Wariye Siciid Maazim Oo Aha Wariyihii Gaarka Ahaa Ee Madaxwayne Silanyo Ayaa Ku Dhawaaqay In Uu Iska Casilay Shaqadii Warbaahinta Dawladda Ka Dib Markii Lagu Cunsuriyeeyay War Uu Ka Soo Diray Dalka Turkiga. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wariye Siciid Maazim Oo Aha Wariyihii Gaarka Ahaa Ee Madaxwayne Silanyo Ayaa Ku Dhawaaqay In Uu Iska Casilay Shaqadii Warbaahinta Dawladda Ka Dib Markii Lagu Cunsuriyeeyay War Uu Ka Soo Diray Dalka Turkiga.
November 15, 2013 - Written by Wariye:

maazim axmed cawaaleIstanbul(Wajaale News):-Wariyhii gaarka ahaa ee madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud Silanyo  mudda Saddexda Sano Ah u qaabilsanaa dhinaca warbaahinta dawladda Siciid Maasim Axmed Cawaale isla markaana ka mid ahaa suxufiyiinta ugu firfircoonaa  warbaahinta dawladda ayaa maanta ku dhawaaqay inuu gebi ahaanba iska casilay shaqadii uu ka hayey wasaaradda warfaafinta iyo telefishanka afka dawladda  ee SLNTV, isagoo sidaasi ku sheegay war-saxafadeed uu ka soo diray dalka Turkiga oo uu hada ku suganyahay,weriye Maasim ku sheegay war-saxafadeedkiisa  in madaxda wasaaradda warfaafintu ku cunsuriyadaysay warar uu maalmahii ugu danbeeyey ka soo gudbinaayey safar uu dalka turkiga ku joogo guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe,oo uu Turkiga kaga qayb-galayey shir muhiim u ah qaranimada Somaliland.

War-saxafadeedkaasi uu soo saaray wariye Siciid Maasim Waxa uu u dhignaa sidan:”Marka hore waxan salaan qiimo badan u dirayaa dhamaan dadka ku hadla afka somaliga gaar ahaan kuwa xiiseeya warka,warbixinaha iyo barnaamijyada aan sameeyo, waxaanan leeyahay Waad ku mahadsan tihiin sharafta iyo cisiga aad ii yeesheen oo aad idinku horseed ka ahaydeen.

Waxa aan door-biday in aan idiin fasiro sababta kaliftay in aan ka tago Guud ahaan shaqadii aan ka hayay warbaahinta dawladu leedahay ee Tv-ga qaranka Somaliland iyo Radio Hargeisa. Sababta ugu weyn ayaa ah in laygu cunsuriyadeeyay warar aan ka diray guddoomiyaha iyo madaxda  xisbiga Ucid oo ka qayb galay shir caalami ah oo ka dhacay dalka Turkiga kaasi oo Somaliland u ahaa fursad dahabi ah waxay ahayd goob si weyn loogu maamuusay Somaliland oo magaceedu uu la sinaa dalalka kale ee aduunka ee shirka ka qayb gallay,  ma garan karo sababta xisbi qaran oo guul taariikhi ah soo hooyay loogu diido tv-ga qaranka isla markaana aniga oo warka tabinayay ay masuuliyiinta tv-gu gaar ahaan maareeyuhu uu ii eersado xisbi qaran oo Somaliland ah.

Sidaa daraadeed maanta laga bilaabo waxan ka iska casilay dhamaan hawlihii aan ka hayay warbaahinta dawladda gaar ahaan tv-ga Qaranka oo noqday goob aan laga sheegi karin guulaha ummada ee ay soo hooyaan asxaabta Qaranku”.Ayuu yidhi Siciid Maazim Axmed Cawaale weriyahii gaarka ahaa ee madaxweynaha Somaliland oo qoraalka isku casilay.

Weriye Maasim Axmed Cawaale ayaa Tv-ga qaranka Somaliland waxa uu ka mid noqday shaqaalihiisa rasmiga ah bishii july sannadkii 2007-dii oo markaasi ay ka hawlgali jireen shaqaale kooban oo tayo leh isla markaana isku duuban wakhtigaasi waxa uu ahaa suxufigii ugu da´da yar ee ka shaqaynayay waxanu ka bilaabay Tv-ga Qaranka barnaamijyo dhawr ah iyo warar, 2008-diina wuxuu  ku biiray shaqaalihii Radio Hargeisa.

Markii xukuumadda madaxweyne Siilanyo ku guuleysatay doorashadii madaxtooyada somaliland sanadkii 2010-kii bishii Ogost ayaa si rasmi  ah loogu magacaabay weriyaha u gaarka ah ee Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud  Silaanyo waxaanu si hagar la´aan ah ula shaqaynayay ilaa 2010 ilaa 17-kii October ee sanandkan.

Sannadkani 2013 oo uu u baxay Fursad waxbarasho oo uu ka helay dalka turkiga, taasi oo uu ku tagay fasax uu ka haystay wasiirka wasaarada warfaafinta Md.C/laahi Maxamed Daahir Cakuse iyo Ku xigeenkiisa Md.C/waaxid C/raxmaan C/qaadir, maareeyaha Tv-gu waxa uu wakhtigaasi ku maqnaa dalka ingiriiska, waxaana intaa wixii ka danbeeyey uu Maareeyaha telefishankaasi SLNTV bilaabay inuu Siciid Maasim ula dhaqmo qaab qabiili iyo cunsuriyadeed.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS