Wasaarada Warfaafinta JSL Oo Idaacada Quraanka Kariimka Ah Oo Hoostagta Radio Hargaysa Ka Hirgaliyay Boorama | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaarada Warfaafinta JSL Oo Idaacada Quraanka Kariimka Ah Oo Hoostagta Radio Hargaysa Ka Hirgaliyay Boorama
November 16, 2013 - Written by Editor:

Ugu horayntii ayaa waxa madashan ka hadlay Isuduwaha Wasaarada Warfaafinta ee gobolka Awdal Abokor Xasan Caafi waxana uu sheegay in hirgalinta Idaacada Quraanka Kariimka

 

 u_116076d_2013-11-16-14-55-41f_radio h

Borama(WAJAALENEWS)Idaacadii ugu horaysay ee Quraanka kariimka ah oo FM ah ayaa laga hirgaliyay magaalada Boorama, idaacadan oo magaceedu yahay Idaacada Quraanka Kariimka Ah ee Radio Hargaysa ayaa waxa munaasabadii lagu maamuusayay furitaankeeda ka soo qayb galay madaxda wasaarada warfaafinta ee Somaliland, maamulka gobolka, kan degmada Boorama, sheekhul baladka Boorama, suxufiyiin culimaaudiin iyo dadwayne kale oo aad u badan.

 

Ugu horayntii ayaa waxa madashan ka hadlay Isuduwaha Wasaarada Warfaafinta

ee gobolka Awdal Abokor Xasan Caafi waxana uu sheegay in hirgalinta Idaacada Quraanka Kariimka Ah ee Radio Hargaysa ay guul u tahay guud ahaan xukuumada Somaliland iyo dadka reer Boorama.

 

Isuduwaha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee gobolka Awdal Sh. Xaamud Axmed Nadiif oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in Idaacada Quraanka Kariimka Ah ee Radio Hargaysa ay tahay idaacad loogu talo galay kor u qaadka sharafta diinta islaamka iyo Qawlka RABI Subxaanahu Watacaalaa, waxana uu dadka ugu baaqay inay ka faaiidaystaan.

 

Badhasaanka gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar iyo Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay inay sharaf u tahay in iyaga oo xilka haya la suura galiyo in idaacad quraanka kariimka ah laga hirgaliyo Boorama.

 

Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, Sul. Ibraahim Jaamac Samatar, Caaqil Axmed Kaahin, Xasan Ciise Raage iyo aqoonyahan kale ayaa iyaguna halkaasi ka hadlay waxana ay tilmaameen in cizaynta quraanka kariimka ah ay tahay waajib bulshada saaran loona baahan yahay in laga faa?iideeyo, sidoo kale waxa ay talooyin lagu kaabayo Idaacada Quraanka Kariimka Ah ee Radio Hargaysa u soo jeediyeen madaxda wasaarada warfaafinta.

 

Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md. Cabdirashiid Jibriir Yuusuf oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in idaacadan qur?aanka ee Boorama laga hirgaliyay ay suura galisay xukuumada xisbiga Kulmiye, sidoo kalena uu gobolka Awdal ahaa gobolkii ugu horeeyay ee Madaxwaynaha JSL ka codsada in idaacada la soo gaarsiiyo gobolka Awdal, dhinaca kale waxa uu agaasimuhu balan qaaday in Idaacada Quraanka Kariimka Ah ee Radio Hargaysa lagu kabi doono barnaamijyo kale oo balaadhan oo kaabaya barashada quraanka kariimka ah.

WAJAALENEWS.COM

BORAMA

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS