Wasiirka Arimaha Debada Somaliland Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kana Hadlay Kulamo Muhiim Ah Oo Uu La Qaatay Masuuliyin Ka Tirsan Wadanka Ingiriiska Iyo Wadamo Kale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Debada Somaliland Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kana Hadlay Kulamo Muhiim Ah Oo Uu La Qaatay Masuuliyin Ka Tirsan Wadanka Ingiriiska Iyo Wadamo Kale.
November 6, 2013 - Written by Editor:

Hargeysa(WAJAALENEWS):-wasiirka arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka hadlay safar uu ku soo maray wadamo dhawr ah oo ka tirsan qaaradaha Yurub iyo Afrika.

Wasiirka arimaha debada Somaliland oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaysta safaro shaqo uu ugu maqnaa wadamada Masar, Ingiriiska iyo Djabouti ayaa waxa uu sheegay in safaradaas uu ku soo maray wadamadaasi ahaayeen kuwo muhiim ah oo uu sheeegay in lagaga wada hadlay arimo la xidhiidha qadiyada Somaliland.

Ugu horayn wasiirka oo ka war bixinaya safaradaas uu ku soo maray  wadamada debada ayaa waxa uu yidhi ?safarkaasi waxa uu ahaa mid aad u fiican oo qiimo badan,waxaanu soo marnay wadanka Masar aanu kala hadalnay arimo la xidhiidha dhinaca waxbarashada,waxaanu uga gudubnay wadanka Ingiriiska oo arinta ugu muhiimsanay ay ahayd inaan la kulmo wasiirka arimaha Afrika u qaabilsan wadanka Ingiriiska oo aanu khaasahtan kala hadlaynay sidii xidhiidhka Somaliland iyo wadanka Ingiriisku loo sii xoojin lahaa,waxa kale oo aanu ka wada hadalno in arimaha la xidhiidha dhinaca safarka ee sheegaya inaan  la tagi karin Somaliland  oo aanu ka wada hadalno sidii arintaasi loo xalin lahaa,waxaanu ka wada hadalnay mucaawinooyinka ay dawlada Ingiirisku na siiso aanuu aad uga mahad naqnay, waxaanu  u sheegnay inaanu waxyaalo badan uga baahan  nahay haddii ay tahay gooni isku taaga Somaliland,waxa ay umada Somaliland goosatay ee ah inay xornimadeeda dib ula soo noqoto,? ayuu yidhi wasiirka arimaha debada Somaliland.

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay inay kulamo la qaateen xubno ka tirsan baarlamaanka wadanka Ingiriiska waxaanu yidhi ?waxa kale oo aanu la kulanay xubno ka tirsan baarlamaanka wadanka Ingiriiska masuuliyiin kale ajandaha ugu weyn ee aanu ka wada hadlaynayna waxa uu ahaa inaanu dawlada ingiriiska iyo dadkeeda u sharaxno inaan gooni isku taaga Somaliland uu yahay mid ay umadu goosatay oo u baahan in si dhakhso ah loo tix geliyo .? ayuu yidhi wasiirka arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Ugu danbayntiina wasiirka arimaha debada soamliland waxa uu ka war bixiyey kulamo uu la soo qaatay masuuliyiinta wadanka Djabouti oo ugu horeeyo madaxweynaha dalkaas, waxaanu sheegay inay kulamadaasi ahaayeen kuwo lagaga wada hadlay arimo la xidhiidha danaha labada wadan gaar ahaana sidii layskaga kaashan lahaa arimah ala dagaalanka argagixisada iyo qodob kale.

 WAJAALENEWS

HARGEISA OFFICE

CONTACT;WAJALENWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS