|
|||||
WAJAALE NEWS
Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyey Xubin Ka Tirsan Golaha Cadaalada Mid Kale Dib U Celiyey.
December 30, 2013 - Written by Wariye:Hargaysa(Wajaale News):- Golaha Wakiilada Somaliland oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi(Cirro) ayaa mudanayaashu waxay Cod Aqlabiyada ku ansixiyeen xubin ka mid ah guddida cadaalada , iyagoo xubin kalena dib u celiyey. Fadhigan oo ay ku sugnaayeen shan iyo afartan mudane ayaa cod gacan taaga u qaaday laba xubnood oo loo soo xulay in ay ka mid noqdaan guddida cadaalada sida uu dhigayo sharciga xeer nidaamiyaha golaha Wakiiladu . Waxa fadhigaasi xoghayaha Guud ee Golaha Wakiiladu ka soo jeediyey taariikh nololeedka iyo waliba ka waayo aragnimo iyo aqooneed ee labada xubnood oo markaasi kala ahaa Shariif Ibraahim Cumar iyo Cali Axmed Maygaag . Waxa Mudanayaashu cod Aqlabiyada oo dhan shan iyo Afartan mudane ay ku ogolaadeen Shariif Ibraahin Cumar in uu xubin ka ahaado guddida Cadaalada iyadoo markaasi aanay jirin cid diiday ama ka aamustay guddoomiyuhuna aanu codayn sidaasi ayaana uu ku ansaxay xubinimada Shariif Ibraahin Cumar. Intaasi ka dib waxa ay mudanayaashu guddo galeen ansixinta Cali Axmed Maygaag oo ay u codeeyeen xubinimadiisa guddida Cadaalada Afar iyo Toban Mudane isla markaasina ay ka diideen siddeed iyo labaatan Mudane , halka ay ka aamuseen saddex mudane guddoomiyuhuna aanu codayn sidaasina waxa uu ku waayey xubinimadii guddida Cadaalada , waxaana xubintaasi goluhu dib ugu celiyey guddida Garsoorka, Cadaalada iyo xuquuqal Iinsaanka ee Golaha Wakiilada . Dhinaca Kalena Boqor Axmed Iimaan Warsame oo ku hadlayey Afka Beesha Gabooye ka mid ahaa dadkii goob jooga ka ahaa fadhigaasi ayaa uga mahadceliyey golaha Wakiilada Somaliland sida wanaagsan ee ay u tix-galiyeen in xubin ay ku yeeshaan Guddida Cadaalada isla markaasina ay soo nooleeyeen cadaaladii lagu yaqaanay Somaliland , waxaana uu raali galin ka siiyey bulshada Somaliland hadalo dhawaan ka soo yeedhay qaar ka mid ah madax dhaqameedka Beelaha Gabooye . Hargaysa Office Related posts:DAAWO;Boqor Axmed Badmadow Oo Luuqadii Ugu Adkayd Kaga Jawaabay Hadalo Gef ah Oo Boqor Buurmadow Ku... Madaxweynaha Jsl Oo Kormeeray Xarunta lagu Qabanayo Tartan Aan Hore Uga Qabsoomin Somaliland Oo Dhex... Waraysigii Ugu Dambeeyay Ee Laga Qaaday Jeneraalkii Lagu Eedeeyay Afgambigii Dhicisoobay Ee Itoobiya COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|