DADKA LEH SHIRKA KULMIYE DHICI MAAYO WAXAANU LEENAHAY INDHIHIINA AYAAD KU ARKI DOONTAA ISAGOO DHACAY SHIRWAYNUHU;; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DADKA LEH SHIRKA KULMIYE DHICI MAAYO WAXAANU LEENAHAY INDHIHIINA AYAAD KU ARKI DOONTAA ISAGOO DHACAY SHIRWAYNUHU;;
December 24, 2013 - Written by Editor:
DADKA LEH SHIRKA KULMIYE DHICI MAAYO WAXAANU LEENAHAY INDHIHIINA AYAAD KU ARKI DOONTAA ISAGOO DHACAY SHIRWAYNUHU OO……….

“HARGEISA (WAJAALENEWS) Dadka leh mudaharaad ayaanu dhigaynaa waxaan leeyahay dalka khal-khal ha iska galinina waa dalkiini waa dalkii hooyadiin waa dal aynu wada leenahay dowladana ka dambeeya dowlada inaga ayaa dooranay gacan teenana ku dooranay……………”

 

AHMED RASHEED oo siyaadsi  yar oo ka tirsan xisbi xaakimka kulmiye  ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan shir waynaha xisbi xaakimka kulmiye ee la filayo in uu dhawaan ka dhaco dalka somaliland caasimadiisa hargeisa .

Sida wada arkaysaan waxa soo dhow oo fooda inagu haya shirwaynihii xisbi xaakimka kulmiye oo loo qoondeeyey in uu dhaco dabayaaqada sanadkan.

Xisbigu waa xisbi isku xidhan oo gole dhexe ilaa garabada xisbiga oo dhan gudoomiyayaashooda waxooga oo dhan isku xidhan markaas xisbi ciyaar ciyaar ku baaba ilama aha oo waa xisbi xaakimkii kulmiye aniga waxa I farxad galisayba kulmiye oo la leeyahay XISBI XAAKIMKA DALKA waa farxad ii gaara mar hadii aanu noqonay xisbi xaakim, kulmiyena wax khilaaf ah oo dhex yaal ma jiro shirwaynuhuna wuu dhici doona marka uu gudoomiyahu ka yimaado tanzia.

Horta xisbiga waxa u udub dhaxaadkii ah golaha dhexe mar hadii golaha dhexena heshiiyana waa caad hadii uu isku kacana xisbigaasi maaha xisbi jiraya.

Waxa aan la hadlayaa qolada mucaaridka ah ee goorba intay saxaafada soo hor fadhiistaan ka caytamaya halkaas oo aduunkii oodhan arkayo waa inagu ceeb in tvga la fadhiisto la caytamo waxaan leeyahay waxba ha is daalinina shalay waad arkayseen jamal isagoo iska socda ayuu gabiley tagay markaas wax waliba sharci ayay leeyihiin iyo nidaam loo raaco ee qoladiinan shacriga iyo nidaamka garanaynee soo barta ayaanu idin leenahay waxaad leedihiin meel ayaa naloodiiday diyaaradii ayaa naloo diiday waxba idin lama diidinee idinka ayaa sharcigii ka hor imanaya ee horta sharciga u mara oo maamulka meesha codsi u gudbiya aad leedihiin halkaas baanu u baahanahay in sidaas la yidhaahdo hadii hadhow ladiido wax dhaha laakiinse idinkiiyo sharci iyo nidaam garanayn ayaad leedihiin waxbaa naloo diiday mudaharaad ayaanu dhigaynaa waxaasi wax idinka soconaya maaha wax ilmo ciyaal ahina ku hadlo maaha oo ilmahaaba ka xishoonaya in uu ku hadlo,waad arkayseen in xisbigii wadani uu si fiican loo soo dhaweeyey gudoomiyahoogii iyagu sharcigii ayay u mareen oo nidaamkii ayay garanayaan idinkuba waad garanaysaan ee waxbaad uga jeedaan mudaharaadkanina wax idinka soconayo maaha aniga siday ila tahay oo dalkan waynu wada leenahay ma dalkaynu kala leenahay maya soo maaha  hadii goorba mudaharaad iyo wax loo jeedin la dhigo ilama aha in uu dalku sidaas ku hagaagayo.

Dadka leh mudaharaad ayaanu dhigaynaa waxaan leeyahay dalka khal-khal ha iska galinina waa dalkiini waa dalkii hooyadiin waa dal aynu wada leenahay dowladana ka dambeeya dowlada inaga ayaa dooranay gacan teenana ku dooranay.

QORE AXMED RASHEED

HOGAANKA GARABKA DHALINYARADA EE XISBI XAAKIMKA KULMIYE

COMMENTS
LINKS