Waxaan Caddaynayaa Inaanay Jirin Cid Ka Dambaysay Weerarkii Muj. Maxamed Kaahin, oo ay ku Kooban Tahay Ninkii Geystay falka—Ismaaciil Yare | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxaan Caddaynayaa Inaanay Jirin Cid Ka Dambaysay Weerarkii Muj. Maxamed Kaahin, oo ay ku Kooban Tahay Ninkii Geystay falka—Ismaaciil Yare
November 15, 2013 - Written by Editor:

Waxaan Caddaynayaa Inaanay Jirin Cid Ka Dambaysay Weerarkii Muj. Maxamed Kaahin, oo ay ku Kooban Tahay Ninkii Geystay falka—Ismaaciil Yare

hargeisa-(wajaalenews)-Guddoomiyihii Urur Siyaasadeedka DALSAN Ismaaciil Aaden Cismaan (Ismaaciil Yare), ayaa ka hadlay Falkii isku-dayga dil ahaa ee lagula Kacay Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, Waxaanu sheegay in falkaasi ahaa mid aad u fool xun, isaguna aad uga xun yahay.

Ismaaciil Aaden Cismaan, oo xalay khadka Telefoonka ugu waramayey Wargeyska Saxansaxo, ayaa sheegay in falkaasi ku koobnaa oo kaliya ninkii geystay, isaga oo sidoo kalena ninkaasi oo aan ilaa hadda gacanta lagu hayn ugu baaqay inuu ciidamada ammaanka isku soo dhiibo, isaga oo u tudhanaya Mustaqbalkiisa dambe.

Ismaaciil, waxa kale oo uu sheegay inuu dhacdadan si faahfaahsan uga hadli doono Maalinta boolisku soo qabtaan ninkii geystay isla-markaana uu u jawaabi doono shakhsiyaad uu tilmaamay inay siyaabo aan wanaagsanayn uga hadleen Arrintaas.

Ismaaciil Aaden Cismaan, oo ugu horeyn ka hadlaya sida uu uga xun yahay dhacdadan ayaa yidhi “Arrintaas ayaad ayaan uga xumahay, Ina Kaahinna nin geya ma hayn in qori iyo xabad loo qaato, waxaanan si ballaadhan uga hadli doonaan maalinta la soo qabto yarkii qoriga sitay ee falkan geystay, waxaana hadda iiga bannaan uun in arrintaasi ay ahayd fal aad iyo aad u fool xun oo aan aad uga xumahay, Maxamed Kaahin-na aanu ahayn nin geya in qori loo qaato”

Ismaaciil Yare, waxa kale oo uu sheegay in falkani ku koobnaa ninkii geystay, balse aanay jirin cid ka dambaysay “Waxaan caddaynayaa in arrintaasi lagula kacay Maxamed Kaahin cid ka dambaysay haba yaraatee aanay jirin oo ay ku koobnayd ninkaas falka sameeyey oo keliya ayaan caddaynayaa, waxaanay ahayd wax isaga uun u gaar ah iyo ciddii la socotay, arrintuna way ka ballaadhan tahay intaas oo wax badan oo kale ayaa ina kaahin dhaafsiisan, waxaan ka hadli doonaa maalinta inanlkaas yar la soo qabto, maantana in laga hadlo ma taagna oo ciddii ugu weynayd ee fal dembiyeedka gashay ayaan illaa hadda la qabanin ee qorigaba gacantiisa ku sitay, aadna waan uga xumahay”ayuu yidhi.

Ismaaciil Aadan Cismaan oo la waydiiyey waxa uu u malaynayo inay hor-taagan tahay in la soo qabto ninkii weeraray Mujaahid Maxamed Kaahin, ayaa ku jawaabay “Wallaahi waa arrin Ciidanka Bileyska u taalla, waana inan yar oo Magaalada ku dhashay oo dhuumanaya oo maalinba meel tegaya, kollay belaysku raacdo ayey ku hayaan aakhirkana waa la qaban doonaa, waxaanan ugu baaqayaa inuu Ciidamada Bileyska isku dhiibo, isaga ayaanay dan u tahay inuu Ciidanka isku dhiibo, waayo weligii sidaas kuma maqnaan karo umana dhuuman karo, inuu is qariyana noloshiisa dambe ayey sii xumaynaysaa, haddii aanuu is deg deg ah isu soo dhiimin oo aanu u imanin, Waalidiinta dhashayna waxaan u soo jeedinayaa si falkaasi foosha xun ee ceebta noo keenay ballaadhan inay Ciidanka Bileyska gacanta u soo geliyaan oo ay la baadhaan, cid kasta oo u ehel ah oo u xigtaaba”

Ismaaciil, waxa kale oo uu sheegay “Waxaanan si ballaadhan oo waafi ah uga hadli doonaa maalinta la soo qabto oo waxa ay ku hadlayeen rag badan oo is xayd xaydayeyna aanu ugu jawaabi doonaa marka la soo qabto ninkaasi, tirada dadka la qabtay iyo tirada dadka fal dembiyeedka gadhay waa wax bilayska u yaalla oo wax aan anigu ogahay ma aha, aad ayaananu uga xunahay reer ahaan arrintaasi”ayuu yidhi Ismaaciil Aaden Cismaan (Ismaaciil Yare)

wajaalenews.com

wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS