Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Jabuuti Oo Qodo Sharafeed Ku Maamuusay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Jabuuti Oo Qodo Sharafeed Ku Maamuusay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland.
November 3, 2013 - Written by Wariye:

d jabuutiDJabuuti(Wajaale News):-Wasiirro ka tirsan xukuumadda Jamhuuriyada Jabuuti ayaa shalay hadhimo sharafeed ku qaabilay Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Agaasimihiisa guud Maxamed Siciid oo socdaal shaqo ku jogs dalkaasi.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-murtiyeed maanta ka soo baxay xarunta wasaaradda Khaarajiga Somaliland, waxaana lagaga xog-waramay meeqaamkii loogu soo dhaweeyay dalka Somaliland la dariska ah ee Jabuuti oo sida la sheegay ay ka wada hadli doonaan xoojinta wax wada qabsiga labada dal.

“Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Dalka Djibouti.

Wasiirka oo ku jira socdaal shaqo oo ku tagay wadamo ay ka mid yihiin Masar iyo Ingiriiska ayaa ka soo degay 11:00 subaxnimo gegida diyaaradaha dalka DJibouti halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane: Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Shaqada Mudane Cabdi Xussen iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan dawlada Djibouti.

Socdaalkan Wasiirka oo ku weheliyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi Mudane Maxamed Xasan Siciid, waxa qado sharaf u sameeyay wasiirka shaqada iyado ay ka soo qayb galeen wasiirro badan oo ay ka mid yihiin wasiirrada Arrimaha dibada, Maaliyada iyo Dhaqaalaha, Arrimaha gudaha, Cadaalada, Miisaaniyada, difaaca, warfaafinta iyo isgaadhsiinta. Waxa kale oo casuumadaasi lagu soo dhawaynayay Wasiirka arrimaha dibada Somaliland ka soo qayb galay, gudoomiyaha bangiga, madaxa amniga qaranka, xoghayaha guud ee xukuumada, xoghayaha guud ee xafiiska Raysal wasaaraha, taliyaha bileyska Djibouti, taliyaha ciidamada ilaalada madaxtooyadda, xildhibaano iyo ganacsatada waawayn ee reer Djibouti.

Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Maxamed Biixi Yoonis, waxa uu kulamo la yeelan doonaa Madaxda dawlada Djibouti, oo wado hadal ka yeelan doonaan si xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dal.”

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS