|
|||||
WAJAALE NEWS
Ardaydii S/land Ee Jamacadda u Tagay Dalka Ethiopia Oo Loo Diiday inay Galaan Jamacada Dalkaasi Iyo Wasarada Waxbarashada Oo Dhagaha ka Furaysatay inay ka Hadlaan
December 30, 2013 - Written by Editor:Si Kastaba ha ahatee Go-aankani ay Dowladda itoobiya Kaadhka Deganaanshaha ku Xidhay ardayda rabtay inay Galaan Jamacadaha Dalkaasi ayaa Muujinaysaa inuu Mugdi Siyasadeed Soo Kala Dhex Galay Somaliland iyo Ethiopia Addis-Ababa (wajaalenews) Casimadda Dalka Ethiopia Addis Ababa ayaa ah Wadanka ugu badan ee ay wax ka bartaan ardaydaSomaliland Ee ka Kala Yimi Gobalada Dalka isla Markaasna DhamaystayWaxbarashada Dugsiga Sare.Waxaana Sanad Kasta lagu Qiyasaa inay waxbarashoJamacadeed u doontaan Dalka Ethiopia arday Kor u Dhaafaysa 300 arday. Ardaydii Reer S/land Ee Sanadkii 2013ka Dhamaystay Waxbarashada Dugsiga Sare isla Markaasna Jaamacado u DoontayDalka Ethiopia ayaa Waxa Gabi ahaanba Loo Diiday inay Galaan Jamacadaha DalkaEthiopia haday Noqoto Mid Dowladeed iyo Mid Gaar Loo Leeyahayba.isla MarkaasnaLagu Xidhay Kaadhka Kaadhka (Residence Card) Waxaana ay ardaydani Wakhtigani YihiinKuwo Tahriib Doorbiday, kuwo ku Laabtay Dalkoodi Hooyo iyo waliba kuwo ilaa wakhtigani ku sugan Magalada Addis-Ababa Ardayda Reer Somaliland EeWaxbarashada Jamacadeed u Tagay Dalka Ethiopia ayaa Marar Kale Duwan Qoraalo uGudbiyay Wasarada Waxbarashada iyo Wasaradda Arrimaha Dibadda S/land islaMarkaasna ogaysiiyay in Aan Waxbarasho Jamacadeed Looga ogalayn inay GalaanDalka Ethiopia.Balse Qaar ka Tirsan Ardaydaasi Oo ay Waraysi la YeelatayShabakadda Caalamiga ah Ee Hadhwanaagnews ayaa Shegay in Aanay Haba-Yaratee WaxJawaab ah Aanay ku Soo Celinin Wasaradaasi isla Markaasna waxay Wasaradahaasiku Eedeyeen inay ka Dhaga adaygeen Sidii ay Dowladda Ethiopia ugala HadliLahayeen Caqabada ay la Kulmeen ardaydani. Naasir Maxamuud ismaacil Oo ka Mid ahArdaydii Sanadka 2013 Dhamaystay Waxbarashada Dugsiyadda Sare Ee S/land islaMarkaasna ka Mid ah Ardayda ku Xaniban Gudaha Ethiopia ayaa Waxa ka Mid ahaaHadalidisii ?Anigu Waxaanu ahayn Ardaydii ReerS/land Ee Dugsiyadda Sare Dhamaystay Sanadkii 2013 Waxaanu Jeclaysanay in AanuWaxbarasho Jamacadeed u Tagno itoobiya,nasiib darro Markii Aanu Tagnay itoobiyaEe Aanu is nidhi gala Jamacada Dalka Waxa Nalagu Yidhi ma Wadataan KaadhDeganaansho,Maye ayaanu nidhi oo waxaanu u sheegnay in Aanu Sidano PassportSomaliland,Waxay Hadal Cad Noogu Jawabeen ma Shaqeeyo Passport Aad Sidataan Eeordoo la Taga Meel Uu ka Shaqeeyo,ardaydayadii S/land Ee Joogtay Addis Waanuisku Nimi Waxaanu Waraaqo Qoraal ah u Dirnay Wasaraddaha Waxbarashada iyoWasaradda Arrimaha Dibadda S/land ilaa iyo Wakhtigani Wali Wax Jawaab ahNagumay Soo Celin,Waxaanu Leenahay Haddii Aanu Nahay ardaydii Reer S/land EeWaxbarashadda Loo Diiday Xukumaddu arrinkayaga ha soo dhex gasho Sababta Oo ahWasaraddahii ay Khusaysayba way ka Dhaga adaygeene? Ayuu Yidh Naasir Maxamuud Najax Cabdi-Qani Muuse Oo iyaduna kaMid ah ardayda Wali ku Gadoonsan Magaladda Addis-Ababa ayaa Waxa ka Mid ahaaHadaledidii ? Ardaydayadii Timi Halkan Qaar ka Midahi Way Tahribeen,Qaar ka Mid ahina Dalkii ayay ku Noqdeen,Kuwo Kalana WaliHalkan ayay Joogan,ilaa iyo Wakhtigani ma Hayno Cid ka Tirsan MadaxdaSomaliland Oo arinkayagani kala Hadashay Wasaradda Waxbarashadda Ethiopia SidiiAanu u Gali Lahayn Jamacadaha Dalka,Waa Naasib Darro in Anagoo Waxbarashaddailaa Dugsi Hoose iyo Mid Saraba ku Soo Qaadanay Somaliland ay Maanta XukumaddaJirtaa ka hadli Wayday Oo ay Dhana NooJihayn Wayday,Waxaanu Ugu Baaqayna Madaxwaynaha Madaxwayne adaanu ku Doorane OoAanu kuu Codaynee arinkayaga Soo Dhex Gal? Ayay Tidhi Najax Cabdi-Qani Muuse Si Kastaba ha ahatee Go-aankani ayDowladda itoobiya Kaadhka Deganaanshaha ku Xidhay ardayda rabtay inay GalaanJamacadaha Dalkaasi ayaa Muujinaysaa inuu Mugdi Siyasadeed Soo Kala Dhex GalaySomaliland iyo Ethiopia.Waxaana Xusuus Mudan in Wakhtigii Dowladii DaahirRiyaale ay S/land iyo itoobiya ay ahayeen Laba Wadan Oo Xidhiidh Saxiibti-nimoOo Qoto Dheeri Uu ka Dhaxeeyo. yuusuf jaamac hersi wajaalenews.com Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|