|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg Deg ah: Gaadhigii Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Burco oo Miino la kacday, iyo Khasaare Dhimasho iyo dhaawac bal eh oo ka dhashay Qaraxa Miinada.
November 20, 2013 - Written by Wariye:Burco(Wajaale News) Qarax Xooggan ayaa xalay Abbaaro 12:00pm Habeenimo ka dhacay Magaalada Burco, gar ahaan xaafadda Hodanqaylo, agagaarka Dugsiga Sare ee Cabdalla Nuuri, Qaraxan oo ahaa qarax Miino ayaa la kacay Baabuurkii gaarka ahaa ee Taliyaha Saldhiga Dhexe Axmed Cawil Cabdilahi (Ganey) kazoo uu wakhtigaas watey Nin dhalinyaro ah oo ay dhashay Sahra Maxed Xusen Basbaaso.
Qaraxan Ayaa khasaare weyn soo gaadhsiiyey Baabuurka iyo dadkii saarnaaba, waxana Ku dhintay Qof dumar ah oo ka mid ah Dadkii wakhtigaas baabuurka la socday oo laga soo Rawixiyey Aroos ka dhacayey Hotel Cigaal, halka Darawalkii Gaadhiga iyo 2 dumar ah oo kale uu soo gaadhay Dhaawacyo, waxana Gebi ahaanba burbur xooggan soo gaadhay Baabuurkii Taliyaha, oo ahaa Nooca loo yaqaan Granda (Indhocade) lanbarkiisuna ahaa 37556. Taliyaha Saldhiga Dhexe oo anu wax ka waydiiney khasaaraha baabuurkiisa iyo dadkii la socday soo gaadhay ayaa noo xaqajiiyey in qof dumar ah oo keliyi ku dhinteen dadkii kale se dhaawacyo fudud qabaan, baabuurkiisuna burburay, waxa markii qaraxu dhacay soo gaadhay goobta miiinadu ka qaraxday ciidamo boolis ah oo gaadh ka qabtay aaggaas, waxana weli ciidamadu ku hawlan yihiin baadhista iyo ilaalinta goobtii qaraxa miinadu ka dhacay. Miinooyinka dhulka ku aasan ayaa beryahan u danbeeyey ku qarxayey xaafadaha dhexdooda, iyadoo dadka qaar ay sheegayaan in roobabkii da?ay soo saareen miinooyinkan balse ay marka hore ba ku aasnaayeen, halka qaar kale dhaliil dusha u saareen hay?adda Miino baadhka ee Halo trust, oo an iyadu si fiican u baadhin bay yidhaahdeen goobaha xaafaduhu ku fidayaan ee magaalda dhexdeeda, taaso haddaan degdeg wax looga qaban maalin walba galaafan karta dadweynaha reer burco. Magaalada Burco ayaa xoog ugu sii fidaysa dhul hore u bannaanaa oo ad u fog, taaso ay sabab u tahay Magaalada oo sii ballaadhanaysa, waxana xaafadaha Aktoobar iyo hodan qaylo ka mid yihiin xafadaha sida xawliga ah u socda una sii fidaya, wallow ay tahay in goob kasta oo la soo degayo xoog loo baadho. Wajaale News Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|