|
|||||
WAJAALE NEWS
GABAY KA HADLAAYA TAHRIIBTA OO AY TIRISAY ABWAAN KOOS JAAMAC DHUNKAAL
December 6, 2013 - Written by Editor:Maanta oo ay taariikhdu tahay 04/12/2013 waxay Abwaan koos Jaamac Dhunkaal ay soo saartay Gabay la magac baxay Duufaan oo ka hadlaaya Aafada Tahriibtu ay ku hayso dhalinta Somaliyeed meel ay joogaanba,
Duufaan baa ina soo galay ka ducaysta daraf yada Horta dulucda maansada dadka hay ila eegaan Damqashada xanuunka leh anuunbaa dareemee da’a yartaydu may garan meeday dawladaydii dus-dusliyo af miishaar raggii doobta dheeraa dhaliilaha daldali jiray maxaan loo dareemayn da’yartaa dhamaatee dilaaliintu qaybsheen Haadu diiranaysee lagu daadshay saxaraha. Daa’inow Allahayow Deeqlow Illaahow Daayimal Raxmaanow Darajaalihiyow dunidaba ka uumee hadana daadajinayow dagdeg ii ajiiboo Dalabkayga iga yeel Da’yartaa dhamaatee haadu diiranayso iimaanka deeqsii oo dalka iigu soo celi .
Waa lagu haleeyee hooyo Waa lagu hagraday hooyo Waan laguu hadlayne hooyo Hanfi kuma haleeleen hooyo Haadu kuma dal dalateen hooyo Ma hadh galo habeenkii hooyo Dharaartii ma haybsadee hooyo Hurdo seexan waayay hooyo
Ana hawdka ha igelin hooyo Adna haada ha u tagin hooyo Waa halis tahriibtuye hooyo
Waa hoyga naartee hooyo Waa holac baxaayee hooyo Waa horor ku cunaayee hooyo
Anna halista ha igo’oyn hooyo Adna haada haw u tagin hooyo
Waa hodon dhulkeeni ee hooyo Waa lama huraane hooyo Waa heli aduunyo hooyo Waa halaagii doonta hooyo
Anna hawdka ha i galin hooyo
Adna haada ha u tagin hooyo Waxaad tahay hugaygii hooyo
Halbowlaha wadnaha hooyo Beerkayga laga hugay hooyo Ana halista ha i goyn hooyo Adna haada ha u tagin hooyo
waa hodon dhulkeenu hooyo waa lama huraane hooyo hanfi iyo dabayl ma leh hooyo horor iyo dabqaad ma leh hooyo diintaada hodonka ah waa inaad ku hirtaa hooyo Adna haada ha u tagin hooyo Ana halista ha i goyn hooyo Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|