|
|||||
WAJAALE NEWS
Waxaynaan Aqoon Baa Ina Soo Galay, Xabaddaa La Iskug Fiiqayaa Xumaan-bay Wadataa?..Nimankaasi Waa Raggii Dawladda Jirta Ku Soo Tabcay?? Cabdi Waraabe
November 18, 2013 - Written by editorGuddoomiyaha Guddida joogtada ee Golaha Guurtida Xildhibaan Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe), ayaa markii ugu horaysay ka hadlay falalka la xidhiidha iskhaarajinta ee la isku adeegsado oo bilihii la soo dhaafay dalka ku soo cusboonaaday, ayaa waxa uu sheegay inay falalkaasi yihiin kuwo Xun oo hadii la caadayso cawaaqib-xumo Somaliland ku keeni kara.
Hargaysa(Wajaalenews):-Guddoomiyaha Guddida joogtada ee Golaha Guurtida Xildhibaan Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe), ayaa markii ugu horaysay ka hadlay falalka la xidhiidha iskhaarajinta ee la isku adeegsado oo bilihii la soo dhaafay dalka ku soo cusboonaaday, ayaa waxa uu sheegay inay falalkaasi yihiin kuwo Xun oo hadii la caadayso cawaaqib-xumo Somaliland ku keeni kara. Xaaji Cabdikariim Xuseen Cabdi waxa kale oo uu sheegay in Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha wadatashiga ay yihiin rag samcad iyo karaamo ku leh Somaliland, isla markaana si muuqata uga soo qayb-qaatay halgankii dheeraa ee dalka lagu xoreeyey, waxaanu yidhi ? Horta Shakhsigayga Dadka mid aan u diido mooyee, anigu midna maan diidin, laakiin waxa iigu dhawaa Marxuum Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo aanu Aabihii saaxiib ahayn.? Ayuu yidhi waxaanu intaas raaciyey ?Nimankaasi inay xumaan wadaan ilama aha, waa raggii dawlada ku soo tabcay, rag magac leh weeye, waa raggii soo dagaalamay, waa nimanka ay dawladnimadu ku socoto, dawladnimadana Nina wuu ku soo socdaa Nina wuu ka sii socdaa Nimankaasi waa rag ku soo socda dawladnimada.? ?Waxaynaan aqoon baa ina soo galay, Xabaddaa gudaheenna laysku fiiqayaa Xumaan ayaa ka iman karta iyo Cawaaqib-xumo, waxaa loo baahan yahay in Xabaddaa la isku ridayo uu Boolisku ka feejignaado, shacbiguna ha feejignaado Nin odaya ayaa imika xidhan oo Xaaji Muuse la yidhaahdo, Xaaji Muuse-na Nin xumaan u dhashay maaha, laakiin waxa lagu xidhay waa wax adag ee hala hubsado.? Ayuu yidhi Xaaji Cabdikariim Xuseen
WAJAALE NEWS DESK HARGEISA OFFICE CONTACT US : Wajalenews@gmail.com Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|