|
|||||
WAJAALE NEWS
Garaad Jaamac oo maamulka Puntland iyo musharaxiinta u taagan ugu hanjabay dagaal Somalilandna..
December 19, 2013 - Written by Editor:Burco-(wajaalenews)-Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah garaadka guud ee deegaamadda Talleex, ayaa maamul-gobaleedka Puntland ee Soomaaliyeed uga digay inay sanaaduuq tuuga ah soo galiyaan Gobalada iyo deegaamadda u teedsan xaduudka Somaliland ee Sool, Sannaag iyo Badhan, isla markaana waxa uu ku hanjabay haddii xildhibaanada Maamulka Puntland lagu daro xubno ka soo jeeda beesha Dhulbahante ay bilaamayso colaado iyo dagaalo horleh. Garaad Jaamac Garaad Cali oo shalay u waramayay warbaahinta maamul-gobaleedka Puntland, waxa uu sheegay in doorashada maamul-gobaleedka Puntlabd qabsanaayo uu galiyay deegaamadooda carqalad, waxaanu yidhi.“Ciddii naga dhagaysanaysa arrintaasi oo aanu hore uga hadalnay oo ahayd doorashada maamulka Puntland uu qabsanaayo waxa uu nagaliyay carqalad oo dhib ayuu nagaliyay oo deegaamadan shacabkii joogay wuu la dagaalamay, haddana shacabka aanu tolka nahay in si-nabadgelyo ah ugu dhacdo doorashadaasi ayaanu u rajeenayna. Waxaanu cadaynaynaa wax xildhibaano ah oo beesha Dhulbahante ku matalaaya maamulka Puntland ma jirto. Taladayadii siyaasaddeed macquul maaha in taladayadii aanu maamul kale aanu u dirsano, markaa waxa weeye anagu kuma jirno, kamana mid nihin. Haddii ay dhacdo xildhibaano namatalaaya la qorto waxay noqonaysaa inay tahay colaad iyo dagaal ka dhex-abuurmay dadkan.” Garaad Jaamac waxa kale oo uu sheegay in beesha dhulbahante mawqif-keeda Siyaasaddeed lagu qasbi-karin, waxaanu tilmaamay inay noqonayso nasiib-daro siyaasadeed oo ku dhacda maamulka Faroole, balse waxa uu sheegay in xubnahaasi ka mid ah beeshiisa, waxaanu yidhi, “Beesha mawqif-keeda siyaasadeed laguma qasbi-karo in la yidhaahdo dadkan ayaa idin matelaaya xildhibaanada Puntland, waxaanay noqonaysaa nasiib-daro iyo colaad hor leh oo ka dhacda deegaamada Gobalka Sool iyo Sannaag. Waxaanu u sheegnay inay naga mid ahayn dad aan matelin shacabka Talleex iyo Odayaal shaabadahoodii la foojar-kareeyay la leeyahay dad ayaa lagu qorayaa, waxaanu u sheegaynaa inay wax dhib ahayn soo kordhinayn.” Sidoo kale Garaad Jaamac waxa uu sheegay inay musharaxiinta u taagan hoggaaminta maamulka Puntland inay sanaaduuq si-qarsoodiya u soo galiyaan deegaamada beesha Dhul-bahante, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa u yidhi, “Waxaanu maamulka Faroole uga digaynaa iyo musharaxiinta u tartamaaya hoggaaminta maamul-gobaleedka Puntland inay sanaaduuq qarsoodiya soo galiyaan Gobalada Sool, Badhan, Sannaag, deegaamada talleex iyo dhulka ay degto beesha Dhulbahante, waxaanay doonayaan inay cod tuuga ah meelahaas kaga shubtaan. Waxaanay ku hawlan yihiin inay dad dhalinyaro ah iyo wax ma garato ah lacag siiyaan oo ay yidhaahdaan noo codeeya. Wallaalo-hayaga aanu dariska nahay waxaanu leenahay intiina idinku filan ee u tashada, haddii aad wax been ku abuurtana way bur-buraan. Xukuumadda Somaliland-na waxa looa baahan yahay inay la socdaan dhaq-dhaqaaqyada maamulka Punland ka wadaan deegaamada Gobaladda barriga
wajaalenews.com desk
Related posts:Dhaamka Gabiley Oo Liqay Marxuum Caydaruus Sh. Cumar Basiiri Oo Katirsanaa Ciidamada Dab Damiska Gab... Prof Cabdisalaan Yaasiin Oo Ka Hadlay Xadhiga Xukuumada Kula Kacday Suxufiyiinta Iyo Ficilada Mashaa... DAAWO;-Xildhibaan Xasan Dhuxul Laabsaalax Oo Maanso Kula Dardaarmay Arday Ka Qalin Jabisay Maimi Col... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|