Beesha Dhex Iyo Inta Kale Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan Bartay Aqoontaka Xeerarka 05/12/2013 | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Beesha Dhex Iyo Inta Kale Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan Bartay Aqoontaka Xeerarka 05/12/2013
December 5, 2013 - Written by Wariye:

                            Qalinkii  Garyaqaan Cabdale Dahir Adan

                               Bartay Aqoontaka Xeerarka

                                     cabdale    05/12/2013

          Afeef  ” waan afeefanayaa eedi ha iga hadhee”

Kasmo baadhistan tan iyo habeenkii ay maankayga ku soo dhacday, waxa iga guuxayay halkeed ka bilawdaa, iyo sidee u sigib-tirtaa, aniga oo maanka ku haya, xanafta iyo eedaha ka buuxa, kasmo baadhistan, waayo, waa adagtahay, qof inta oo jilibka u laabtay, yidhi waar horta maxaa ina dhex yaala hadii aan beelaha Somaliland nahay, oo eelka farta galiyay oo inta uu kaga dhiijiyay, yidhi waxan baa ina haya, murti dhaqankeena ku jirid aasatay baa tidhaa, oo goobtan oo kale lagu bilaabo hadalka,                                                                      

 Dusha milika laga dhayo                        

 Aan boogta loo dagin                                

Waligaaba duuduub                                                                                    

 Dusha ubax ka saar-saar                                                                         

 Dakhar waa halkiisii                     

 Dhabtu waa taas, hadii aan la darsin waxa jira, oo boogta, aynu qarsano, waa dhib inoo taal, waxan dhaba in ay maalin maal maha ka mida inta ay boogtaasi balaadhato, oo buqbuqdo, la garan waayo, waxa lagu daweeyo, ee bal inta ay inoo noqon lahayd dhib inoo taal, ha noqoto dhib aan furdaaminay, oo aan ka gudubnay.                                                                                                 

Kasmadan waxan ugu talo galay, in aan bal si hufan, oo aan tur-xaan lahayn aan u soo bandhigo, waxa dhex yaal beelaha Somaliland, ee ay kala tirsanayaan, iyada oo aan ogahay in wax badan la daweeyay, qaarna wali socdaan, se waxa aan rabaa bal inta aan u arko in ay ka maqan tahay in lagu soo daro, in aan halkan ku soo gudbiyo, iyo sida aan u furdaamin karno, ileen waa seeto qarankeena ku xidhane.                                                                                                            

 Inta aan hoos ugu dagin aan afeefta soo xidho, aniga oo ku soo xidhaaya, halka aan ka taaganahay, oo aan mugdi ku jiran, si hufana u daaha uga faydaaya, dareenka dhabtaah, oo ah kaan si dhaba u rumaysanahay, waxan aan kaga dayanayaa, macalinkaygii Abwaan Gaariye, mutida ma guurtada ah ee laga guntay ee uu yidhi                                                                                                    

 Abkuu doono ha sheegtee                                                                              

 Waxa aanu abb iyo                                                                                  

Abtirsiimo wadaagnaa                                                                                       

 Ka si waxa iila arkaaye                                                                                           

 Ma midayso ujeedo                                                                                             

Taas oo dhaba, weeyi ta, mankayga ka guuxaysaa, ee aan hadh iyo habeen u taaganahay, mana aha waxa aan qarsado, nacayba aan u hayo Qabyaalada iyo dadka fooxa u shida qabyaalada, waana mid aan waligay u taagnaanayo, kii intaas igu soo raaca uun baan isku hayb iyo hilbaba wadaagnaa.

Aan intaas ku soo dhaafo afeefta, oo aan hoos ugu soo dago, hugunkan dami-waayay ee wali qiiqaya, halka uu ka shidmaayo, iyo hurinaayo, iyo waxa u diidan in uu damo, oo qiiqiisan qadhmuun aan ka raysano iyo boogtan hadba sidii likihii soo foodhacaysa.

Waa dhab in Eebe uu dadka kala hayb iyo hilbaba duwey, se ujeedadu maaha taas, ee waa in aan isku garano oo kaliya, waana sumada lagu soo baadi-sooco qofka, waxa kale oo ay u taagan tahayna ma jiro, halkaasina waa halka ay milgo iyo maamuusba ay ku leedahay, hadii se geerkaas ay haysato laga dhaqaajiyo, waxa loogu tagaaba waa qudhun, kan ka dhaqaajiyay ee ujeedadaas ka leexiyayna waa qabyaalad-walwaal dhab.

 Intaas aan ka soo gudbee, Qarankeena Somaliland waxaa ku wada nool qabaail ka duwan, oo se kala badan, taasi maaha mid la isku xusul-maroojinaayo, badnidaasina maaha mid la isku duudsinaayo, oo gaf iyo sed-bursi lagu qaadanaayo, ee waa mid dhanka samaha iyo is-garabsiga u taagan, mida dhabta ahna waa taas, ee hadii qolo tidhaa anigaa ugu badan oo wax kasta qaadanaaya, maaha mida meesha taal, mana aha mida dadka wada dhashay, isku soo jiidaysa, oo ka talinaysa samaha, iyo waxa wada-wadaaga loo wada dhashay ee wiil iyo abtigii loo wada yahay, murtida somaliyeedna ay gunta ku hayso, taas oo odhanaysa, rag wixii ka dhexeeya miis baa la dhigaa, waana waxa ugu haboon, ee rag waxa wada-lihi ku wada kalsoon yihiin, dhamaantoodana ku wada niyad san yihiin, ee murtidaasi hal-beeg dhaba oo aan waxa ku wadaagno ha inoo noqoto.   Hadaba qodobada ay ka duulayso, kasmo-baadhistani waa

1-     Inagoo kala wada madax-banaan seen qaran u wada yeelanaa?

2-     Waan kaa badanahay ha igu xusul-maroojin?

3-     Yaa siyaasada iyo qabyaalada isku iidaamay?                                         

4-     Sidee ugu haboon oo aan u wadaagnaa ( Golaha Guurtida ) iyo ( Golaha Wakiilada ) iyo (Golaha Fulinta ) ?

5-     Maxaa dhaba, maxaase geed sare waaba?

6-     Waxaan wadaagno ayaa ka badan, waxa aan ku kala gadisan nahay

1-    Inagoo kala wada madax-banaan seen qaran u wada yeelanaa?

Waa dhab in aan waligeen ahayn qabaail, aan u baran qaabkan cusub ee qaramada loo dhiso, kaliya, xoolahooda foofsada, wixii dhiba ee timaadana, ku furdaamiya, hab-dhaqan, kana bilaa arinku ma curadbaa mise waa ugub, oo ah ma xaajo hada dhicideedu ugu horaysaa, oo loo baahan yahay in aan xeer ka dajisano, mise waa mid waligeed dhici jiratay oo ugub ah, hadii ay tahay tan danbe,laguma daali jirin, kaliya waxa la is weydiiyaa waa maxaa inooga xeer yaalay?, hadii se ay tahay taas hore ee curada ah markaas baa xeer laga unki jiray. Iyada oo sidaas aan ku soo caano maalnay, kuna soo dhaafnay, waayo iyo duruufo, badan, oo culayskooda leh, walina maankeena ka sii guuxaysa, oo aan wali ku dhaqano, waxa timi hab-kale oo aynaan aqoon iyo kasmo midna u lahayn, oo ah sideen inagoo ah qabaail kala madax-banaan, hadana qaran u yeelanaa? Waa dhab marka aad sii gilgishid, weydiintam in aad iyada oo fadhida aad soo taabanayso, waxan qaylo iyo hadal taag-taagan ee aad maqlaysaana waxa isku keen dul-haysa hab-dhaqankii qabiilka ee aan waligeen ku soo dhaqmaynay iyo habkan dawladnimada ah, ee 200 sano ee ugu dambeeyay, adunka ku soo biiray, gaar ahaan inaga ina soo gaadhay 100 sano ee ugu dameeyay, waxan dhibta sii dheereeyay, maaha mid aan gabi ahaanba aan dhaqan u leenahay, waa dhaqan shisheeye, oo ka fog kii aan malaayiin sano ku soo noolany.

 Waxa aan hadalkan aan ka soo xigatay, oo sheegay, Madaxweyne Cigaal, mar uu hadlaayay shir-weynihii kowaad ee dib-udhiska Somaliland ( First Conference on Reconstruction Strategies & Challenges Beyond Rehabilitation, Hargeisa, October 20-24/10/1998) laguna qabtay hoolka shirarka ee aqalak Wakiilada, halaas oo uu ka yidhi, ( waxaanu nahay qabaa’il kala madax banaan oo ay tahay in ay dawlad wada dhistaan ) bal dhugo, oo hadalkaas si dhaba ugu dhereri dhamaan Qaarada Afrika, iyo gaara ahaan gayiga somalidu dagto, waxa kuu muuqanaaya in hirdanka iyo guuxa oo dhami ka taagan yahay, weedhaas uu Madaxweyne Cigaal ku dhawaaqy, waxa sidoo kale hab suugaaneed ku soo ban-dhay, Abwaan Gaariye oo yidhi,                                                                                                                                          Maantana dayaankiyo                                                                                    

 Haka doonin meel dheer                                                                                 

Digta kuu baxaysee                                                                                 

Kala daadsanaantii                                                                                        

Habkii duunyo dhaqashada                                                                                         

Iyo kala damayntii                                                                      

Dawladnimo lahayd baa                                                                                     

Isku kay dul haystoo                                                                                                  

Jeeroo doc loo dhaco                                                                                                

Hawl baa dambaysee                                                                                               

Guntu waa taas oo waxan oo qayla ah ee, maanta meesha taal kale maaha ee waxa, aynaan wali is galin habkii xoola dhaqashada iyo hanaankan dawladnimo ee cusub, waxase dhaba in Qarankeena Somaliland ku soo kordhiayay hab kale, kaas oo ah in la isku iidaamo, habka xoola raacato iyo hanaanka dawladnimo ee maanta dunida ka taagan, waxas loo baahan yahay, in wali qurxintiisa la sii wado, oo intaasa badani waa wacan tahaye, midh midhka xun laha saaro, si uu u noqdo, hab kale oo hal-beeg u noqono Qaarada Afrika guud ahaan, iyo gaara ahaan Somalida inteeda kale.

2-    Waan kaa badanahay ha igu xusul-maroojin?

Waa hubaal un aanu jirin tira-koob sugan oo lagu wada kalsoon yahay, oo ka dhacay gayigeena Somaliland, tan iyo intii aan qaranimada aan la soo noqonay, iyo ka horba, waxase jirta iyada oo arin, kaas yahay in cidi isku haysato, in ay ugu badan tahay Somaliland, inta kalena ay aragtidaas mid ka duwan qabaan, oo aad moodo qodobada ay cuskanayaan in ay ka xoog badan yihiin, kuwa ay adeegsanayaan kuwa hore, dhabtuna waa taas oo ah ilaa la helo tira koob dhaba cid odhan karta anagaa ugu badan Somaliland ma jirto, waana halka ay ku xidhan tahay furdaaminta qodobo wali taagan oo ay ugu mudan yihiin, Saami qaybsiga kuraasta labada aqal.                             

Hadaba waxaa dhaba, badni wax ay taraysaa ma jirto, hadii ay baal-marto, wadaaga waxa bulshada ka dhexeeya iyo is-wadashada, taas baana ah mida gunta u ah,waana halka ay bulshu ku wada gaadho waxa ka dhexeeya, waana halka uu Abwaankii Saahid Qamaan Gabaygiisa Saddex Magac Xaajadaa, ku yidhi

Hadii dooga mududkiisu hadho, milayga jiilaalka

Maawi ceel hadii loo kacoo, maalku wada oomo

Mijil waa ka qaybsada tolkii, midho wadaagaaye

Masow aabahay iyo halkaan, magan ka soo gaadhay

Magowsina inaan layga siin, maax la shubanaayo

Oon meesha taagnahay anaan, murugna leefaynin

Aan milicda mood iyo salaan, ugu maleegnaado

Oon maydhax aan igu xidhnayn, maylimo u haysto

Oo malab rag kale loo shushubi, wax uga miideeyo

Saddex magac allee xaajadaa, layma maqashiiyo.

Iyada oo taasi dhab tahay, waxa meesha taal, weydiintan odhanaysa, hadii bulshada Somaliland gaf uga baxeen midnimadii Lixddankii, ma tahay mid maan-gal in in maanta oo ay yihiin qaran madaxd-banaan in gafkaasi dib ugu soo laabto bulushada Somaliland, oo ay qayb ka midi dareento in ay yihiin, muwaadiniin labaad? Waan war-celin u taal dhamaan bulshada Somaliland, gude iyo dibadba in ay u wada istaagaan in aan gaf kaasi soo laaban, waxan aad u mudan oo haboon in aa ididin xasuusiyo hadal uu yidhi Madaxweyne Cigaal, oo ahaa ” hadii aan ku dhaqano wixii aan Xamar ugu tagnay, oo aan ku dhaqmi weyni wixii aan Hargeisa kaga tagnay, la soo noqoshada Qaranimadeenu waa waxaba kama jiraan” waana hadal guntiisu ku soo oodmayso, gafkii iyo is xusul-maroojintii aan Xamar ugu tagnay, ee la inagula kacay aan halkaas aan kaga nimaadno, oo aan dhaqankeenii is wadashada iyo wadaaga ahaa, aan ku dhisno qarankeena Somaliland, taas baa raandhiis iyo dhaxal waara u noqonaysa facyaasha dambe ee dhaxli doono Somaliland.

3-    Yaa siyaasada iyo qabyaalada isku iidaamay?

Sida aan ka wada dharagsanahay, bulshadeenu, may aqoon habkan cusub ee ay u dhisan yihiin qaramadu hada, oo ka kooban bulshooyin is gaashaan-buuraystay, oo ka kooba, wadamo Dadka ku nooli ka kala kooban yihiin qaar, qabaa’il, af kaliya wadaaga, oo isku Diin ah, wadamada qaarna, ay yihiin qaar kala afa, ama kala diina, oo dhamaantood wada leh qaran, iyada oo sidaasi tahay waxa ay ku qasban yihiin in ay wax-wadaagan, oo wada dhistaan qarankooda

Maxaa keenay isku milankan?

Waa weydiinta ugu haboon ee taal miiska, marka muranadan oo kale soo baxaan, waxan weel u ah, habka ay soohdimuhu u yaalaan, oo iyaduna ka soo jeedaa, qaab uu u dhigay gumaystihii, gayiga yimi, oo ah waxa ugu badan ee muranada soohdimaha wadamada u dhexeeya ka aloosan yahay, oo lagu sii daray, habkan dawladnimo oo ah wax banaanka ka yimi oo aan ku jirin, had-dhaqanka bulshooyinkan, ku sii dar waxa sideedii loo daayay soohdimihii uu ka tagay gumaystihii, waan halka hirdanku ka jiro, dagaalka dhabta ahina ka taagan yahay, waxan is dilaaya laba qolo, oo kala 

1-     {Qaran} oo ah wax dibada kaga yimi bulshadeena, oo aan haba yaraatee waligeed u baran habkan iyo

2-     {Qabiil} oo ah wixii ay bulshadeenu waligeed ku soo caano maashay, oo ka mid noqday dhaqankeeda.

Guushuna waxa ay ku jirtaa is ogolaysiinta labadan dhaqan, mid soo galootiya, iyo mid marti loo yahay. Ta ay Somaliland soo kordhisayna waa tan, in la is dhex galiyo dhaqankan martida loo yahay iyo kan la marti galiayay.

Hadaba aan u dago weydiinta dhabta ah, ee maanta taal gayigeena Somaliland, inagoo intaas oo dhan la qabna, aduunka, oo dhan, oo ah yaa siyaasada iyo qabyaalada isku iidaamay, ama hadii aan dhan kale u dhigto yaa qaranka iyo qabyaalada iski iidaamay,iyadoo kooban waa gumaysigii Ingiriiska, oo u cuskaday qodobadan.

1-     Dadkeena oo aan lahayn meel loogu soo hagaago, oo aan ka ahayn haybta uu yahay, sida ka muuqada { Identity and travel document }

                                                       The Somaliland Portectorate

                           

2-     iyo bulshadeena oo aan is dhex galin, oo reer kastaa yahay mid la yaqaan meesha uu dago, iyo halka uu ku egg yahay, waxa taas marag u ah Doorashadii ugu horaysay ee ka dhacda dhulkeena, oo ahayd 1960, dhamaan xubnaha ku soo baxayna waxa ay ka soo baxeen deeganada ay dagaan, hadana wax isbadalay ma jiro, ee waa sideedii.

