CIIDAMADA LIYUU BOOLISKA EE ITOOBIYA OO 15 QOF KU DILAY XADKA SOMALIYA | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
CIIDAMADA LIYUU BOOLISKA EE ITOOBIYA OO 15 QOF KU DILAY XADKA SOMALIYA
December 11, 2013 - Written by Editor:

UntitledQalaafe(WAJAALENEWS)-Wararka ka Imanaya Degmada Mustaxiil ee Sohdinta u dhaxaysa Somaliya iyo Ethiopia, ayaa sheegay in Ciidamada Liyuu Booliska ee dowlada

degaanka Soomaalida Itoobiya ay aagaasi ku dileen dad gaadhaya illaa 15 qof oo shacaba.

Xasuuqa dadka shacabka ah ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhacday degaano u dhexeeya degmooyinka Qalaafe iyo Mustaxiil, ka dib markii sida la sheegay Kolanyo ciidankaasi ah koox hubaysani weerar ku qaadeen.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda hubeysani ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan Liyuu Booliska,kuwaasoo qasaare soo gaadhsiiyay, dabadeed-na ka baxsaday.

Iyagoo weerarkaasi ka jawaabaya, hawl-galo ay sameeyeen oo ka dhacay Qalaafe iyo mustaxiil inta u dhaxaysa ayaa sidoo kale lagu qabqabtay dad farabadan oo qaar la dilay.

Nabadoon Cumar Shiikh Yuusuf oo ka mid ah Cuqaasha deegamadaasi ayaa warbaahinta u sheegay in Nin ay walaalo ahaayeen uu ka mid ahaa 15 qof ee la dilay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidamada Maamulka Kilalka Shanaad iyo dawladda toona, waxaanay wararku intaasi ku darayaan in dad badan la jidh dilay, isla markaana baro kac bulsho halkaasi ka bilaamay.

WAJAALENEWS.COM

HARGEISA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS