Weydiimaha Hor-yaal Shirka Qaran Waa mid meesha taal, in bulsho waxa wada wadaagtaa is-weydiiso, maxaa inoo toosan oo aan ilaashanaa? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Weydiimaha Hor-yaal Shirka Qaran Waa mid meesha taal, in bulsho waxa wada wadaagtaa is-weydiiso, maxaa inoo toosan oo aan ilaashanaa?
November 15, 2013 - Written by Wariye:

Garyaqaan Cabdale Dahir AdanQalinkii  Garyaqaan Cabdale Dahir Adan

                                     Bartay Aqoontaka Xeerarka

                                                15/11/2013

                Weydiimaha Hor-yaal Shirka Qaran

Waa mid meesha taal, in bulsho waxa wada wadaagtaa is-weydiiso, maxaa inoo toosan oo aan ilaashanaa? Maxaase inaga qaloocan oo aan toosisanaa?, waana halka guushu ku jirto, maxaa yeelay, garashada weydiimahaas, ayay ku dhex jirtaa guushu, hadii se geedigu yahay bilaa sahan, waxa bulshadaas guuraysa, ku dhacaaya habaw, iyo iyada oo toobiyaha ka baydha, qarana jafaysa, waana halka uu Abwaan Gaariye ka yidhi

Nin dariiq xariiqdaa

Garan kara dayawdaye

Dhidarkii ku kacay danad

Dockastaaba waa u daw

Qodobkani waa mid maanta taagan , loona wada xadhki xidhay, hadaba iyada oo taasi gun inoo tahay maxaa haboon, oo miiska inoo yaala, oo ay tahay in aan si dhaba oo aqooneed u darisno eelka, iyo nabarada maanta ku yaal jidhka qarankeena, si aan u dhayano boogahaas, inta aanu nabarki ka bixin xayndaabka waxa looga qaban karo, aniga oo hadaba taas ka shidaal qaadanaaya, ayaan waxa aan rabaa bal in aan garashadayda kooban iyo maankayga isugu geeyo bal in aan soo wada saari karo dhamaan qodxaha qarankeena ku mudan, iyada oo aan u kala qaybin dono sidan.

1-      Arimaha Bulshada

Waxana hoosta ka soo galaaya dhamaan qodobadan

@ tabashooyinka ay kala tirsanayaan beelaha ood-wadaagta ahi. Waxan ugu mudan

Murakan u dhaxeeya labada beelood ee wada dhashay ee GADABIIRSI iyo CIISE,

Muranka u dhexeeya labada beelood ee wada dhashay ee HABAR-JECLO iyo DHULBAHANTE oo ah muran laba dhinac isu barkan, mid dhuleed iyo mid siyaasadeed, oo dhabarka ku haya tabashooyin is-biirsaday,

@ in xididka loo siibo dhamaan muranada dhabarka ku haya Dhulka, waan in sida ugu dhaw Dawladu ula wareegtaa, hadii ay tahay dhul-bixinta iyo  dhulka beeluhu iska soo gaadhaan, oo laga dhigo laba mid uun Seerayaal Qaran ama Sal-dhig uu dagan yahay Ciidanka Qarank, taas baana jirida u siibaysa dhamaan muranadaas.

@ meel dhigida goboladan dabo ka keenka ah ee lagu soo kordhiyay, goboladii 6 ahaa ee hore u jiray, oo aan samayntoodii loo meel-dayin, laba dhibaato oo weyna keenay oo ah Gobol ku dhisan hayb beeleed iyo Wada daganaanshihiI bulshada oo ay meesha ka saareen.

@ in Magaalo-madaxda lagu dhaqo Xeerka Magaalo Qaran, dhamaan dagmooyinka uu ka kooban yahay Gobolaka Hargeisina laga dhigo Gobol kaliya.

2-      Arimaha Siyaasada

Waxaana hoosta ka soo galaaya dhamaan qodobadan

@ Saami qaybisaga beelasha Somaliland, oo ay ugu mudan yihiin, tabashooyinka beelaha dhinacyada

@ Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya

@ dhisida Dawlada leh Tayo iyo Tiro-kooban

@ ku fidinta maamulka qaranimo Gobolada Bariga Fog ee Somaliland

@ in xooga ciidan ee aadka u weyn ee saaran Gobolka Sool laga qaado, oo si hoose loo sigib tiro tabashooyinka yaal.