4-    Sidee ugu haboon oo aan u wadaagnaa ( Golaha Guurtida ) iyo ( Golaha Wakiilada ) iyo (Golaha Fulinta ) ?   

Waa hubaal, waana mid dhaba oo taal miiska, waana mid taagan, waligeedana taagnaan doonta, ilaa inta si qoto dheer loo galaayo, loona furdaaminaayo, waan waxa gar ah, in bulsho wax wada lihi ay wadaagto, iyada oo aan loo eegayn, anaa badan iyo adigaa yar, ee runtu tahay, in la wadaago waxa ay bulshadu wada leedahay, ee aan cidi gaar isugu koobin, iyada oo hadana leh, Somaliland waa in la dhawraa, waana hadal dhaba se runta ka tagan, waxa kaliya ee uu run ku noqon karaa in si dhaba, oo wada yeesho Somaliland, iyada oo aan la isu dabaal-joogtayn.

1-     Golaha Wakiilada

Sida ugu haboon ee weydiintaas lagu furdaamin karaa, waa in Golaha wakiilada laga dhigo hab-doorasho, sida uu yahay hada, laguna daayaa hanaanka laga qaybsaday, ee dhabarka ku haya, Saami Gobol, iyada oo si gaara loo eegayo, Saamiga Gobolka Sool oo ah 12 Kursi, iyo Saamiga Gobolka Sanaag oo ah 12 Kursi.

FIIRO GAARA

Si dhaba ugu fiirso, Golaha Wakiiladu waxa uu ka kooban yahay, 82 Kursi, saamiga Gobol kastaana waa sidan, 

 

3 Gobol waxa ay u gaar yihiin Isaaq, waan Hargeisa, Togdheer, Saaxil, waan 45Kursi, waa cod ka badan kii fadhiga Goluhu ku furmaayay, waxan uu goluhu ku furmaa 41 Xildhibaan, ku darso tirada kumaan darin kuraasta Isaaq uga soo baxday Gobolka Sanaag, iyada oo guud ahaan kuraasta Isaaq helay tahay 57 kursi

Saamiga beel kastaa ka heshay baarlamaaka 2005

Beesha Tirada Beel Kastaa Heshay
Dhulbahante 6 kursi
Warsangali 4 kursi
Gadabiirsi 13 kursi
Ciise 1 kursi
Hawiye 1 kursi
Isaaq 57 kursi
Wadarta Guud 82 kursi

Ma ka muuqataa in loo dhan yahay, idinkaan idiin dhaafay war-celinta

Waxan aan taas ku sii daba kari, Saami qaybsigii 1997, oo lagu kordhiayay 7 xubnood, labada gole, se Saami qaybsigii Borama waxa ay labada gole ka koobnaayeen 75 kursi, waxan la badalay shirkii Hargeisa 1997, oo laga dhigay 82 kursi labada gole, waan tan.

Saami qaybsigii baarlamaankii 1997

Beesha Tirada Kuraasta Ay Heshay
Dhulbahante 9 kursi
Warsangali 5 kursi
Gadabiirsi 11 kursi
Ciise 5 kursi
Isaaq

Wadarta Guud
47kursi

82 kursi

Waa kuu muuqataa sida wax yihiin.

Laba goorba waa wax muuqda in Beesha Isaaq si cad u xaabsatay kuraastii,

Waxan idinku adkayn doorashadii 1960 kii si xogtu u wada dhamaato, ee iyadana dhugo.

Beesha Tirada Kuraasta Ay Heshay
Dhulbahante 5 kursi
Warsangali 2 kursi
Gadabiirsi 2 kursi
Ciise 3 kursi
Isaaq 21 kursi

Wadarta Guud 33 kursi

Waa faydan tahay sida wax yihiin

Ku darso, oo waxa sidaas maqan beelo kale, ileen waxa aan wada ognahay, in beelahaas oo kaliyi dagin Somaliland.

Dhabtu waxa weeyi dib ha loogu noqdo, oo xeedhada waa la wada leeyee, rag waa kii waxa wadaagee aan wadaagno.

2-     Golaha Guurtida

Golaha Guurtidu waa waxa ku cusub Somaliland, oo ka duwan, Golaha Wakiilada, waan mid la kawsaday, Somaliland, iyadoo Golaha la unkay Halganka dhexdiisii, waxa is badal ah oo ku dhacay ma jiro, marka laga reebo, xubno dhaxal ku soo galay, oo badankoodu ka dhaxlay Aabayaashood, waana sidan Saami qaybsiga Golaha Guurtidu.

Beesha Tirada Kuraasta Ay heleen
Dhulbahante 11 xubnood
Warsangali 7 xubnood
Gadabiirsi 10 xubnood
Ciise 4 xubnood
Beelaha laga tirada badan yahay 5 xubnood
Isaaq 45 xubnood

Wadarta Guud 82 xubnood

 

Waa aad arki kartaa sida wax yihiin

Labada Gole Beesha Isaaq ayuu KOOTO UGU XIDHAN YAHAY

Golaha guurtida ha laga dhigo 41 isaaqa iyo 41 beelaha kale ah, iyada oo la soo xulaayo, waan in laga daayo, habkan dhaxalka ah, waana in hadii xubintu baxdo, beeshii ay ka baxday, keentaa, ileen xubintu beel bay ka wada dhaxaysaaye.

5-    Maxaa dhaba, maxaase geed sare waaba?

Aan kala qaado, labada weydiimood, sida ay u kala horeeyaana aan u kala guro

1-     Maxaa dhaba?

Waxaa dhaba in Somaliland la wada lee yahay, oo aanay jirin Beel kali gaar u lihi, taasna waxaa ka dhalanaaya, in la waado, dheefta iyo dhibtaba, waxana dhaba, hadii Beesha Isaaq ay ka dhab tahay in Somaliland la wada lee yahay, in taas dib loogu noqdo, oo deeqsinimo iyo gobanimo, dhaba ay la yimaadaan, waana mid gar ah oo meesha taal iyada oo aan laga baryayn waliba

2-     maxaase geed sare waaba?

Waxaa geed sare waab ah, in ay beesha isaaq tahay ta ugu badan Somaliland, waxana cadayn u ah, dhamaan waxaas oo Doorasho iyo Saami-qaybsiyaba waxa ay dhaceen iyada oo aanu jirin TIRA-KOOB.

Maantana tii baa taagan, ee dib wax badan hoos ha loogu eego, inta aan tabashadu dheeraan.

6-    Waxaan wadaagno ayaa ka badan, waxa aan ku kala gadisan nahay

Waa hubaal, waana mid dhaba oo nin diidi karaa aanu jirin, in waxa aan wadaagnaa, ka badan yahay, waxa aan ku kala gadisanahay, ama aan ku kala aragti duwanahay, waxase aan maanta si toosa oo aan gabasho lahayn, aan ula hadlayaa Beesha aan ka dhashay ISAAQ waxana aan lee yahay oo aan si cad ugu sheegayaa qodobadan

1-     In aad eegtaan dadka dhinacyada idinka xigaa Somaliland waa idin la leeyihiin, ee kalidiin ma lihidin.

2-     Waa in aad qasab ku ogolaatan in si siman la idin la wadaago hadii ay tahay kuraasta iyo hadii ay tahay dheef iyo dhiba.

3-     Waa in aad si dhaba aad ugu gurmataan Gobolada Sool iyo Sanaag gaar ahaan Bariga Sanaag, oo aad ogaataan in aanay taariikhdu ilaabin waanaaga iyo cidii waxa wacan gashata

4-     Waa in si toosa loo gar-saaraa Beelaha Dhulbahante Iyo Warsangali, iyada oo Beelaha kale tirada lagu daraayo

5-     Qaran waa la wadagaa dheeftiisa iyo dhibtiisa

6-      Somaliland waxa loo taagay, waa dhib ka carar, ee iyada oo dhibtaas laga rooraayo, yaad cid kale lagu gafin.

Waxana aan ku soo ooday Qofkasta oo inaga midi ha ku taamo maxan u qabtay Somaliland, iyo bulshadeeda.

                            Qalinkii  Garyaqaan Cabdale Dahir Adan

                                     Bartay Aqoontaka Xeerarka

                                                05/12/2013

COMMENTS
LINKS