Weriye Kayse Axmed Digaale Oo Ku Guulaystay Tartan Hay´adda CARITAS U Qabatay 25-Suxufi DAAWO SAWIRADAN. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Weriye Kayse Axmed Digaale Oo Ku Guulaystay Tartan Hay´adda CARITAS U Qabatay 25-Suxufi DAAWO SAWIRADAN.
November 23, 2013 - Written by editor

Weriyaha wargeyska Jamhuuriya iyo telefishanka HCTV ee gobollada bari Mr.Keyse Axmed Digaale,ayaa ka mid noqday 7-weriye oo ku guulaystay tartan hay?adda caalamiga ah ee CARITAS u qabatay 25 suxufi oo ka kala socday hay?adaha kala

Hargeysa(Wajaale-News)-Weriyaha wargeyska Jamhuuriya iyo telefishanka HCTV ee gobollada bari Mr. Keyse Axmed Digaale, ayaa ka mid noqday 7-weriye oo ku guulaystay tartan hay?adda caalamiga ah ee CARITAS u qabatay 25 suxufi oo ka kala socday hay?adaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland.

Xaflad loo sameeyey gunaanadkii tartankan oo ah kii ugu horreeyey noociisa ee loo qabto suxufiyiinta Somaliland, isla markaana warfidiyeennadu kaga qaybgaleen warbixinno qoraal iyo muuqaal ah oo ku saabsan nadaafadda iyo fayo-dhowrka, ayaa lagu qabtay shalay hudheelka Ambassador ee

magaalada Hargeysa.

Munaasibadda oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxa abaalmarinno kala duwan lagu guddoonsiiyey 7-suxufi oo ku guulaystay tartanka hay?adda CARITAS u qabatay suxufiyiinta Somaliland, waxana kaalinta koowaad hantiyey weriye Keyse Axmed Digaale oo tartanka kaga qaybgalay warbixin maqal iyo muuqaal ah oo uu ka diyaariyey xaaladda fayo-dhawrka iyo nadaafadda sariibadda magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, taas oo laga baahiyey telefishanka HCTV.

Waxa kaloo halkaas abaalmarino kala duwan lagu guddoonsiiyey lix weriye oo ka kala socday Telefishanka Qaranka, Bulsho TV, wargeysyada Ogaal,Hubaal,Waaheen iyo shabakadda wararka ee Gabiley News, kuwaas oo la guddoonsiiyey qalabka warbaahinta,halka xarumahaas warbaahineedna la siiyey shahaadooyin hay?adda CARITAS ugu tallogashay, kadib markii weriyeyaal ka socday ku guulaysteen tartankii fayo-dhawrka.

Wariyeyaasha abaalmarinaha la guddoonsiiyey waxay kala yihiin; Cabdisalaan Xarriir oo ka socday Telefishanka Qaranka, Luul Cabdi Xuseen oo Bulsho TV ah, Yacquub Siciid Kuuriya oo wargeyska Waaheen ka tirsan, Axmed Cumar Axmed oo ka socday wargeyska Hubaal iyo Guuleed Muxumed Ibraahim oo ka tirsan shabakada wararka ee Gabiley News

COMMENTS
LINKS