|
|||||
WAJAALE NEWS
Wararkii U Danbeeyay Tiradda Dadka Ku Dhintay Roobabkii Dabaylaha Watay Ee Ku Dhuftay Deegaano Ka Tirsan Puntland
November 13, 2013 - Written by Wariye:Hargaysa (Wajaale News)- Masuuliyiinta Maamulka goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa maanta shaaciyay in ay sii kordhayso tiradda dadka ku naf waayay roobabkii duufannada watay eek u dhuftay deegaano ka tirsan Puntland, waxaanay sheegeen in weli la la? yahay raq iyo ruux dad kaluumaysato u badan oo la aamminsan yahay in ay dhinteen.
Telefishanka caalamiga ah ee Al-Jezeera, ayaa sheegay in masuuliyiinta Puntland, ay u sheegeen in roobabkan dabaylaha wataa ay dhulka la simeen dhismayaal iyo doonyo badan, isla marakaana ay xannibeen gurmadkii cuntada ahaa ee loo waday dadka ku tabaaloobay aafadan dabiiciga ah, taas oo suurtagal ka dhigi karta haddii aan si deg-deg ah loola gaadhin gargaar in ay sii libin laabmi karto tirada dadka dhimanaya.. Illaa iyo hada tiradda dadkii ku dhintay roobabkan dabaylaha wataa ayaa lagu soo waramayaa in ay gaadhayso in ka badan Boqol iyo Labaatan qof, lagana cabsi qabo in ay tirade intan la shaaciyay ay aad uga badan tahay, iyada oo deegaanadda ugu badan ee ay dadku ku dhinteen kunna waxyeeloobeen ay u badan yihiin Degmaayinka Eyl iyo Babder-Beyla. Sidoo kale, masuuliyiinta sar-sare ee maamulka Puntland ayaa hore dunida ugu diray baaq qaylo dhaan ah oo kaga dalbadeen dadka ku waxyeeloobay roobabkan duufanadda wata in gargaar gurmad ah si dhakhso ah loola soo gaadho Wajaale News
|
LINKS
|
||||
|