@ qabashada doorashada Golaha Guurtida, iyada oo si siman loo qaybsanaayo, Beesha dhexe ( Isaaq) iyo Beelaha kale, oo u kala helaayo min 41 xildhibaan, lana soo xulaayo, waana in meel la isla dhigaa habka iyo cida soo xulaysa

@ in hal mar la wada qabto doorashada madaxweynaha iyo Golaha Wakiilada

3-      Arimaha Dhaqaalaha

Waxaana hoosta ka soo galaaya dhamaan qodobadan

@ dib u habaynta dhamaan ilaha dhaqaalaha qarankeena

@ kobcinta wax-soo-saarka guud ee qarankeena, oo ay ugu mudan yihiin Beeruhu iyo Warshadayntu

@ xasilinta dhuuniga

4-      Arimaha Waxbarashada

Waxana hoosta ka soo galaaya dhamaan qodobadan

@ dib u habayn dhaba oo lagu sameeyo waxbarashada qarankeena

@ tayaynta waxbarashada iyada oo laga duulaayo  Samaynta manhaj dhaba oo ka war-celiyaa aqoonta dhabta ah ee aan u baahanay, iyo qofka aan rabno in aan soo saarno ka uu yahay

@ samaynta dugsiyada farsamada gacanta

@ dib u habayn dhaba oo lagu sameeyo dhamaan jamacadaha, iyada oo laga duulaayo, hawsha ay qabtaan, jamacadaha aduunku, oo ah Waxdhigid iyo Aqoon baadhid

5-      Arimaha Horumarinta

Waxaana hoosta ka soo galaaya dhamaan qodobadan

@ gobolada bariga waa ka hadheen ee waa in laba gurmad loo sameeyaa, oo ah in gobolada galbeedaka la soo gaadhsiiyo iyo in kobocooda aqooneed kor loo qaado

@ in baahiyaha ugu mudan loo sameeyo bulshada oo dhan, oo ay ugu mudan yihiin helida Biyo Nadiifa, Helida goobo caafimaad, Helida laydh ku filan iyo Wadooyin.

                             Habkeen hawsha u guda-galnaa

Iyada oo intaas, iyo inta kale, ee maankayga seegtayba, miiska taal, waxa mudan in aan u guda galno, sidan soo socota.

1-      In dadka ka soo qayb-galayaa yihiin cid kasta oo waxa lagu tuhmaayo, oo la is leeyahay war-celin bay ka keeni kartaa waydiimahan

2-      In si aqoon baadhiseed oo dhaba loo galo, iyada oo la kaashanaayo Akaadamiga Nabada Iyo Horumarta.

3-      In aan qol madaw lala galin hawsha ee loo wada dhamaado, hadii ay tahay Dawlada, Ururada Mucaaridka iyo Bulshada oo dhan

4-      In midhaha ka soo go’a shirkaas, loo sameeyo hawl- qabad mudaysan {Road Map } kaas oo u kala qaybsan xubno, loona kala horaysiinaayo, sida ay u kala mudan yihiin, xubinkastaana leedahay mudo ay bilaabmayso, iyo mudo ay ku dhamaanayso, loona diyaariyaa hawl-fududeeyayaasha, dhabta ah ee hawshaasi u baahan tahay dhan kastaba.

5-      In cida hawsha wadaa isku muuqan oo aanay lugta is jiidin, maxaa yeelay hore ayay Somali ugu Maahmaahday Rabi ka cabso iyo rag iska dhici meel ma wada gaal.

Intaasi waa inta aan u doorbiday in aan ku biiriyo, dhamaan dadka milaga leh, ee ay ka dhabta tahay, in ay qarankeena Somaliland garbaha qabtaan, oo riixaan si uu u gaadho qaramada faciisa ah, waan waxa looga baahan yahay qof kasta oo leh dhiig iyo damqasho wadaniyadeed.

FIIRO GAARA

Waa dhab in dad badan oo idin ka midi aad odhan doontaan, Cabdale maxaad u faahfaahin weyday, oo aad u soo koobatay, waan weydiintii ugu horaysay ee maankayga ku soo dhacay, se waxan sidaas u yeeli waayay, oo aan u soo koobay dhawr arimood .

1-      Iyada oo uu balaadhan yahay qodobkani, oo aan is idhi dacalka ayaad baal-mari inta uu qalinku kula taraaro.

2-      Aniga oo rumaysan in aan cidna ka lahay, hawshan, kaliyana aan goostay in aan ku biiriyo, waxa aan ku biirin karo.

3-      Iyo iyada oo balaadhinta ay ka wacan tahay soo koobidu, maxaa yeelay markaas baa si hufan laguu dhadhan-sanayaa, waxa aad u jeedana lagula garanayaa.

   Waxan ku soo ooday Eebe tubta toosan ha ina mariyo, hana inoo toosiyo waxa inaga qaloocsan, aqoonta iyo kasmadana ha inoo biiriyo, qarankeena Somalilandna ha inoo dhawro.

    Aamin  Aamiin Aamiin

                                    Qalinkii  Garyaqaan Cabdale Dahir Adan

                                             Bartay Aqoontaka Xeerarka

                                                                     15/11/2013

 

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS