“Waligeed Aduunyada Lama Arag Nin Dambiile ah Oo Geystey Faldambiyeed Oo Shir-jaraa,id Qabta Kalsoonida Intaa Leeg Xaguu Ka Keenay Laakiin Madexweynaha Ayaa Todoba Maalmood Kadib”Xildhibaan Rayte | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waligeed Aduunyada Lama Arag Nin Dambiile ah Oo Geystey Faldambiyeed Oo Shir-jaraa,id Qabta Kalsoonida Intaa Leeg Xaguu Ka Keenay Laakiin Madexweynaha Ayaa Todoba Maalmood Kadib”Xildhibaan Rayte
November 4, 2013 - Written by Wariye:

OLYMPUS DIGITAL CAMERAHargeysa(Wajaale News)-Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali Oo kamid ah Mudanayaasha aqalka Wakiilada Somaliland ahna Xildhibaanada ugu aqoonta badan ee kujira Golaha Baarlamaanka Somaliland ayaa, si adag u naqdiyay, xubnaha Golaha Xukuumada Madexweyne Siilaanyo, isagoo markii u horeysay Madexweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uga mahad celiyay Xadhiga uu amrey todoba maalmood kadib ninkii falka isku day dilka ah kula kacey Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo kamid ah xubnaha golaha Wakiilada Somaliland.
Xildhibaan Ibraahim Jaamc Cali(Rayte), oo si cilmiyeysan uga hadley qodoba badan oo dhaliilaha xukuumada ah ayaa sheegay in aan waligeed dunida lagu arag fal kasta oo ka dhaca in ninkii dambiilaha ahaa qabto shir,jaraa,id oo uu ku cadeynayo in uu falkaasi geystey sida uu hadalkiisa u dhigay, isagoo dhinaca kalena carabka ku dhuftey inaanay Somaliland ka suurtagali karin cahdfigii (Xukuumadii Afweyne-Siyaad Barre ee Milatariga aheyd) oo uu yahey dal Dimuqraadiya oo aan laga aqbali karin arimaha shuruucda iyo dastuurka baalmarsan ee ay xukuumadu u maleeygeyso Xoriyatul-qowlka iyo Saxaafada Madaxa Banaan.

“Aduunyda intaa leeg waligeed lama arag meel ninkii dambiilaha ahaa ee falka isku dey dilka ah kula kacey mid kamid ah mudanayaasha Golaha Sharci dajinta in uu Shir-jaraa,id qabto oo uu isku cadeeyo dambigii kalsoonida intaa leeg halkuu ka keenay laakiin todoba maalmood kadib ayuu Madexweynihii ogaadey markaasuu amar bixiyay in lasoo qabto waan uga mahad celinaynaa Madexweyne balse waxaan leenahay cidii kula jirtey Wasiiradii kula jirey ninkaasi dambiga ama agaasimayaashii waa in iyagana lasoo qabtaa oo laga daba taagaa yaan dambiga cididiisa ama far kamid ah nala tusin waa in la dhameys tiraa”Ayuu yidhi Xildhibaan Reyte.

Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa “Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile anigu waxaan u aqaanaa ninkii u hiilin jirey dadka la dulmayo ee aflaamta matalyey, waligey waxaan ku ogaa dagaal uu u dagaalamayo xaqa waxaanu kjirey dagaal kalidii ah oo aanay cidina ku labeynin, Siyaad Barre dalka waxa uu ku qabsadey kaare, iyo Ac/47 labaatan sano ayuu dalka xoog ku haystey iyo ciidamo labisan, baarlamaan ma laheyn sharci malaheyn dastuur malaheyn, waxba malaheyn, waxa lagula dagaalamay oo xukunka lagaga ridey xoog iyo cudud, suurtagal ma aha in cahdigiisii maanta lagu noqdo oo sifihiisii loo dhaqmo, waxa shaqeynaya sharciga waa dal dimuqraadiya, oo dadweynaha iyo shacbigu cod kusoo doorteen golayaasha iyo xukuumadaba, ma dhici karto in sidiisii loo dhaqmo, aqbalaina mayno”Ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.

Sidoo kale Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali(Reyte), waxa uu ka hadley xeerarka cabudhinta saxaafada iyo xoriyatul-qowlka ee ay xukuumadu ku howlan tahey isagoo xusey inaan marnaba la aqbali karin islamarkaana ay balan ku qaadayaan inaanu ka gudbin oo aanay meel marineynin Golaha Wakiiladu, isagoo faafahin ka bixiyay in shacbiga iyo dadweynaha la nacsiinayo dowladnimada.

Gabagabadii waxa uu Xildhibaanku guud marey in madasha uu ka hadlayay oo Xildhibaano Baarlamaanka katirsani ku cadeynayeen mowqifkooda Xisbinimo oo ay kaga mid noqonayeen Xisbiga Wadani oo lagu qabtey Huteelka Amabsador ee Magaalada Hargeysa, isagoo Xildhibaan Reyte kamid ah xubnaha ugu mayalka adag Golaha Wakiilada islamarkaana, inta badan doodihiisa iyo dhaliilihiisa usoo gudbiya qaab cilmiyeysan oo ku dhisan dastuurka shuruucda dalka uyaala iyo sida loogu xadgudbayo qawaaniinta.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS