Wasiirka Arimaha Gudaha somaliland Oo Madax Dhaqameedka Uga Digay Inay Soo Faro Galiyaan Kiisaska Dadka Danbiyada Lagu Helo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Gudaha somaliland Oo Madax Dhaqameedka Uga Digay Inay Soo Faro Galiyaan Kiisaska Dadka Danbiyada Lagu Helo.
November 4, 2013 - Written by Wariye:

waran cadeHargays(Wajaale News)Wasiirka Arrimaha guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa markii u horaysay daboolka ka qaaday in aanay dib u dhici doonin in askarta ciidanka booliska wax Mag ah loo raaco haddii ay wax dhibaato ah u gaystaan dadka shacabka inta ay ku gudo jiraan hawlahooda shaqo ee dastuuriga ah. Waxaanu tilmaamay Wasiirku in arrintaasi oo muddo dheer dhibaato ku haysay in ay ciidamadda boolisku hawlahooda shaqo u gutaan sida sharciga ah, uu hada meesha ka saaray xeerka booliska oo ay dhawaan ansixiyeen goleyaasha sharci dejintu, isla markaana uu saxeexay madaxwaynaha Somaliland, kaasi oo hada ay ku dhaqmi doonaan ciidamadda boolisku. Cali Waran-cadde, waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad lagu xusayay labaatan guuradii ka soo wareegtay aasaaska ciidamadda booliska Somaliland oo shalay lagu qabtay xarunta taliska guud ee ciidamadda booliska ee magaaladda Hargaysa, waxaanu sheegay in xeerkaasi uu qeexayo awooda ay ciidamadda boolisku u leeyihiin in ay fuliyaan hawlaha amaanka qaranka. Isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi waxaan jecelahay madaxwayne in aan halkan ka sheego, bulshaddana u gudbiyo in la ansixiyay sharcigii boolisku ay ku shaqayn lahaayeen, sharcigaasi oo qeexaya awooda uu bilaysku u leeyahay in uu fuliyo amniga qaranka, had iyo jeer waxa dhici jirtay in marka uu askariga booliska ahi fulinayo shaqadda qaranka ee ay dhibaato la kulanto, ee uu u guto shaqadda sidii uu sharcigu u faray xukunka, isaga oo daryeelaya nabadgeliyadda dalka iyo ta bulshadaba in la xidho ayaa dhici jirtay, oo dabadeedna reerkooda loo doonto Magta, isaga oo fulinayay awaamiirta qaranka iyo ta ay maxkamaduhu ka soo gudbiyaan danbiyadda ka dhaca dalka. sidaasi awgeed muddane madaxwayne waxaan maanta (shalay) halkan jecelnahay in aan kaaga sheego in aanay dhici doonin wixii imika ka danbeeya in nin ciidanka booliska ka tirsan oo shaqadiisa gudanaya in aan dib loo xidhin isaga oo fulinaya amar qaran, isla markaana aan Mag danbe la wayniin. wasiirka arrimaha guddaha ayaa dhinaca kale ugu baaqay cuqaasha iyo madax-dhaqameedka in ay lagama maarmaan tahay in lagu dhaqmo xeerka booliska ee la ansixiyay, isaga oo digniin adagna u jeediyay dadka marka ay danbiga galaan dagaalka kala horyimaada ciidanka booliska, isla markaana cida arrintaasi ku kacda aan waxba laga aqbali doonin. ?Waxaan u soo jeedinayaa bulshadda reer Somaliland, madax-dhaqameedka iyo cuqaasha arrintaasi in ay tahay arrin maanta sharcigeedii la ansixiyay oo ay lagama maarmaan tahay in aynu ku dhaqano, waxaan markaa halkan uga jeedinayaa Digniin balaadhan dadka caadaystay in marka wax laga xukumo ama uu danbi geysto ee uu boolisku hareereeyo kala hor yimaada hubka ama iska difaaca sameeya ama isku daya in uu kala horyimaado ciidanka in ay noqon doonaan cid aan hadhawto ka daba imanaysaa aanay jirin, madax-dhaqameedka iyo madaxda kalena ay sidaa u ogaadaan? ayuu yidhi wasiir waran cadde. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi Waxaanu imika ku talo jirnaa, in aanu ciidanka booliska barno ama u tababarno in aanay ku gefin sharciga, in aanay bulshadda marka ay wax dhacaan ee danbiileyaasha laga dhex qabanayo, in aanay dhicin in ninka ciidanka ahi gelo wax gaf ah ama hawsha uu qabanayo uu ugu gaysto dhibaato bulshadda iyo cidii kale ee la noolba,Waxaan halkan uga mahad celinayaa ciidanka booliska iyo dadwaynaha reer Somaliland oo runtii ku guulaystay ama sida ay u wada shaqeeyaan oo aanay had iyo jeer dhicin in uu baxsado sidii halka taliyaha boolisku ka akhriyay 95% in dhamaanba gacanta lagu hayo danbiileyaashii danbiyadda gaystay, iyadda oo ay halkaasi is-kaashanayaan bulshadda iyo boolisku Wajaale News Hargaysa Office Info:wajalenews@gmail.com Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS