Xukuumada Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Gargaar La Gaadhi Doonto Dadka Ay Dhibaatadu Ka Soo Gaadhay Roobabkii Ka Da?ay Deegaanada Maamul Goboleedka Puntland, Fariin Muhiim Ahna U Dirtay Shacabka Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Gargaar La Gaadhi Doonto Dadka Ay Dhibaatadu Ka Soo Gaadhay Roobabkii Ka Da?ay Deegaanada Maamul Goboleedka Puntland, Fariin Muhiim Ahna U Dirtay Shacabka Somaliland.
November 13, 2013 - Written by Wariye:

xukuumadaHargeysa(Wajaale News):-xukuumada Somaliland ayaa shaaca qaaday inay gargaar la gaadhi doonto dadka ay waxyeeladu ka soo gaadhay roobabkii ugu danbeeyey ee ka da,ay magaalooyinka maamul goboleedka Puntland. Wasiirka arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka arimaha gudaha Somalilan oo maanta si wada jira shir jaraa,id ugu qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegeen inay xukuumada Somaliland gargaar la gaadhi doonto dadka ay waxyeeladu  ka soo gaadhay roobabkii awooda badnaa ee ka da,ay deegaanada maamul goboleedka Puntland taas oo ay dhibaato badanika soo gaadhay dadkii shacabka deegaanadaasi. Ugu horayn wasiirka arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa waxa uu sheegay inay tacsi u dirayaan dadkii ku geeriyooday roobabkii ugu danbeeyey ee ka da,ay deegaanada maamul goboleedka Puntland  waxaana hadaladisii ka mid ahaa ?Aniga oo ku hadlaya magaca xukuumada somaliland waxaan doonayaa inaan halkan ka sheego in dhibaatada ku dhacday walaalahayaga Puntland ee dad badani ka dhinteen khasaare badanina ka soo gaadhay Roobabkii ugu danbeeyey ee ka da?ay deegaanada maamul goboleedka Puntland anaga oo uga tacsiyadayayna in ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo dhamaanba dadkaasi kuwa dhintayna ilaahay naxariistiisa siiyo, waana dhibaato ina wada gaadhay waxaanan doonaynaa inaan shacabka reer Puntland u sheegno inay na taabatay dhibaatadaasi oo aanu hiil iyo hooba la garab taaganahay.?ayuu yidhi wasiirka arimaha debada Somaliland. Sidoo kale wasiirka arimaha gudaha Somaliland ?waanu ka tacsiyadaynaa dhibaatada gaadhay shacabka reer Puntland wixii awoodayada ahna waanu u fidin doonaa, waxa kale oo aan shacabka Somaliland u soo jeedinayaa si looga digtoonaado dhibaatada ka iman karta roobabka hada da?aya, Roobkani maaha mid dabayl wata balse waa mid si xidhiidh u da?ayey taas oo keeni karta inay dhulka fadhiistaan biyo badan, biyahana waxa khatar u noqonaya dadka meelaha godan jooga iyo xeebaha, waxaanan u sheegaynaa dadka xeebaha dagan iyo meelaha baadiyaha ah in inta ay goori goor tahay ay ka digtoonaadan roobabkan iyo khasaaraha ay keeni karaan oo ay tagaan meelaha taaga ah.? Ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha Somaliland.

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenew@gmail.com Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS