|
|||||
WAJAALE NEWS
Xoghayaha Maaliyada Ee Xisbiga Ucid Marwo Faadumo Siciid Oo Sheegtay In Dadka Reer Somaliland Ee Dhibaatadu Ka Soo Gaadhay Roobabku Ay Ka Mudan Yihiin Gargaarka La Siinayo Puntland.
November 14, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News):-xoghayaha maaliyada ee xisbiga Ucid marwo Faadumo Siciid Ibraahin ayaa wasiirada arimaha gudaha iyo debada u soo jeedisay inay gar gaar u fidiyaan dadka reer Somaliland ee ay waxyeeladu ka soo gaadhay roobabkii ka da,ay dalka.Xoghayaha maaliyada ee xisbiga Ucid waxay sheegtay in gargaarka ay wasiiradu sheegeen inay gaadhsiin doonaan dadka reer Puntland ee roobabku waxyeeleen ay kaga haboon tahay dadka reer Somaliland ee dhibaatadu ka soo gaadhay roobabkaasi. Xoghayaha maaliyada ee xisbiga Ucid oo maanta warbaahinta kula hadlaysay xarunta xisbiga Ucid ee magaalada Hargeysa ayaa waxay faahin faahin ka bixisay dhibaatada ay roobabkii gaadhsiyeen dadka reer Somaliland, ugu horayn iyada oo ka hadlaysa wasiiradaas ka tirsan xukuumada Somaliland ayaa waxay tidhi ?waxaanu doonaynaa inaanu tallo u soo jeedinayo wasiirada wasaaradaha arimaha gudaha iyo debada ee Somaliland anaga oo marka hore u rajaynayna in cid kasta oo waxyeelo ka soo gaadhay roobabkii ugu danbeeyey ee ka dayey dalka in ilaahay ka samata bixiyo meel kasta oo ay joogaanba, wasiirka arimaha gudaha iyo wasiirka arimaha debada waxaanu warbaahinta ka maqalnay inay yidhaahdee waxaanu gargaar u fidinaynaa dadkii ay waxyeeladu ka soo gaadhay roobabka ee maamul goboleedka Puntland sadaqaduna sida uu nabigu ina faray waxay ka bilaabanta dadka kuugu xiga dabeedna waxay u fidaa dadka kale, markaa waxaanu idin kula talinaynaa inta aydaan gaadhin Puntland iyo Xamar inaad marka ugu horaysa sadaqada kaga bilawdaan dadka reer Somaliland ee roobabku waxyeeleeyeen,? Xoghayaha maaliyada ee xisbiga Ucid oo hadalkeeda sii wadata ayaa ka hadashay dhibaatada ay roobabku soo gaadhsiiyeen gobolada Somaliland waxaanay tidhi ?gobolka Awdal waxyeelo badan ayuu roobku u gaystay, Burco-na waa la mida, Berbera oo ah magaalo xeebeed saamayn aad u balaadhan ayuu ku yeeshay, adiga oo gurigii kugu dumay oo ay dhibaato kugu habsatay oo laydhkiina kugu bakhtiyo oo mugdi ku jirtid waa mid subxaane leh, markaa waxaanu dawlada u soo jeedinaynaa inay hoos u eegto magaalada Berbera oo dhibaato badani ka soo gaadhay roobabkii ka da,ay, markaasna waxa loo baahan yahay in sadaqada dadkaaga laguu doortay aad kaga bilawdid intii ka dheerna aynu ku caawino meelaha kale ee dhibaatadu ka dhacday ama Puntland ha ahaato ama meel kale, markaa waxa lagama maarmaan ah inaynu marka hore eegno dadka reer Somaliland ee ay dhibaatadu ka soo gaadhay roobabka.?ayey tidhi Marwo Faadumo Siciid Wajaale News
|
LINKS
|
||||
|