Xildhibaanadii Qaatay Mabda,a Kulmiye Oo Durba Qiil U Sameeyay Laba Gardaaqida Cali Yuusuf, Sharci Darona Ku Tilmaamay Isku Shaandhaynta Gudi Hoosaadyada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaanadii Qaatay Mabda,a Kulmiye Oo Durba Qiil U Sameeyay Laba Gardaaqida Cali Yuusuf, Sharci Darona Ku Tilmaamay Isku Shaandhaynta Gudi Hoosaadyada
November 21, 2013 - Written by Editor:

waxa ay sheegeen in aanay aqbali doonin isku shaandhaynta uu Gudi hoosaadyadda golahaasi ku sameeyay Guddoomiyaha Golaha wakiilada somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

Hargaysa(wajaalenews) Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanadda Golaha Wakiilada ugu jira Xisbiga Kulmiye ayaa ku adkaysanaya in uu saxan yahay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

 u_116530d_2013-11-21-13-13-48f_fr balaki

Sidoo kale waxa ay sheegeen in aanay aqbali doonin isku shaandhaynta uu Gudi hoosaadyadda golahaasi ku sameeyay  Guddoomiyaha Golaha wakiilada somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

Ugu horen shirkaas jaraa,iid ayaa waxa ka hadlay saleebaan cawil bukhaari waxaana uu yidhi?maanta waxaan

doonayaa inaanu cadayno maalmahan waxa lalahaa gudiyaal ayaa la isku shaandheeyey waa laga noqday markaas arinka ugu wayn waxa weeyaan xeerka golaha wakiiladu ee waliba ah xeer hoosaadku waxa uu qorayaa isaga oo waliba waafaqsan dastuurka uyaal golaha qodobka 14 waxa uu sheegayaa guddoomiyaha golaha wakiilada waxa uu masuul kayahay fulinta ku dhaqanka xeer hoosaadka iyo ilaalinta nidaamka golaha iyo habsami usocdka golaha oo dhan waxa markaas laga rabaa guddoomiyaha inuu ku dhaqmo xeer hoosaadka markasta horyaal.

 u_116530d_2013-11-21-13-10-27f_nacnac

Mar uu xildhibaanku ka hadlayey masuuliyada uu leeyahay  gudidu waxa uu yidhi?waxa jirta shirguddoonka goluhu sid lagu doortay iyo sida uu ku shaqeeyo xeer hoosaadka ayaa tilmaaamaya oo ku hagaya in guddiyada la xulo waxa iska leh oo awood uleh waa shirguddoonka golaha iyaga oo waliba tixgalinaya aqoonta cilmiyeed iyo waayo aragnimo ee golahu uleeyahay hawshaas loo igmaday.

Sidoo kale waxa uu xildhibaanku sheegay inuu guddoomiyuhu dhexe unoqdo golaha uu guddoomiyaha uyahay waxaana uu yidhi?waxa uu shircigu tilmaamayaa inuu guddoomiyuhu dhexe unoqdo xubnaha baarlamaanka madaama oo ay sidaas tahay dareenka aniga igalay waxa weeyaan in gudiyada loo eego beelaha ay kasoo jeedaan madaama oo aynu ku dhisanay beelo.

 u_116530d_2013-11-21-13-21-32f_siio axmed yasiin

Waxa isgauna shirkaas jaraa,iid ka hadlay cabdiraxmaan cismaan caalin  waxaana uu yidhi?anigu waxaan doonayaa inaan xuso aniga oo ku noqonayey intii iga horeyse hortu waxa golaha kala hagaa waxa weeyaan xeer hoosaadka markaas hadii laga boodo xeerkaas waxa inoo hagaagayaa majiraan,waxa halkan shalay laga sheegay in kala badalkii uu qaatay guddoomiyaha golaha wakiiladu uu yahay arina gole anigu arintaas uu goluhu isla qaatay meel alaale meel ay ka keneen anigu maan garan wali waxaan taas ku cadaynayaa inaga oo qodobadan uu halkan saleebaan ka sheegay ee ah awood guddoomiyaha iyo awood gudiyada iyo waliba wakhtiyada guddiyada lakala badalayo iyo qaabka guddiyada loo kala badalayo waxaas oo dhamani waxa ay ku cadyihiin xeerka guddida hoosaadka golaha wakiilada kala fadhigii udanbeeyey ee golaha aniga iyo raga aan ku jiro  oo qaar kood halkan ila fadhiyaan  waxaanu soo jeedinay in laga hadlo arimaha golaha si  xal loogu helo mushkilaadka jira ee laga tabanayo shirguddoonka anigu maan kala saarin cabdiraxmaan ciro iyo baashe.

Xidhibaanku mar uu ka hadlayey isku shaandhaynta marka la samaynayo qaabka la raaco ayaa waxa uu yidhi?waa mamnuuc waa xaraan barlamaanka caalamka iyo baarlamaanada kaleba qaab laraaco ayey leeyihiin marna masuuro gasho in marqudha lawada badalo gudida baarlamanka ayaa mar lawada badalin caalamka inaga mooyaane mar qaar ayaa ladoorta maxaa yeelay qaarba mar ayaa ladoortaa si kuwa  kale intaas xilka usii hayaan.

Xildhibaan axmed yaasiin sheekh cali ayaanle oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi?waxa igu kalifay inaan saxaafada ka hadlo horta xumaan ma wadno guluf aanu guddoomiye ciro ku nahayna majirto sharaf ayaanu uhaynaa oo raali ayaanu kaga nahay ma nihin dad buunbuniyey inuu khilaaf ka dhexe jiro oo go,a ridaya lakiin warkii shalay saxaafada maray ee nimankii ka tirsanaa golaha wakiilada  ay halkan ka shegeen oo anaga aragtida aanu ka qabnaa uu ahaa mid khaldan ayaanu rabnay inuu tubta toosan ku ridno waxa ay kusoo wada uruurtay waxii halkan maanta oo dhan  laga waday mudane dafirayaa majirto xeer hoosaadka golaha wakiilada uyaal.

Dhinaca kale maruu xildhaanbku ka hadlaya waxa shirguddoonka golaha wakiilada ayaa hadana waxa uu yidhi?horta shirguddon waxa layidhaa guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen ayaa layidhaa shirgudoon hawsha maanta taagan ee ah isku badalka gudiyada golaha isku shaandhaynta guddoomiyaha oo kaliya ugaarmaaha si cada ayey qodobada gudid hosaadku usheegayaan isku badalka iyo isku shaandhaynta guddiyada golaha wakiilada waxa iska leh shirguddoonka oo aynu ognahay waxa ay yihiin shirguddoona la iskumahayo inuu guddoomiyaha golaha wakiiladu uu la tashaday mudane cali yuusuf qodobka meesha yalaa ee laga hadlayaa waxa weeyaan marka sharci lamarayo luuqada gaar ah ayaanu sharcigu leeyahay mabanaana haduu yidhaaho meelna kama dhacayso weeyaan markaas mabanaana inuu guddina markaliya lawada badalo sharciguna ma kuu fasaxayo hadii gudoomiyaha iyo cali yuusuf ay ilduufeen ma banaan weeyaan arinkaasi meesha way imanaysaa

WAJAALENEWS.COM

HARGEISA OFFICE

CONTACT; WAJALENEWS@GMAIL.COM.

 

COMMENTS
LINKS