Wasiirka Duulista Oo Ka Muquurtay Xil Wareejinta Labada Agaasime Oo Digreeto Loogu Sheegay iyo Agaasime Dalal Oo Soo Qubay Dayn Tiro Dhaaftay Oo Lagu Leeyahay Wasaaradda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Duulista Oo Ka Muquurtay Xil Wareejinta Labada Agaasime Oo Digreeto Loogu Sheegay iyo Agaasime Dalal Oo Soo Qubay Dayn Tiro Dhaaftay Oo Lagu Leeyahay Wasaaradda
November 5, 2013 - Written by editor

Biilka Warbaahinta, Biilka Telefoonka Wasiirka, Laydhka U Baxa Wasaaradda+ Cuntooyinka Hudheeladda oo lagu cadeeyay Xil Wareejinta Labada Agaasime

Hargeysa (Wajaale-news) – Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Duulista Hawadda iyo gaadiidka Cirka Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan  ayaa si rasmi ah xilkii ugala wareegay Agaasimihii Hore ee Wasaaraddaasi Axmed Dalal Faarax.

Xil Wareejinta Labadan Masuul oo sidii uu Madaxweynaha Somaliland Xil ka qaadista ku cadeeyay uu u xil saaray Wasiirka Wasaaradaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa lagu War helay in labadda Agaasime ee xilka la kala wareegaya ay keli ku tahay, ka dib markii uu Wasiirku

u baqoolay dhinaca Madaxtooyadda.

Agaasimihii Hore ee Xilka Wareejinayay ayaa khudbadiisii ku daray in uu aad uga Xun yahay in saaxiibkiisii (Wasiirka Duulista) ay mudada dheer soo wada shaqaynayeen uu xil wareejinta Wasaaradiisa kaga maqshquulo arrimo siyaasadeed.

?Waxa aan aad uga xumahay in Wasiirka Duulista Hawada oo xil wareejinta ay ahayd in uu noo sameeyaa uu ku mashquul arrimo siyaasadeed? ayuu yidhi.

Hadalka ka soo yeedhay Agaasimihii Xilka Wareejinayay Axmed Dalal Faarax, ayaa daaha ka fayday sida aanay marnaba isugu calool fayoobayn saaxiibkii Maxamuud Xaashi Cabdi oo uu madaxweyne Siilaanyo Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka Cirka u wakiishay in ay wada jir u maamulaan.

Xafladda Xil Wareejinta Labadan Masuul ayaa si habaqle ah uga qabsoontay dhismaha Wasaaradaasi sida ku meel gaadhka ah ugu jirto, waxaana goob joog ka ahaa qaar ka mid Ah Shaqaalaha Wasaaradaasi.

Gabo-gabadii Xafladda Xil Wareejinta Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi uu dhawaan Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u magacaabay iyo agaasimihii hore ee Wasaaradaasi ayaa lagu soo bandhigay Dayn badan oo lagu leeyahay Wasaaradda Duulista.

Dayntan oo lagu cadeeyay waraaqo uu Bixiyay Agaasimihii hore ee Wasaaradaasi ayay nuqulo ka mid ah heshay Shabakadda Hadhwanaagnews, waxaanay u dhigan yihiin sidan ee ka Bogo.

COMMENTS
LINKS