Dib U Milicso Qudbadii Madaxwayne Siilaanyo Ee 8-Dii June Ee 2009-Kii “Kursiga Hadaan Ku Guulaysto Anigaa Amina Waris Ka Ilaalin Doona Lacagta Dekeda Berbera In Guriga Loogu Keeno?Gud. Horseed Calawi Cabdi Gaboobe | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dib U Milicso Qudbadii Madaxwayne Siilaanyo Ee 8-Dii June Ee 2009-Kii “Kursiga Hadaan Ku Guulaysto Anigaa Amina Waris Ka Ilaalin Doona Lacagta Dekeda Berbera In Guriga Loogu Keeno?Gud. Horseed Calawi Cabdi Gaboobe
December 24, 2013 - Written by editor

SNM uu ilaalin doono, ka shaqeyn doonana ictiraaf raadinta iyo inuu dhaqaalaha dalka soo gala si fiican uu ilaalin doono uguna

Hargeysa, December 24, 2013 (Wajaale-News) – Guddoomiyaha ururka wadaniga ah ee Horseed Md.Calawi Cabdi Gaboobe aya isbar-bar dhig ku sameeyay balanqaadadii Madaxwayne Axmed Siilaanyo ee xilligii uu mucaaridka ahaa iyo waxa uu ka fuliyey mudo xileedkiisa wakhtigan, kaas oo ku sifeeyey kaaf iyo kala-dheeri.

Calawi Cabdi Gaboobe waxa uu ka xusay balanqaadadaasi qudbad uu Madaxwayne Siilaanyo huteelka Maansoor ka jeediyey xiligii ololihii oo ku beegnayd 8-Dii June Ee 2009-Kii, kaas oo uu sheegay inuu ku balanqaaday in marwadiisu aanay wax faro-galin ah ku samayn doonin hogaaminta talada dalka hadii uu ku guulaysto doorashadda.

 

Hadaba warsaxaafadeed uu xalay soo saaray Guddoomiyaha Horseed Md Calawi Cabdi Gaboobe oo uu nuqul ka mid ah Haatuf soo gaadhsiiyey ayaa waxa uu isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan:- ?Waxaan bulshadda Somaliland ee sharafta badan xasuusinayaa inay dib u milicsadaan qudbadii uu madaxwayne Siilaanyo Hutel Maansoor ugu jeediyey taageerayaasha Kulmiye taariikhdu markay ahayd 8-dii June ee 2009-kii ee ku tiraabayey ?kursiga hadaan ku guulaysto Aniga Amina Waris ka ilaalin doona lacagta dekeda berbera in guriga loogu keeno?.

Mida kale waxa xaqiiqo ah inay shacbiga dalka Jamhuuriyada Somaliland  la yaaban yihiin isbedelka iyo kala duwanaan-shaha  siilaanyihii shalay  dadweynaha uga dhigayey inuu dadka  iyo  dadkan-ba  uu gurmad  uu yahay iyo inuu doonayo  inuu sumcad iyo taariikh wanaag-san uun  ka tago !!!.ee aanu hanti urusi iyo dhaqaale aanu uu soconin!!!.

Bal dadweynow uu fiirsada oo nala eega xog-warran iyo warbixin uu M/weyne Siilaanyo

Uu hotel mansoor ee caasimada qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa ka jeediyey taariikhdu markay ahayd 08.June.2009 taas oo uu ku  siiyey  qaar ka mid ah taageerayaasha xisbigi Kulmiye ee uu madaxda ka ahaa xiligii kaambeynka, waxaana ka mid ahaa hadalladiisi inuu

Dalka horumarin doono dhinac kasta, inuu agoomaha ururkii xaq uu dirirka ahaa ee

SNM uu ilaalin doono, ka shaqeyn doonana ictiraaf raadinta iyo inuu dhaqaalaha dalka soo gala si fiican  uu ilaalin doono uguna adeegi doono bullshada si dhexdhexaad ah. waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay  inuu lacagta dekeda Berbera ka ilaalin doono marwadiisa Aamina Waris in Gurigeeda loogu keeno!!!. iyo ballan qaadyo kale oo faro badan oo aan la haynin.

Haddaba iska daa in dadka wax la taro ama loo qabto?e waxay xukuumadda Siilaanyo ku

Dhaqaaqday talaabooyin khatar  ah oo ay ka muuqato cadaawad iyo kibir madhan, waxaana ka mid ah;-

  1. Maamulka w/waxbarashadu waxay amar ku bixiyeen in si bilqasab ah lacag sharci-

darro ah looga qaado ardayda Iskuulada dawladda wax ka barata oo loogu talo-galay

wadada Ceerigaabo, ardayga diidana  waa la eryayaa! arintaasi-na waa mid qalad iyo

xad-gudub  weyn ku ah xuquuqda aas-aasiga ah ee muwaadinka oo laga galay ardaydaasi muwaadiniinta ah. mida kale waxaa dalka ka socda wadooyin faro badan, maxay tani kaga duwan tahay kuwa kale ee dalka ka socda???.

2. Maamulka W/Duullista hawadu wuxu labo-sadex jeer  uu lacagyow dheeraad ah oo baad ah uu ku kordhiyey dadka muwaadiniinta ah ee madaarada dalka ka dhoofa, waxaanu Meeshaasi ka dhigtay meel uu sida uu doono uu ku tasarufo. sidoo kale wuxu ku fashilmay mashruucii dhismaha  madaarka Igal International Air-port ee caasimada Hargeysa ee dalka Kuwait inagu caawiyeen , waxaana su?aalo badan la iska weydiiya dhaqaalihii faraha badnaa ee loogu talo galay  halka uu maray.

3. Shidaalkii wuu qaaliyoobay, waxaanu saameyn weyn ku yeeshay nooloshii dadka oo ascaartii wax kasta ay qaali noqdeen, intii ay kuwani yimaadeen-a way ka sii dartay.

4. Lacagtii laga soo daabuli jiray dekeda Berbera waa sidii oo xarunta Madaxtooyada ayaa si toos  ah  loogu keena cida meesha joogta?.

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS