Guddoomiyaha Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka Oo Mudaharaadadii Ka Dhacay Wadanka Ku Tilmaamay Kuwo Muujinaya Tabashooyinka Shacabka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka Oo Mudaharaadadii Ka Dhacay Wadanka Ku Tilmaamay Kuwo Muujinaya Tabashooyinka Shacabka
December 30, 2013 - Written by Editor:

Hargeysa(WAJAALENEWS):-gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka somaliland Xasan Guure Jaamac ayaa ka hadlay mudaharadadii ka dhacay magaalada Hargeysa ee lagaga cabanayey biyo la,aanta soo food saartay shacabka caasimada.

Hargeysa(wajaalenews):-gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka somaliland Xasan Guure Jaamac ayaa ka hadlay mudaharadadii ka dhacay magaalada Hargeysa ee lagaga cabanayey biyo la,aanta soo food saartay shacabka caasimada.

Gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sidoo kale baarlamaanka Somaliland ku hanbalyeeyey talaabada ay qaadeen ee ay ku daba galayaan dhacdooyinkii ka dhacay dalka ee ay ka mid yihiin mudaharaadadii ka dhacay wadanka.

Ugu horayn gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland Xasan Guure Jaamac oo ka hadlaya mudaharaadii ka dhacay dalka mudooyinkii ugu danbeeyey ayaa waxa uu yidhi ?dadka marka uu isku soo baxo ee uu mudaharaado oo uu u badheedho inuu dariiqa isku soo taago waxa isku keenay wax fudud maaha, waxaynu ognahay inuu maalin kaliya mudaharaad ka wada dhacay magaalooyinka Saylac, Berbera, Burco iyo Laascaanood intaas oo mudaharaad oo aan xidhiidhsanayn oo aan cidi ka fikirin in la sameeyo oo aan ahayn mid la abaabulay oo siyaasadaysan oo ajande lagu doonayo aan ahayn waxay ahayd kacdoon dadka ku jira.

Gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in mudaharaadadii ka dhacay wadanku aanay ahay kuwo qabyaalad ku dhisan balse ay ka turjumayeen tabashooyinka ay shacabku qabaan waxaanu yidhi ?waxaan maqlay dadka qaar u macnaynaya qolada reer hebel, mashaakilkeenana hadyo jeer waxa loo macneeyaa reer hebel, cudur gaara oo reer hebel hayaana oo Ka Saylac jooga iyo ka Laascaanood jooga ma jiro ee cudur isku mid ah ayaa wada haya  maamul isku mid ah ayey ku wada jiraan, Hargeysana 75% dadka ku dhaqan ayaa biyo la,a.?

Ugu danbayntiina gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland waxa uu hanbalyo u diray xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland waxaanu yidhi ? waxaan aad u hanbalyeynaynaa xildhibaanada golaha wakiilada waxaana muuqata inuu baarlamaankii kaalintiisii ka soo baxo, hore waxa u dhici jirtay in wax kasta jawaabteeda laga sugo dawlada, waxaynu ognahay in mudaharaadadan dhacay iyo kuwii ka horeeyey intay dhaceen inaan cidi ka daba tagin, in dhamaanba wixii dhacay ee tabashada shacabka ah oo ah waxa keenaya mudaharaadada keeni doonana haddii aynaan ka daba tagin, waxaan ku boorinaynaa golaha wakiilada talaabada ay qaadaan, waxaanan ka codsanaynaa inay kuwa kalana daba galaan.? Ayuu yidhi guddoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland Xasan Guure Jaamac

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

contact;wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS