Ciidanka Booliska Oo Saaka Xabsiga Dhigay Guddoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland ee (SOLLA) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Booliska Oo Saaka Xabsiga Dhigay Guddoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland ee (SOLLA)
December 23, 2013 - Written by Editor:

Foosi ayaa ka hor intii aan la xidhin warbaahinta u sheegay inaanu garsooruhu xaq u lahayn, maadaama kaliya uu codsaday in dcwadda dib loogu dhigo, isagoo sheeganaya duruufo dhinaca wakhtiga oo cidhiidhi ku ah awgeed ah

Hargaysa(wajaalenews) Ciidanka Booliska Somaliland ayaa saaka Xabsiga dhigay Guddoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland (SOLLA) Foosi Sheekh Yoonis, kadib markii uu shalay diiday waaran ay Maxkamadda  Sare ee ciidamaddu ugu soo jartay waaran Dacwad uu Qareen ka ahaa oo uu ka soo xaadiri waayey.dacwaddaas gacanta ku hayey ayaa la sheegay inuu diiday dib u dhig uu Guddoomiye Foosi codsaday  waxana uu Beddelkeeda amar ku bixiyey in  la soo qabto

 

GuddoomiyeFoosi ayaa wajaale  u sheegeen inuu haatan ku xidhan yahay Saldhigga dhexe Ee Hargeysa, iyadoo laga Yaabo in meelo kale looga sii Gudbiyo

Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Qareenadda Somaliland ee SOLLA Xasan Cali Xasan (Banfas) ayaa falkan ku tilmaamay mid sharci daro ah waxaanay warbaahinta u sheegeen in ay arrintan iyo arrimo kale oo dhinaca muranka sharci ee ka taagan Dalka ka hadli doonaan.

 

Foosi ayaa ka hor intii aan la xidhin warbaahinta u sheegay inaanu garsooruhu xaq u lahayn, maadaama kaliya uu codsaday in dcwadda dib loogu dhigo, isagoo sheeganaya duruufo dhinaca wakhtiga oo cidhiidhi ku ah awgeed ah, waxana uu Garsooraha ku sheegay mid caadifadaysan oo degdegaya.

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS