|
|||||
WAJAALE NEWS
Xubno Ka Tirsan Aqalka Baarlamaanka Kenya Oo Dawladda Ingiriiska Ka Dalbanaya In Anay Joojin Qaadka Laga Iib Geeyo Beeraha Kenya.
November 28, 2013 - Written by Wariye:Nairobi(Wajaale News):-Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya ayaa ugu baaqaya dawladda Ingiriiska in aanay mamnuucin isticmaalka qaadka ee dalkan Inigriiska gudihiisa lagu isticmaalo.Ingiriiska waxa la keenaa qaad aad u fara badan oo laga keeno dalka Kenya, laguna iibiyo suuqyada dalka Ingiriiska, inta badanna waa nooca loo yaqaano Miiraa oo aad loogu quuto ama loogu cuno magaalada London iyo magaalooyinka kale, waxana beeraleyda qaadka ee dalka Kenya ka soo gala lacag aad u fara badan. Inta badan dadka iibsada qaadka laga keeno dalka Kenya ee jooga dalka Ingriiska waxay kala yihiin Soomaalida, Kiiniyaanka, Itoobiyaanka, iyo Yamaniinta. Hadda ka hor ayaa xoghaya arrimaha gudaha ee dawladda Ingiriisku ay ku dhawaaqday in qaadka loo aqoonsaday inuu yahay nooc ka mid ah daroogooyinka, sidaasi awgeedna lagu talo jiro in gebi ahaantiisaba laga mamnucco dalka Ingiriiska. Mudanayaasha ka tirsan baarlamaanka Kenya waxay ku doodayaan oo kale in qaadku uu yahay wax loo isticmaalo ujeeddooyin dhaqan oo ay ka mid yihiin isku imaatinka, guurka, iyo munaasabadaha aroosyada. Waxa kale oo laga cabsi qabaa in mamnuucitaankaasi uu saameeyo nolosha iyo dhaqaalaha dad badan oo reer Kiiniya ah oo beeraleyda qaadka beerta ah. Wajaale News Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|