Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Oo Fariin U Diray Kaluumaysatada Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Oo Fariin U Diray Kaluumaysatada Somaliland
December 21, 2013 - Written by Wariye:

agaasimaha kaluumaysigaHargaysa (Wajaale News):-Agasimaha guud ee wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka badda Maxamed Cilmi Aden (Ilkacase) ayaa maanta mar uu la hadlayay qaar kamid ah warbaahinta ayaa waxaa uu fariin u diray dhamaan kaluumaysata somaliland ee leh liisamda kaluumaysi in ay cashuurtii ku waajibtay ay ku soo bixiyaan.

Agasamiaha guud ee wasaarada kaluumaysiga iyo khayraad badda waxaa uu cod dheer uu ku sheegay in ay kaluumaysatada gudo iyo dibada ay sharuucda dalka u hogaansamaan oo ay raacaan wixii uu sharcigu ogolyahay.

Hadalkiisiina waxaa kamid liisamada wasaaradu sanadkii waa January illaa December waxaanu leenahay fadlan muwaadin waxaa lagaa codsanayaa liisankaagu waa bisha 1aad ilaa bisha 12aad, markaa dhamaan kaluumaysatada somaliland ee liisamada lihii liisankii bisha December ayuu ku egyahaye cusboonaysiista  oo sharciga wadanka u hogaansamaan, wasaaraduna waa wasaaradiinii maaliyaduna waa maaliyada amnigeena iyo qarankeena aynu ku dhisayno, gudo iyo dibadba waxaan ogaysiin lahaa dadwaynaha kaluumaysatada ahi in liisankii uu ka hadhay inta ka hadhay maalmaha ka hadhay bishan 12aad ee December.

Dhanka kale agaasimhu waxaa uu sheegay in hadhaw ayna dhicin in shirkadaha kaluumaystada ayna odhan la nooma sheegin oo maanu ogayn

waxaanu yidhi:-haddii hadhaw ciidanka badda ama wasaarada maaliyada ay soo xidho albaabada waxay inagu noqonaysaan arin aan fiicnayn hadhaw, haddaba imikaba waa nagaa ka sheegayna warbaahinta,waxaan leeyahay gudo iyo dibadba shirkadaha kaluumaystadaw liisamadiinii sida iidiinku qoran soo qaata imikaba waa xasuusin waa wacyigalin ha ka imanina?

agaasimaha ayaa waxaa uu aad ugu celceliyay in shirkaduhu dhawraan wakhtiga waxaanu sheegay in ay fariintaa ay ka dhabeeyaan oo aanay hadhaw odhan la nooma sheegin,

dhanka kale agaasimuhu wuxuu sheegay in wasaaradu ay hormar wayn ay samaysay intii ay jirtay wasaaradu isaga oo midhmidh ugu waramay wixii u qabsoomay sanadkan sii galbanaya  waxaanu yidhi ? waxaa wasaarada kaluumaysiga sanadkan u qabsoomay dhismahan weyn ee ay ku jirto oo uu madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland uu noo furay iyada oo dhismahan quruxda badan ay dawladu maalgalisay iyada oo aanay hay?ad iyo cid kale ayna maalgaalin, sanadkan waxaa noo qabsoomay in shaqaale cusub oo jaamiciyiin ah wasaarada lagu soo kordhiyay si aqoontii iyo tayadiiba kor loogu qaado, shaqaalihii sii joogay waxaanu siinay tababaro iyo aqoon kale, waxaa noo qabsoomay barnaamijo wacyi galin ah oo aanu siinay kaluumaysatada,waxaa noo qabsoomay qaboojiyayaashii  30 tan ahaa ee Barbara aanu gaynay ee lagu kaydinayay kaluunka,sanakana waxaa noog qabsoomay qaybinta qalabka kaluumaysiga min lawyacado illa ceelaayo,waxa noo qabsoomay tababaro badan oo aanu dibada ugu baxnay oo ka hadlaya kamuumaysiga, waxaa noo qabsoomay dakhliga kaluumaysatada haysata liisamada oo iyana si toos ah ugu dhacaysay wasaarada maaliyada,waxaa noo qabsoomay xiddiidhka kaluumayaysatada iyo wasaarada oo aanu xoojinay.

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS