Xoghayaha Guud Ee Kulmiye Oo Sheegay In La Marin Habaabiyay Hadal Uu Warbaahinta Ka Sheegay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xoghayaha Guud Ee Kulmiye Oo Sheegay In La Marin Habaabiyay Hadal Uu Warbaahinta Ka Sheegay
November 26, 2013 - Written by editor

Shalay war saxaafadeed aan ku bixiyey madaarka hargaysa waxaad moodaa in jaraa idka iyo websites ka qaarkood ay si qaldan u baahiyeen

Hargeysa (Wajaale-News) – Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xassan Siciid Yuusuf, ayaa sheegay in warbaahintu ay si khaldan u turjuntay.

Waxa uu xusay in aanu warkaasi sax ku ahayn sida ay warbaahintu u baahisay oo ahayd in uu guddoomiyaha Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Uu Ogolaaday Qodobadii uu dhawaan Saleebaan Maxamuud Aadan ula yimid.

Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo uu nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyay xafiiska wararka ee Wajaalenews.

Waxaana qoraalkaas oo dhamaystirani uu u dhignaa sidan

Shalay war saxaafadeed aan ku bixiyey madaarka hargaysa waxaad moodaa in jaraa idka iyo websites ka qaarkood ay si qaldan u baahiyeen iyaga oo sheegay in kulmiye uu aqbalay shuruudihii ahaa inaan shanta sano ee soo socda waxba laga bedelin golaha dhexe gudida fulinta iyo hogaanka xisbiga. Arintaasi sax maaha.

Shirwaynaha xisbiga oo kali ah ayaa awood u leh doorashada gudoomiyaha, ku xigeenada xog hayaha guud, iyo golaha dhexe, waa awood aanay cidkale faro galin Karin shirwaynaha ayeyna u taalaa.

 

Hogaanku xisbigu ma faro galin karo awoodaha sharci ee shirwaynaha xisba. Marka shirwaynuhu hawshiisa dhamaysto Gudida fulinta waxaa magaacaba gudoomiyaha xisbiga waxaana ansixiya golaha dhexe iyadana sharcigaas baa loo marayaa.

   

Maalmaha kooban ee ka hadhay shirwaynahana gudoomiyaha xisbiga  ayaa awood u leh haduu wax ka badalayo iyo haduu sidooda u daynayo gudida fulinta iyo gudida qabanqaabada.

COMMENTS
LINKS