|
|||||
WAJAALE NEWS
Maayarka Hargeysa Oo Amarro Ka Soo Saaray Shaqaalaha Hoteellada Ee Aan Haysan Kaararka Caafimaad Iyo dhagaxda… (SAWIRRO)
December 21, 2013 - Written by Wariye:Hargaysa(Wajaale News):-Maayarka Magaaladda Hargeysa, mudane C/raxmaan Maxamud Caydiid (Soltelko), ayaa maanta amar ku bixiyey in aanay hoteeladda ka shaqayn doonin shaqaale aan haysan kaadhka caafimaadkooda. “Barritoole laga bilaabo dhagxaanta guryaha horteedda yaalla ee demgadda 26 june gadiidka dawlada hoose way guranaysa cid ay wax ka waydiinaysaa ma jirto, waxaana lagu dhisaysaa dayrka garoonka”ayuu yidhi Soltelko, waxaanu intaas ku daray “ maalinta isniinta waxa gali doonta dufcadi u horaysay ee iska wax u qabso ku dhisi doonta garoonka oo shirkadihii aanu ka codsanay mid ka mid ahi Injineeradoodu bilaabi doonaan, waxaana Kuulli ka noqon doona ciyaartoyga iyo golaha deegaanka” Sidoo kale, waxa uu maayarku sheegay in maanta la bilaabay jardiimo lagu nasto oo laga hirgalin doono cisbitaalka weyn hortiisa, isla markaana loo samayn doono meel gaadiidku istaagaan oo laga qaado lacag, waxayna noqonay goobtii ugu horeysay ee parking ah oo lacag laga qaado. Dadweynaha qaar ayaa dhagxaan tuulo guryaha hortooda si ay gaadiidka ugu soo dhowaan, isla markaana wadooyinka cidhiidhi galiya, taas ayaa keentay in maanta amar laga soo saaro dhagxaantaasi. Hargaysa Office Related posts:Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Oo Ka Hadlay Cuna Qabataynta Hubka Ee Soomaaliya Soona Dhaweeyay Waaxd... Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadlay Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Sax Maygaag Ee Gobolka So... DAAWO ; Sheekhul Baladka Gabiley Oo ka Hadlay Guri ay Xisbiga Wadani kiraysteen Oo Ciidamo Boolis ah... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|