|
|||||
WAJAALE NEWS
Weftigii 9-Ka Maayar Ee Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Noqday, Kana War-bixiyey Safarkii Ay Ugu Maqnaayeen Dalka Tanzania.
November 25, 2013 - Written by Editor:HARGEISA (WAJAALENEWS)Dhaqaale ayaan ma jirto, balse Waxa Jira Caqli Yaraan haddii caqliga laga shaqeysiiyo in wax baddan la qaban karo ayaan ka soo faa?iidnay”.Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdisamad Cumar Maal. Hargeysa(wajaalenews):Weftigii Maayarada Somaliland oo uu hogaaminayey Maayarka Maayarada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan-SOLTECO) ayaa maanta gelintii danbe si diiran loogu soo dhaweeyey Madaarka Caalamiga ah Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa,kadib markii ay muddo todobada cisho ah hawlo shaqo ugu maqnaayeen Magaalada Caruusha ee dalka Tanzania. Weftigan Maayarada oo ka koobna Sagaal Maayar oo kala ah Saylac,Laascaanood, Sheekh, Berbera,Maroodijeex, Gabiley, Oodweyne, Burco, Boorame,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdisamad Cumar Maal,Agaasime Waaxeedka Gobolada iyo degmooyinka, Xoghayaha Ururka dawladaha Hoose ee Somaliland ALGASAL,iyo
Waxaana Weftiga ku soo dhaweeyey Madaarka Caalamiga ah ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa, Maayar Kuxigeenka Caasimada Hargeysa Cabdicasiis Caga-weyne, Xildhibaano ka kala socday Hargeysa iyo Gabiley, Masuuliyiin kale iyo marti sharaf kale.
Maayarka Maayarada Somaliland ee Gobolka Maroodijeex Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan-SOLTECO) oo ka hadlayey u-jeedada Weftigii uu hogaaminayey u tageen dalka Tanzania iyo waxyaabaha u soo qabsoomay, ayaa waxa uu yidhi “Maanta waxaan ka soo noqonay safar aan ku maqnay muddo sagaal cisho ah magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, waxaanan ka koobanahay Sagaal Maayar oo ka socday Ururka dawladaha Hoose ee Somaliland,Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland oo ay ka socdaan Agaasimaha guud ee Wasaarada Cabdisamad, Agaasime waaxeedka gobolada iyo degmooyinka, iyo Xoghayaha Ururka AL-GASAL ee ay dawladaha Hoose ku midoobeen.Waxaanu ku tagnay dalka Tanzania Casuumad aanu ka helnay Ururka dawladaha Hoose ee Bariga Afrika, waxaana soo qaban-qaabisay safarkayagaasi hay´ada UN-habitat”. Maayar Cabdiraxmaan-SOLTECO waxa uu sheegay inuu Ururka dawladaha Hoose Somaliland ee ALGASAL xubin ka noqday ururka dawladaha Hoose Bariga Afrika, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Safarkayaga aanu ku tagnay dalka Tanzania waxay u-jeedadiisu ahayd safar aan wax ku soo baranaynay, isla markaana wixii khibrad ah ukala koradhsan lahayn, waxaanan halkaasi kulan kula yeelanay Ururka dawladaha Hoose ee Tanzania. Waxyaabaha aan ka soo korodhsanay Safarkayagan aan ku tagnay dalka Tanzania marka aan laba u kala qaadno waxa weeyaan sadex dawladood oo kala ah Somaliland, Ethiopia iyo Koonfurta Suudaan ayaa waxay codsi u gudbisteen Ururka dawladaha Hoose ee dalka Tanzani,labadii dawladood ee kale lama aqbalin, laakin waxa la aqbalay Ururka dawladaha Hoose ee Somaliland AL-GASAL” Cabdiraxmaan-SOLTECO oo sharaxaad ka bixinaya muddadii ay joogeen dalkaasi Tanzania meelaha ay booqdeen iyo waxyaabaha ay ku soo arkeen waxa uu yidhi”intii aan Safarka ku joognay dalka Tanzania waxaan booqanay Magaalada Caruusha ee dalkasi dhowr meelood oo ay dawlada Hoose ee dalkaasi na soo tustey. Shayga la yidhaahdo Waddaniyadu waa cajiib, markaa waxaan u sheegaya shacabka reer Somaliland ee ku nool degmooyinka dalka inay innaga dhiman tahay Waddaniyadu?.Maalintii ugu horeysay waxaan booqanay Iskuul Hoose oo ku yaala Tanzania, ardey kasta oo dhigta Iskuulkaasi waxa uu sitaa laba Litir oo biyo ah, waxaanu iskuulka dhexdiisa ku leeyahay Geed loogu magac-daray oo uu ku waraabiyo, isaga oo subax kasta buugaagtii sita”. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi”Waxaanu tagnay suuq uu nin kaliyaati maamulo cashuur Uruurinta,kirada, nadaafada iyo maamulka-ba uu intaasi isku qabto,waayo dadku waxay ku soo shubayeen Baanka, subaxdii marka uu soo indha-indheeyo suuqa qofka inyar oo xashiish ahi hortaalo ee ka mida Suuqa, bisha tobankeeda may gaadheen qof laga sugayo Cashuur ama Kirro, innagu (Somaliland) markaan Cashuurta ka gureyno Suuqyadeena sida Waaheen,Gobanimo iyo Suuqyada kale 7-Cashuur qaade ama 8-Cashuur qaade ayaa bisha dhan ku noq-noqda”- “Waxaanu tagnay Cusbitaaladooda oo aad u habeysan, waxaanu booqanay Waddooyinkooda oo ay shaqo wanaagsani ka socotay inkasta oo ay ka heleen deeqo Caalamiya Baanka Adduunka iyo amaaho-ba. Ururka dawladaha Hoose ee Tanzania, Maayarka Caruusha Iyo Ururka dawladaha Hoose ee Bariga Afrika (East Africa) waxaanu ku soo macsuunay inay GA-gayaga ee Ururka dawladaha Hoose ALGASAL oo ka dhici doona Magaalada Ceerigaabo inay yimaadaan, waanay aqbaleen inay yimaadaan bisha December 2013-ka. Annaga oo ka mida Ururka Bariga Afrika waxaanu tagi doona Caasimada dalka Burundi ee Bujun-buura”. Maayar Cabdiraxmaan-SOLTECO waxa uu u mahad-celiyey hay´ada UN-habitat, oo uu sheegay inay bixinaysay dhaqaalaha ku baxayey Safarka ay ku tageen Maayaradu dalka Tanzania. Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdisamad Cumar Maaloo ka mid ahaa weftiga Maayarada Somaliland ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka Tanzania oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxa na casuumay Ururka dawladaha Hoose ee Bariga Afrika oo ka kooban Tanzania, Kenya, Burundi iyo Ruwanda oo magaciisa la yidhaahdo YEGLA, waxaanan marti u ahayn Ururka dawladaha Hoose ee Tanzania ALAT waxaana safarkayagaas qaban-qaabadiisa lahaa hay´ada UN-habitat waxaana nagala socday madaxa hay´adaasi ee Somaliland Cabdiraxmaan iyo masuul kale , iyo Sagaal Maayar oo kala ahaa Maayarka Saylac,Laascaanood, Sheekh,Berbera,Maroodijeex, Gabiley, Oodweyne, Burco, Boorame iyo Wasaarada arrimaha Gudaha ayaanu ka koobnayn” “U-jeedada Safarkayagu waxa uu ahaa inaan xubin ka noqono Ururka dawladaha Hoose ee Bariga Afrika oo aanu la wadaagno wixii khibrad ah, oo aanu eegno qaabka ay Ururka dawladaha Hoose u shaqeeyo, maxay ka qabaan dawladaha Hoose?, Takale waxay ahayd inaan aqoon wadaag la sameyno dawladaha Hoose ee ka jira Bariga Afrika adeegyada ay bixiyaan, sida ay shacabka cashuurta uga qaadan waa noocee?”-“Sida uu Maayarku tilmaamay waxyaabo baddan oo ah sida qorsheynta,nidaamka loo guro qashinka, iyo qurxinta Magaalooyinka oo ahayd waxyaabaha ugu cajiibsan oo ahayd Magaalo wada cagaaran oo aan inaga (Somaliland) inoo suuroobeen, iyo xoolaha aynu Magaalada ku dhex dhaqano oo laga saaro,”.Ayuu yidhi Agaasime Cabdisamad Cumar Maal. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi”Qodobka kale ee aan meesha u tagnay waxa uu ahaa inaan gudbino codsigayaga ka mid noqoshada inaan xubin ka noqono Ururka dawladaha Hoose ee Bariga Afrika,waxa kjale oo aan la kulanay jaaliyada reer Somaliland Bariga Afrika oo si wanaagsan noo soo dhaweeyey oo kulan hawleed iyo casho sharafeed-ba noo sameeyey oo warbixin na soo siiyey dad shaqeystay, beero leh, warshado leh, xoolo leh, oo ganacsiga ugu heerka sareeya dalkaasi Tanzania leh oo Tanzanian noqday” Md. Cabdisamad Cumar Maal waxa uu ku dooday inaanay jirin wax la yidhaahdo dhaqaale yaraan, balse ay jirto caqli-xumaan, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa ugu muhiimsan ee aan ka soo faa´iidnay safarkayagaasi waxa uu ahaa in maamul daadajin ay ka hirgashay waddamadaasi oo ah in maamulada la soo doortey iyo dawladaha hoose ay hayaan adeegyadii ay bulshadu u baahnayd sida haday noqoto maamulida qashinka, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Laydhka, horumarka asaasiga inay door ku yeeshaan oo aanu jirin wax la yidhaahdo dhaqaale yaraan, balse uu jiro caqli yaraan, haddii caqliga laga shaqeysiiyo in wax baddan la qaban karo ayaan ka soo faa´iidnay WAJAALENEWS HARGEISA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Xukuumada Somaliland Oo Dalka Ka Mastaafurisay Dad Si Sharci-darro Ah Hawlo Macdan-baadhiseed U Wada... Wasiirka Warfaafinta oo Cadeeyay In Ay Fadhiisteen Idaacadii Radio Hargeysa iyo Telefishankii Qarank... Wasaarada Dastuurka Iyo Xidhiidhka Golayaasha Jsl Oo Tababar Barashada Waddaniyada Ah Ufurtay Dhalin... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|