BAANSHOOW CALAACALKA JOOJI HADII MASHRUUCI FASHILMAY | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
BAANSHOOW CALAACALKA JOOJI HADII MASHRUUCI FASHILMAY
December 22, 2013 - Written by Editor:

Waataa manta baanshe gaadhsiisay in uu sumcad xumo iyo calaacal lameeraysto, wixii dhegta loosaaray ee layidhi ciraanu meesha kaaga qaadaynaana
HARGEISA;WAJAALENEWS

Waxaan salaamayaa dhamaan saxaafada iyo shacabka somaliland salaantaa kadib.

Waxaan rabaa in aan wax yarka idhaahdo cabashada labade ku xigeen ee arintii barlamaanka. Sida la ogyahay waxa barlamaanka lagu hayay faragelin iyo qas joogto ah,

Iyada oo larabay in lagadhigo Xero guulwade, oo looga taliyo madaxtooyada sida hayadii

wadanka  iyo ilihii dhaqaalaabaa loo hoos geeyay .Mashruucan waxa ka hormood ahaa

shaqsiyaad dhawr ah oo waxkasta ka doorbiday jeebkooda iyomansab loodhiibo.

Waxaana hormuud ka ahaa Baanshe  oo aan dan kalahayn degaankuu udhashay iyo kuwa kale  ee Somaliland midna hungurigiisa mooyaane.Hadaba waxa layaable sida aan baanshe ufahamsanayn  awooda iyo khibrada gudoomiyaa barlamaanku uleeyahay in uu arimahan oo kale sidegan umaamulo.

Waataa manta baanshe gaadhsiisay in uu sumcad xumo iyo calaacal lameeraysto,  wixii dhegta loosaaray ee layidhi ciraanu meesha kaaga qaadaynaana ay noqoto halbacaad lagu lisay.waxaan hadalka kusoo koobayaa  oo aan leeyahay baanshoow wixii golahu ansixiyay  waa sharci hadaad leeday sharcibaa lajebiyayna waxaa  jebiyay sharciga oo musuqmaasuq kucaan baxay adiga iyo kuwa malin kasta kusoo dirayay ee madaxtooyadu  ka kowtahay, maxkamada aad sheegaysana adiga ayay ahayd in lagusaaro waxana  haboon in xilka

lagaa xayuubiyo.Imikana hadii mashruuci fashilmay calaacalka jooji, silaanyo iyo saleebaan gaalna hakufurin mishkilad ilayn waa laxisaabtamayaa hadii sharci iyo maxkamad arimuu gaadhaane.  Hadal iyo dhamaan  udiyaar garooba dood qaran iyo doorashooyin xalaal ah.

 

ALI AHMED <alaale99@yahoo.com.

 

COMMENTS
LINKS