Golaha Wakiilada Oo Cod Ku Meel Mariyay Ajandaha Golahaasi Iyo Gudida Joogtada Ah Iyo Labada Guddoomiye Ku Xigeen Oo Fadhiga Ka Maqnaa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Wakiilada Oo Cod Ku Meel Mariyay Ajandaha Golahaasi Iyo Gudida Joogtada Ah Iyo Labada Guddoomiye Ku Xigeen Oo Fadhiga Ka Maqnaa
December 21, 2013 - Written by Wariye:

wajaale newsHargeysa (Wajaale News):-Golaha Wakiilada Somaliland ayaa saaka cod ku meel mariyay ajandaha kalfadhigooda iyo guddida joogtada ah ee golahaaasi.

Fadhigan oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Aqalkaasi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa waxa gudida joogtada ah ee golahaasi Cod ku ansixiyay 47 mudane, 5 xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay 3 mudane.

Fadhigan oo ay ka maqnaayeen labada guddoomiye ku xigeen oo la filayay in uu buuq ka dhasho ayaa ku soo dhamaaday jawi degan
Xoghayaha guud ee Golaha Wakiiladda C/risaaq Siciid Ayaanle ayaa ka hor inta aan guddida joogtada ah la Ansixin golaha ka hor akhriyey warbixin sharciyeed oo uu la taliyaha sharci ee Golahaasi ka soo saaray Khilaafka shirguddoonka ka dhex taagnaa ee ku saabsanaa sharciyadda guddiyada lagu kala bedelay, waxaanu go’aankiisu u dhacay in ay sharci yihiin nidaamka loo maray.

Dhinaca kale, waxa fadhiga maanta si duuduub ah loogu Ansixiyey Ajandaha kal-fadhigan oo cod la galiyey kadib markii la isku raacay.

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS