Xukuumada Siilaanyo Maxaa Laga Siyaa Haweenka Sama-falka:Faduumo Siciid Waa Hal-door Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Siilaanyo Maxaa Laga Siyaa Haweenka Sama-falka:Faduumo Siciid Waa Hal-door Somaliland.
November 14, 2013 - Written by Editor:

wajaalenews.com ;Faduumo siciid waa marwo ku suntan wax-qabad iyo dacadnimo ,ayaado marar badan ku daadaasho inay   dan yarta wax u qabadato  oo waliba  tusto inaanay dareemin wax dhibaato ah.waxaana ku markhaati ah marar badan wax yaabo ay xukuumadu ka gaabisay ayay bulshada usoo bandhinta una qabata,balse nasiib darro waxaa muuqata in ay xukuumada siilaanyo ay wado qorshe lagu minjo xaabinayaan oo la doonaayo in lagu cidhib tiro hay”ad ay maamusho ee u adeegto arrimaha bulshada,waxaanay ay xukuumada maagan tahay sidii ay u inqilaabeen marwo luul xasan mataan oo ay xabsi ugu dareen waxaana maanta cadaatay in ay dawladu dooneyso in go’doon geliso dadka derbi jiifka ah .

Marwo faduumo waxaa ka dhiidhida caruuraha  badaha ku data oo ay u samayso dhiiri gelin taaso sabaabta in ay kuwo ku hammi-yaay in u tahriiban dalalka shisheeye,ay ka baaqsadan,waxaana maanta so ifbaxaysa fadeexado aan lo dul-qadan Karin oo si hoose loga heelaayo haweenka madaxtooyada oo doonaaya in ay inqilaaban xaruunta wadaniga ah ee ODHA wana ayaan darroyinka ku habsaday maamulka siilaanyo in la timaado,qorshayaal lid ku ah bulshada oo xatta sabaabi kara in kacdoon ka dhasha marka la la inqilaabo dadka bir-ma geeydaada ah.

Hadaba marka ay haween dano gaar ah leehi ay doonayaan in ay uga faa”iideystaan,daana hooda gaarka ah iyo kulmiye ayaanu nahaye meel walba noga qaada dadka usoo dhabar adaygay,fadumo waxaay wakhti adag kusoo qaadatay sidi ay hayada ODHA iyo hawlo kale oo ay u qabatay bulshadaba  ay uga midha dhalin lahayd .

Marwo Faadumo Saciid Ibraahim waa marwo ka soo if baxday runtii inta la qayrkaa amaba ay isku jiilalka yahiin taa macnaheedu maahan in hooyoyinka kale ayana wax ka soo qad lahayn laakin way jiraan kuwo iyaga laftoodu hal door ah laakin runtii marwo fadumo saciid ibraahim waa shaqsiga ka liyaata ee u ban baxay amaba u kaliyoobay wax ka qabashada iyo taakulaynta dhalinyarada Somal iland runtii wana shaqsi marka la arko dhalinyaro amaba lagu soo xasuusto waxaana taasi marag ma doon u ah amaba markhaati cad uga ah sida ay ugala qayb qadato amaba ay had iyo jeer heeganka ugu tagay runtii dhalinyarada iyada oo aad arkaso mar walba inay dhiiri galin taakulayn iyo waliba daryeel balaadhan oo ay u fidiso dhalinyarada qaybaheda kala duwan ha ahaato xag sport ha ahaato xag dhiiri galineed ha ahaato xag taakulayn iyo tabrucaad iyo waliba in kale oo anana soo koobi Karin

Hadaba dadka  rabba inay in-qilaaban marwo faduumo siciid  an xasuusinaya in ay wakhti iyo daadal ku lumisay hirgelinta hawlaha bulshada oo anay maalina ka nasan .

Gaba-geebadi  hadad tahay qof qiimo leh qiime walaalkaga ku hawlan oo sheeg inu mudan yahay in la tixgeliyo oo anay habooney in la hadiido,  waxaa kugu waajib ah in aad xaqa u kala sheegto xukuumada iyo ciday ku tacadiyayso,fadumo waa haweenay ku santan shikhsi dacadnimo dadaalka arrimaha bulshada  iyo waliba u hiilinta qaranimada Somaliland oo ay ku dhaadato waxaan usoo jeedinaya dadka sifo qabiil wax u dhiigaysa in anay habooney  in faduumo laga dhigo qof reer ee ay tahay mid qaran

Qalinka

Cabdi casiis bashiir nuur

Tel 4144434

COMMENTS
LINKS