Wasaarada Warshadaha Somaliland Oo Heshiis Maal-gashi La Gashay Shirkado Shiine Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaarada Warshadaha Somaliland Oo Heshiis Maal-gashi La Gashay Shirkado Shiine Ah.
November 21, 2013 - Written by Editor:

Wasaaradda Warshada Somaliland ayaa maanta heshiis ka kooban mashaariic kala duwan oo maal-gashi la gashay Warashadlayda dalka shiinaha.

 

 

 u_116531d_2013-11-21-13-17-35f_wasiirka-warshadaha1

Hargaysa(WAJAALENEWS):- Wasaaradda Warshada Somaliland ayaa maanta heshiis ka kooban mashaariic kala duwan oo maal-gashi la gashay Warashadlayda dalka shiinaha.

Munaasabad Balaadhan Oo ka qabsoontay Xarunta wasaarada warashada ee Magaalada Hargaysa ayaa Wasiirka Warshadaha Md. Abiib Diiriye Nuur oo ay wehelinayaan madaxda Kale ee wasaarada iyo Wefti Chane ah oo ka socda Warashadlayda wadanka China, maalmahana booqasho ku joogay Somaliland ayaa si wada jir ah labada dhinac waxa

ay qalinka ugu duugeen heshiiskan oo ay qayb ka yihiin maalgashiga labaatan mashruuc oo balbalaadhan oo laga hirgelinayo gudaha Somaliland.

Munaasabadaasi Waxa Ka hadlay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Warashada Cabdi Axmed Nuur Oo sheegay inay Soo dhawaynayaan Weftigan Ganacsatada warashadaha ah ee ka socda wadanka Shiinaha isla markaana dalka Ka Fulin doona Mashaariic tiro badan.

Mr David oo u hadlay Weftiga Warashadlayda ka socda wadanka China ayaa sheegay inay Somaliland u yimaadeen sidii ay mashaariic door ah ugu hirgalin lahaayeen, kuwaas oo qaybtoodii u horaysay ay dhowaan bilaabmi doonaan.

Wasiirka wasarada Warashada Somaliland Md Abiib Diiriye Nuur oo kulankaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad celiyay Weftigan ka socda wadanka Shiinaha isagoo balan-qaaday inay dawlad iyo shacaba La shaqeyn doonaan

WAJAALENEWS.COM

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS