Alle Ha U Naxariiste Cumar Maxamed Jaanbiir (Kurtin) Oo Ka Caana Somaliland Oo Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay Xabaalaha Naasa-Hablood ee Magaalada Hargeysa,Iyo Masuuliyiin Tacsiyadeeyey. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Alle Ha U Naxariiste Cumar Maxamed Jaanbiir (Kurtin) Oo Ka Caana Somaliland Oo Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay Xabaalaha Naasa-Hablood ee Magaalada Hargeysa,Iyo Masuuliyiin Tacsiyadeeyey.
December 12, 2013 - Written by editor

Alle ha u naxariiste Cumar Maxamed Jaanbiir (Kurtin) ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay Xabaalaha Naasa-hablood ee Magaalada Hargeysa,kadib markii uu saaka ku geeriyooday Cusbitaalka Manhal oo uu xanuun ku soo boodo ah u jiifay maalmihii u danbeeyey

Hargeysa(WJN):-Alle ha u naxariiste Cumar Maxamed Jaanbiir (Kurtin) ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay Xabaalaha Naasa-hablood ee Magaalada Hargeysa,kadib markii uu saaka ku geeriyooday Cusbitaalka Manhal oo uu xanuun ku soo boodo ah u jiifay maalmihii u danbeeyey.

Alle ha u naxariiste, Marxuum Kurtin-Jaanbiir waxa uu ahaa Sarkaal sare oo ka tirsan Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa,isaga oo ka soo shaqeeyey shanta waaxood ee ay ka kooban tahay Caasimada Hargeysa oo uu ka soo noqday guddoomiye Waaxeed, waxaanu marxuumku ahaa

nin wanaagsan oo dadka jecel oo bashaasha,isla markaana ehlu-salaada oo ay dadku isugu-wada mid-yihiin,iyada oo si weyn looga dareemay geerida Marxuumka guud ahaan Caasimada Somaliland.

Aaska jinaasada Marxuumka ayaa waxa ka soo qeybgalay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe,Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna, guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-Cirro),Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi,Guddoomiye Kuxigeenka kowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed,Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),Odayga ugu weyn Somaliland Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi-Waraabe),kana mid ah Golaha Guurtida Somaliland, Guddoomiyaha hay?adaa Geeska Afrika Sheekh Maxamed Cali Geedi,Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan-Siiro),Taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan,Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir,Xildhibaano ka tirsan labada Golle Barlamaan Guurtida iyo Wakiillada, Culimaau?iin,Ganacsato,Aqoonyahan,iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshadu ka kooban tahay,kuwaas oo dhamaan marxuumka ugu duceeyey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.  

Sidoo kale waxa iyaguna dhambaal tacsi ah u diraya

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf

Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax

Guddoomiyaha Wargeyska Saxafi Cabdifataax Dheeg Axmed

Tifaftiraha Wargeyska Saxafi Mustafe Sheekh Cumar Geedi

Cabdifaraax Maxamuud Caydiid

Chief Caaqil Maxamed Xaaji Cabdi Nuur

Faysal Muxumed Madar (Faysal Qumuj)

Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Jannaale)

Rooble Ibraahim Axmed-Haybe

Dr Khadar Gamuute Jaamac

Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed

Mujaahid Mustafe Xasan Nuur

Mujaahid Jamaal Dhugad

Yuusuf Maxamed Maxamuud (Ruush)

Cabdirashiid Ibraahim Cali

Cabdiraxmaan Bedel Cumar

Cabdifataax Cali Cabdilaahi

Naasir Cabdi Ibraahim

Cabdirisaaq Maxamuud Caalin (Cabdoo)

Aamiin Cali Nuur

Mujaahid Yuusuf Xandule (Haliil)

Maxamed Muuse Maxamed

Mawliid Aadan Cumar

Cabdikhaalaq Good Abees

Maxamed Biixi Caali (Ootto)

Axmed Maxamed Jaamac (Dheen)

Faysal Maxamed Xasan

Cabdiraxmaan Cismaan Muuse (Cabdi-Gaab)

Yuusuf Caalin San-dheere

Maxamuud Ibraahim Xawaadle

Dhamaan Madaxdan iyo masuuliyiintani waxay Tacsi u dirayaan Qoyskii, eheladii, iyo guud ahaan Shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariiste Marxuum Cumar Maxamed Jaanbiir (Kurtin) oo maanta oo ay taariikhdu tahay 12/12/2013 ku geeriyooday Cusbitaalka Manhal ee Magaalada Hargeysa,Waxaanay ILAAHAY Marxuumka Uga baryeen inuu naxariistii janno ka waraabiyo guud ahaan Qoyska iyo shacabka reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Aamiin??????????Aamiin ???????????.Aamiin?????.Aamiin.

WAJAALE NEWS DESK

CONTACT US ” Wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS