Cago Juglaynta Ay Xukuumadu Ku Hayso Saxaafada Somaliland Waxaana Odhan Lahaa Dalku Maanta Maqaadi Karo Cabudhin.Guddoomiyaha Afgarad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cago Juglaynta Ay Xukuumadu Ku Hayso Saxaafada Somaliland Waxaana Odhan Lahaa Dalku Maanta Maqaadi Karo Cabudhin.Guddoomiyaha Afgarad.
December 5, 2013 - Written by Wariye:

afgaradHargaysa(Wajaale News):-Guddoomiyaha Ururka Afgarad ayaa maanta warysi uu siiyayey  qaar kamid ah warbahinta madaxa banaan waxa uu canbareeyey cago juglaynta iyo cadaadiska ay xukuumada kulmiye ku bilawday saxaafada somaliland ee ay ula dhaqmayso si ka baxsan anshax dawladnimo taas oo sida uu sheegay xukuumada kulmiye ay suuqa ka baacsanayso saxaafada madaxbanaan taasina ay noqotay mid la kosatay xukuumada kulmiye, saxaafaduna aanay uhogaansami doonin talaabada ay xukuumada kulmiye ku doonayso in ay dalka ku qabsato xoog saxaafadana cidii afka juuq ka tiraaha xabsiga la dhigo.
Dhica kale waxa uu sheegay in xukuumada

siilaanyo ay tahay mid ilawday saxaafadii soo saartay abaalkoodiina ka dhigtay in ay ugu jawaabto xabad iyo in lagu xidho xabsiyada barta ugu xun.

Hadaba warysiga uu siiyey ayaa waxa uu ugu hore yidhi?Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan ururka Afgarad waxa aan cambaareynayaa xadhiga ay xukuumadu kula kacday suxufiyiinta afarta ah ee maalintii saddexaad ku xidhan Saldhiga dhexe.

Madaxweynaha waxa aan leeyahay madaxweyne markii aad mucaaradka ahayd waadigii u hadli jirtay saxaafada ee odhan jiray waa la cabudhinayaa, runtii la yaab ayay nagu tahay in maamulkaagu ay cabudhiyaan saxafiyiinta reer somaliland ee wararka diiran dadkooda ugu hiilinaya, ayuu yidhi.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in la sii daayo saxafiyiintaas oo aan waxba galabsan Wax aan ka codsanayaa xukuumadu in ay sida ugu dhakhsaha badan xorriyadooda ugu soo celiso?ayuu yidhi.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS