Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Ayaa Sheegay In Wax Wada Qabsiga Iyo Wadatashiga Bulshada Ku Yimaado Horumarku. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Ayaa Sheegay In Wax Wada Qabsiga Iyo Wadatashiga Bulshada Ku Yimaado Horumarku.
November 28, 2013 - Written by Wariye:

wadoHargeysa (Wajaale News):- Si ay Bulshadu u Dareento In ay Wax-wada qabsi Hoggaan Toosan leh Horumar ku gaadhi karto, Waxaa Tusaale u ah Hirgalinta Jidka Hargeysa iyo Berbera? Wasiirka Madaxtooyada Somaliland
Wasiirku waxa uu sidaas ku sheegay qoraal kooban oo boggiisa facebook iyo bloggiisa gaarka ah ku baahiyey waxanu yidhi sidan:

Waxaan Shalay kormeer Ku tagay Waddada Isku xidha Hargeiysa iyo Berbera si aan usoo indho-indhayno una dardargaliyo  Samaynta Iyo Dayactirka ka aanu ku wadno dariiqa isku xidha Berbera iyo Hargeisa, waxaan Ilaahay ku Mahadinayaa Habsami u socodka iyo halka ay Hawshu  marayso oo gabogabo ku dhaw.

Qorshuhu wuxuu yahay in la dhamaystiro Jidka Isku Xidha Berbera iyo Hargeisa horumarintiisa iyo Dayactiirkiisa, isla markaana ay noqoto waddo tayo leh oo Dadka iyo Gaadiidkaba Anfacda Door wax ku ool ahna ka qaadatta Isu Socodka Bulshada, Amniga Dalka iyo Fududaynta Koboca Dhaqan-dhaqaale ee Qaranka, Sidoo kalena aynu kaga baaqanno Khasaara Naf iyo Maalba oo ay inbadan sababto Waddo Xumaantu.

Maaha kaliya in Godadka la buux buuxinayo balse waxaanu wadnaa in sida ugu macquulsan isla markaana awooddu noo saamaxdo aanu u Hirgalinno Dhismaha Waddadaasi, Waxaanu sidoo kale wadnaa in marka la dhameeyo samaynta Jidkan  la raaciyo in  daadadka laga xidho si aanay markale roobabku u wax yeellayn.

Maaha jidkan oo kaliya ee hadii Alle yidhaa waxaannu wadnaa in aanu u gudubno waddooyinka kale ee dalka haday dayactir tahay iyo haday samaynta kuwo cusub tahayba kolba inta Awooddu inoo saamaxdo rabbina inagu simo, Insha Allah Dhamaystirka Waddadan kadib waxaannu rajaynayaa in Gaadiid badani ka baaqdaan hantaaqdii badnayd ee soo gaadhi jirtay ?Waxaanse marnaba laga baaqsan Karin qadarka alle?.

Bulshada Reer Somaliland-na waxaan ugu bushaaraynayaa in ay si dhab ah u arki doonaan Anfaca  cashuurtii laga qaaday oo ay u horrayso Hirgalinta Samaynta iyo Dayactirka Jidka Hargeysa  iyo Berbera isku xidha, Si ay Bulshadu u dareento In ay Wax-wada qabsi Hoggaan Toosan leh horumar ku gaadhi karto,

Ugu dambayntii waxaan shacabka reer Somaliland ku bogaadinaya sida ay isu barbar taagaan hirgalinta waddooyinka , Waxaanu maanta Joognaa Deegaanka Sh. Abdaal waxaanay ku dhowdahay gebegebadii Samaynta Jidkan oo looga sii gudbi doono Lafa-ruug Ilaa Berbera, Waxaanan Shacabka reer Somaliland u dirayaa in ay dedaalkooda sii kordhiyaan oo gacan iyo garaba ku taageeraan Horumarinta Wadooyinka Dalka.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info;wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS