Wararkii ugu Dambeeyay ee Xisbiga Kulmiye Kulankii Madexweyne Siilaanyo iyo Hogaanka Xisbiga Kulmiye Kuyeesheen Barqadii Qasriga Madaxtooyada iyo Go,aanada Kasoo Baxey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wararkii ugu Dambeeyay ee Xisbiga Kulmiye Kulankii Madexweyne Siilaanyo iyo Hogaanka Xisbiga Kulmiye Kuyeesheen Barqadii Qasriga Madaxtooyada iyo Go,aanada Kasoo Baxey
November 2, 2013 - Written by Wariye:

kulmiyeHargeysa(Wajaale News)-Hogaanka Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye iyo Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa barqadii maanta Kulan Xasaasi ah kuyeeshay Xarunta  Qasriga Madaxtooyada Somaliland kulankaasi oo ahaa mid ay dibada kawada joogeen badiba Golaha Wasiirada Xukuumada katirsani islamarkaana, ku koobnaa Hogaanka Xisbiga Kulmiye gaar ahaan Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed ayaa lagu soo gunaanadey go,aan ay wadajir uga wada qaateen Madexweynaha iyo Hogaanka Xisbigu Gudidii ka koobneyd shan iyo tobanka Xubnood ee dhawaan isku Caleema saarey hogaaminta Gudida Qabanqaabada Shirweynaha taas oo la go,aansadey in lakala diro.
Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen ayaa Xanshashaqa kasoo gaadhey Shabakada Wararka Hadhwnaagnews waxey daaha ka feydeen in Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) iyo Hogaanka Xisbiga Kulmiye kala sexeexdeen heshiis saldhig u ah qodob dabraya in aanay faragalin burbur sababta ku keenin Xisbiga Kulmiye Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumada kuwa katirsan Xisbiga Kulmiye gaar ahaan Golaha Dhexe iyo in aan loo adeegsan Awooda Xukuumada kaambeynada ka dhex socda Xisbiga Kulmiye gudihiisa hantida Dadweynaha

 

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS