u qabano dooda qaran, akadamiguna ay noo ahaato cida hogaaminaysa si ay doodu u noqoto mid dhex dhexaad ah.
  2. Waxaanu ku heshiinay qodobada aanu doonayno inaanu ka doodno oo ah guud ahaanba labada qodob oo kala ah inaanu ka heshiino oo aanu go,aamo cad ka gaadhno doorashooyinka soo socda ee sanadka 2015  ee madaxweynaha, baarlamaanka iyo guurtida oo wali sharcigeedii dhiman yahay inaanu ka soo saarno xal lagu midaysan yahay  oo ah in doorashada wakhtigeedii lagu qabto  wixi iay u baahan tahay ee hawlo ahna aanu sii dhamayno, waxa kale oo aanu ka doodi doonaa ictiraaf raadintii  iyo inaanu caalamka ka doono wixii Somaliland kaga maqan, waxaanu isla af garanay inaanu aduunka wax badan ka tirsanayno oo aanu si wada jir ah uga doodano,
  3. Waxa kale oo aanu ku heshiinay inaanu asxaabta qaranka ku horayno oo aanu wixii gogol xaadh ah u sii samayno dabadeedna aanu qabano dood ay ka soo qayb galaan aqoonyahanka, waaya arag iyo qof kasta oo wax hayaaba uu ku daro la qabto.? Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabd

 

WAJAALENEWS.COM

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS