|
|||||
WAJAALE NEWS
Warbixin Daaha Ka Rogtay In Budh-cad Badeeda Ka Qawlaysata Xeebaha Bariga Afrika Ay Heleen Lacago Madax Furasho Oo Dhan 400 Milyan Ilaa Iyo 2005-tii.
November 3, 2013 - Written by Wariye:London(Wajaale News) -Warbixin cusub ayaa sheegtay in budh-cadbadeeda ka howlgasha badda geeska Afrika ay heleen afar boqol oo milyan oo dollar lacag madax furasha ah tan iyo 2005-tii, iyadoo lacagta lagu isticmaalo falal dambiyeedyo iyo iyo hawlo sharci daro ah. Daraasaadka oo ay sameeyeen Bangiga Adduunka iyo Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in lacagta budh-cadbadeeda loo isticmaalo ganacsiga hubka ee sharcidarada, maleeshiyooyin, dadka sharcidarada loo dhoofiyo iyo lacagaha sida sharci darada loo helo. Daraasaddu waxay muujinaysaa sawir hawlo si isasoo taraysa oo heer sare ah uga socda meelo badan oo Soomaaliya ugu weyn tahay. Waxay sheegtay warbixintu in afduubidda doonyaha yaryar ilaa maraakiibta waaweyn ee shidaalka qaadda ee xeebaha mashquulka ah ee bariga Afrika ay afduubayaasha siiyeen lacag u dhexaysa 339 million oo dollar iyo 413 million oo dollar intii u dhexaysay sannadihii 2005 iyo 2012kii. Inta u dhexaysa 30% ilaa 75% lacagtaas waxaa qaata dadka maalgeliya hawlaha budhcadbadeedda iyadoo budhcadda ay gaadhto lacag aad u yar. Waxaa kaloo lacagtaas lagu iibsadaa dhul, waxaana la gelin karaa ganacsiga shidaalka, gaadiidka, maqaayadaha iyo hotel-ada. Hase ahaatee warbixintu waxay walaac aad u weyn ka muujisay suurta galnimada in maalgeliyeyaasha budhcad-badeeddu ay maalgelin ku sameeyaan maleeshooyinka dagaalka, awoodaha milateri ee dalka Soomaaliya, socodsiinta hawlaha dhoofinta dadka ee sharci darrada ah iyo falal dembiyeedyo kale. Saddex shabakadood oo waaweyn ayaa suuqan inta badan haysta waxayna hadda u shaqeeyaan sidii wax rasmi ah oo kale iyagoo qandaraasyo qaata, isla markaana leh qareenno u dhexeeya iyaga iyo kuwa qandaraaska bixinaya si heshiisyo loola galo budhcadbadeedda. Budhcad badeeddu waxay dhibaato ku haysaa gobolka iyo caalamka labadaba, gaar ahaan xagga ammaanka iyo dhaqaalaha. Waxaa hoos u dhacday kalluumaysiga gobolka 28.5% laga soo bilaabo sanadkii 2006 taas oo saameyn ku yeelatay waddammada Afrikada bari. Wajaale News COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|