Xoghayaha Guud Ee Xisbiga KULMIYE Oo Beeniyey Warar La Xidhiidha Guddida Fullinta Oo La Sheegay Inay Go?aamo U Gudbiyeen Madaxweynaha | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xoghayaha Guud Ee Xisbiga KULMIYE Oo Beeniyey Warar La Xidhiidha Guddida Fullinta Oo La Sheegay Inay Go?aamo U Gudbiyeen Madaxweynaha
November 13, 2013 - Written by Wariye:

xooghayaha kulmiyeHargaysa(Wajaale News):-Xoghayaha Guud ee Xisbgia kULMIYE Xasan Siciid Yuusuf ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku beeniyey War sheegaayey in Guddida fullinta ee KULMIYE kulan ay ku yeesheen Caasimadda Hargaysa, isla markaana Go?aamo laga soo saaray loo gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo uu sheegay inaanu sal iyo raad toona lahayn.

Warsaxaafadeedkaas uu soo saaray Xoghayaha guud ee KULMIYE  Xasan Siciid Yuusuf waxa uu u dhignaa sidan:-
Waxa jiray war aan sal iyo raad toona lahayn oo lagu daabacay wargayska Waaheen oo lagu sheegay inay kulan isugu yimaadeen Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE , isla markaana go?aamo ay ka soo saareen u gudbiyeen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Haddaba, waxa uu xisbiga KULMIYE halkan ka cadfaynayaa in aannu habayaraatee jirin shir ay isugu timi Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE oo ka dambeeyay kii qabsoomay 25/October/2013 oo ay ku goysay in tirada ergooyinka shirwaynaha 3-aad ee xisbigu noqoto 801 ergay.

Xisbiga KULMIYE wuxuu mar labaad caddaynayaa inuu warkaasi yahay mid been abuur ah oo ka mid ah wararkii xaqiiqada ka fogaa ee wargayska Waaheen dhaqanka u ahayd. Ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedkaas.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS