|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg-Deg Ah: Xoghayihii Guud Ee Xisbiga Ucid Axmed Keyse Oo Iscasilay
November 7, 2013 - Written by Wariye:Hargaysa(Wajaale News)- Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid Axmed Aden Ismaaciil (Keyse) ayaa iska casilay xilkii uu u hayay xisbiga Ucid sidaasna waxa uu ku sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray oo nuqul kamidai uu soo gaadhay xafiiska wararka ee Hadhwanaagnews Waxaanu uqornaa sidan:Aniga oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid Axmed Aden Ismaaciil (Keyse) waxa maanta oo Arbaca ah taariikhduna tahay 6 November, 2013 aan ku cadeynayaa qoraalkan hordhaca Tallo ama Dood Qaran waxa qaban-qaabadeeda iyo qabashadeedaba leh xukuumadda markaasi talada dalka heysa hadii loo baahdo. Xisbiyadda Mucaaridkuna waxa uu waajibkood iyo mas?uulliyadoodu tahay in ay xukuumadda markaasi jirta ay dhaliilaan weliba dhaliil togan una soo bandhigaan ummadda iyo codbixiyayaasha barnaamij siyaasadeed iyo mid wax-qabad iyo waxa ay kaga fiicnaan karaan xukuumadaasi ay rabaan in ay bedelaan si ay u helaan kalsoonida cod-bixiyayaasha iyo codadkoodaba. Sida aynu ka baranay dalalka dacfaray dimuqraadiyadda iyo nidaamka asxaabta badan weligay ma arag xisbiyo mucaarid ah oo leh shir qaran ayaa la qabanayaa si loo saxo dhaliilaha xukuumada halka ay ka faa?iideysan lahaayeen dhaliilahaasi oo ay ku kasban lahaayeen codad badan marka ay sheegaan sida ay u saxayaan ama wax uga qabanayaan dhalliilaha xukuumaddaasi. Haddaba, waxa aan xilkaygii xoghayaha guud iyo hankaygii siyaasadeed u sadqeynayaa iminka in aan xor u noqdo fikirkayga iyo aragtidayda siyaasadeed si aan uga qeyb qaato kaalinta igaga soo aadi doonta badbaadinta qaranka, xisbiyada qaranka iyo dumuqraadiyada JSL. Waxa aan marka denbe ka hadli doonaa halka fikirkani ka yimid iyo maraxaladaha uu soo maray iyo weliba cida aan u arkaayay in ay dabada ka riixaysay Shirka Tallo Qaran. Waxa aan weliba mutihin doona waqtiga ay Xisbiyadda Mucaaridka ee Ucid iyo Wadani ay il duufeen iyo xilliga ay saqiiri doonaan hadii ay masiirkooda iyo tallada xisbiyadooda u daba fadhiistaan dad Suuq Joogayaal ah. Waxa aan guul iyo gobanimo u rajeynayaa ummadda reer Somaliland guud ahaan, gaar ahaana bahweynta xisbiga Ucid. Allah Mahad Leh Axmed Aden Ismaaciil (Keyse) Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid Wajaale NewsHargaysa OfficeInfo:wajalenews@gmail.conRepoter:Abdiqadir Abdiraxman HabaneCOMMENTS
|
LINKS
|
||||
|