Xisbiyada Mucaaridka Ahi Cidna Uga Fasax Qaadan-maayaan, Cidna Uma Daba-fadhisanyaan Qabashada Shirkan, Wax Sharci Ka Duwan Oo Cidina Cid Ku Xukumikartaana Ma Jirto | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiyada Mucaaridka Ahi Cidna Uga Fasax Qaadan-maayaan, Cidna Uma Daba-fadhisanyaan Qabashada Shirkan, Wax Sharci Ka Duwan Oo Cidina Cid Ku Xukumikartaana Ma Jirto
November 16, 2013 - Written by Editor:

hargeisa(wajaalenews)Masuulyinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maanta shirjaraa’id oo ay ku qabteen xarunta guud ee ay ku leeyihiin magaalada hargeysa waxay kaga hadleen arrinta shirka dood qaran iyo dacaayadaha warbaahinta dawladdu ka faafiso masuuliyiinta maamuuska ku leh qaran iyo xisbiyada mucaaridka ah.

Ugu horayn waxa shirkaas jaraa’id ka hadlay xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Md. Maxamed Cabdillahi Uurcadde oo tilmaamay in warbaahinta dawladdu ka been abuurtay xisbiyada mucaaridka “maalmahan waxa warbaahinta dawladda lagu celcelinayaa war been abuur ah oo Xukuumaddu si indho la’aan ah umadda ugu gudbinayso iyadoo waliba gobolada dalka dad kasoo abaabulaysa si ay u cambaareeyaan dooda qaran ee xisbiyada mucaaridku wadaan iyagoo ka dhigaya in la qabanayo shir beeleed, waxa kale oo aanu aad iyo aad uga xunnahay in ninka maamuuska saddexaad ee dalkan lahaa oo ah gudoomiyaha golaha wakiilada ay habeen walba aflagaado iyo been abuur lagaga sheegayo TVgii Qaranka iyo Idaacaddii umaddu wada lahayd, oo ay xukuumaddu u badheedhayso”.

Waxa kale oo uu intaa ku daray “gudoomiyaha golaha wakiiladu waa ninkii diiday ee isaga iyo rag kale aasaasay Xisbiga UCID oo labeeyey XIsbigii UDUB halka raggan maanta hadlayaana ay shir beeleed maalintaas ku baaqayeen”.

Xoghayaha Guud isagoo ka hadlaya arrinta shirka Dood Qaran wuxuu yidhi “shirkani waxa laysku waydiinayaa maxaa qarankan ka dhiman, Diiwaangalin ayaa ka dhiman doorasho lagu galo, golahan guurtida ee ilaa 1991kii fadhiya ee xukuumadduna doonayso inay u kordhiyaan in laga tashado, shirarkan oo kalena hore ayaa loo qabtay oo Axmed Siilaanyo iyo Faysal cali waraabe ayaa fadhiyey waxana gudoominayey gudoomiyahan maanta waa Dr. Fadal waxana lagu qabtay hotel Obama, kii ayuunbaanu qabanaynaa go’aamadii shirkaas horena waxa ka mid ahaa in lasii wado doodaha qaran, Xukuumadda siilaanyona ka yeelimayno markay fadhiisteen kursigii inay yidhaahdaan lama qabankaro dood qaran, cid allaale cid aanu uga amar qaadanaynaana ma jirto xukuumadda siilaanyo-na yaanay been isu sheegin dalkan sharcibaa lagu xukumaa, wax sharci ka duwan oo cidina cid ku xukumikartaana ma jirto”.

Xoghayaha Guud isaga oo ka hadlaya masuuliyiinta madasha wadatashiga wuxuu yidhi “raggan madashu waa raggii aasaasay SNM, waa Xasan Ciise, maxamed xaashi iyo ibraahin dhagaweyne oo cidiyihiisa u cunay sidii uu dalkan u xorayn lahaa, dhibka dalkan kasoo gaadhayna nin la mid ahi kuma jiro casaabaddan dalka haysata, illaahay ayaan idinku daaryee in la yidhaahdo dalka ra’yi kama dhiibankartaan oo idin qaabilimayno ma xaqbaa loogu leeyahay, Kalitaskii Maxamed Siyaad Barre waligii taas oo kale muu samayn”.

Gudoomiyaha Guddiga Shirka Dood qaran oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Xisbiyada mucaaridka ahi cidna uga fasax qaadan-maayaan, cidna uma daba-fadhisanyaan qabashada shirkan, xuquuqda xisbinimo iyo muwaadinimo ayaanu ku qabanaynaa horena waanu u qabanjirnay xoriyaadka Somaliland dadkeedu haysto ee loosoo dagaalamay weeyaan, laakin waxa ayaan darro ah cashuurtii dadka masaakiinta ah laga ururiyey ee shalay la saaray adhigii dhoofayey iyo baabuurtii ee afar laabka lagaga dhigay in loo adeegsado faafinta beenta iyo aflagaadada oo TVgii Qaranka ee umaddu wada lahayd ee xoolihii dadka la galiyey loo adeegsado wax aan xalaal ahayn”.

Isaga oo si wata hadalkii waxa uu yidhi “ umaddani way taqaanaa TV Been laga sheego oo hore ayay usoo arkeen goboladii waqooyi ayaa kubbad ciyaaraya waanay ka koreen bulshada Somaliland nidaamkaas kalitaliska ah, anaguna dood qaran ayaanu qabanaynaa umaddana waanu u cadaynay wixii shir beeleed qaban jiray iyo wixii jeclaaaba waa la yaqaanaa anagu hore umaanaan qaban shirbeeleed imikana qaban mayno”.

Xildhibaan Ibraahin Jaamac Cali (Rayte) oo isaguna hadlay ayaa yidhi “warbaahinta dawladda waxa uu ku socdaa hantida qaranka, cashuurta laga ururiyo dadka shacabka ah ayaa lagu maalgaliyaa haddii loo isticmaalo ujeedadii loo sameeyey mid aan ahayn waa foolxumo waana sababaha loo baahanyahay in shirka lagaga hadlo, shalay markii kulmiye mucaaridka ahaa waa laga qaylinayey balse xukuumaddi hore ilaa xadkaas umay dhaqmi-jirin, waxa kusoo kordhay cay iyo aflagaado xisbiyadii qaranka iyo masuuliyiintii qaranka loo mariyo, iyo dadkii oo layskaga horkeenayo oo lagu kala fogaynayo sidan-na waxa u dhaqma oo kaliya nidaamka kalitaliska ah”.

Xildhibaan ibraahin rayte wuxuu sheegay in ay la xisaabtamidoonaan warbaahinta qaranka waxanu yidhi “hadaanu xisbiyada mucaaridka nahay waxaanu doonaynaa in laga xisaabtamo warbaahintan qaranka cida leh, kaanu shalay miisaaniyadiisa ansixinay miyaanu ahayn sidee looga aflagaadeeyaa baarlamaanka iyo shirgudoonkiisa, laga aqbalimaayo in nin wax umadda ka dhaxeeyey sida uu doono u adeegsado”.

COMMENTS
LINKS