|
|||||
WAJAALE NEWS
Waftigii La sugayey Inay gaadhaan Jabouti oo hakad ku yimid iyo sababta ka danbaysay
November 26, 2013 - Written by Editor:HARGEISA(WAJAALENEWS) Sida ila xogogaal ah ay u cadeeyeen shabakada Caalamiga ah ee Wajaalenews oo baryahan isha ku haysay xadhiga Ganacsade Jaamac Oomaar oo todobaadkii Hore Dawlada Jabouti xabsiga dhigtay ayaa la sheegay in Wafti culus maalintii shalay u anbabixi lahaa dalka jabuuti gabi ahaanba aan suuroobin suurtoobin Inay gaadhaan Jabouti, kadib Khilaaf la sheegay in uu soo kala dhex galay xubno ka mid ah Waftiga, Waftigan oo ka koobnaan labada taliye ciidan , Wasiirka Arimaha Dibada, Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiirka Warshadaha, Iyo Wasiirka Ganacsiga , Waftigan oo ay u jeedadiisu ahayd inay sadex arimood oo xasaasi ah kala hadlaan Dawlada Jabouti Sadexdan arimood oo ah, Arinta nabad galayada Xuduudaha , Iswyadaarsiga Ganacsiga labada Dal iyo Arinta Ganacsade Jaamac Oomaar, Sida ila xogogolaah ah u cadeeyeen Wajaalenews, safarkan ayaa markaliya isku badalay Khilaaf, kadib markii Wasiiirka Arimaha Dibada Mudane Maxamed Biiix Yoonis uu markaliya sheegay in laga saaro Arinta Ganacsade Jaamac Oomaar, taasi uu gabi ahaanba sheegay in aanu doonayn in laga hadlo Jabouti Xadhiga loo gaystay Ganacsadahaa taasi wasiirada qaar ku noqotay amakaag iyo u qaadan waa, iyo inuu hakad wayn kala dhex galo Wasiir Biixi iyo xubnaha la socday Qaarkood, Waxa kale oo cadaatay in uu ku lug lahaa xadhiga loogaystay Jaamac Oomaar taasi oo ahayd in dawlada Jabouti U sheegtay Biixi In uu xidhanyahay Jaamac oo xabsiga ku jira si uu u gaadhsiiyo Madaxwaynaha Somaliland, Balse uu ka aamusay oo aanu fariintii gaadhsiin taasi oo marki danbe shirki Ay wasiiradu lahaayeen Khamiista ay sheegeen xubno kale taasi oo ay ogaysiiyeen madaxwaynahay in xita loo soo faray Wasiirka Arimaha dibada hase ahaatee uu dhawaaqay in uu Ilaaway, arinta kale daaha ka sii qaaday tuhumada loo qabo Mudane Biixi yoonis ayaa sheegay in xadhiga ganacsade Jaamac Oomaar oo safar ku soo maray Jabouti , markii uu soo gaadhay Somaliland oo inbadan Carabka ku adkeeyey in dawlada Jabouti ay ka cabanayso Kootarabaan farabaas ku haya taasi oo ula jeeday Ganacsadihi la xidhay Taasi oo cadaystay arin baryahan la isla dhex marayay oo ahayd in wasiirka arimaha Dibada si uun ugu lug lahaa arinta muranka wayn dhalisay ee xadhiga Ganacsadaha, taasi oo uu qarsan kari waayey,, oo uu si badheedh ah u diiday ka hadalka arintaasi oo wax wayn u tari lahayn Jaamac Oomaar, dhinaca kale dadwaynaha reer somaliland ayaa is waydinaya sababta ku kaliftay arinta guracan ee ku kacay wasiirka oo ila iyo hada loo laayahay jawaab
Jabuuti oo aynu leenahay xuduud dheer Ayaan wasiiradii hore ee soo maray wasaarada arimaha dibada iyo kuwa kalaba laga maqal afkooda xataa xaga jabuutiba waana arimaha xaqiijinaya in wasiir biixi soo maleegay xadhiga ganacsade jaamac oomaar oo aan lagaranayn waxa xiligan keenay iyadoo wasiirka arimaha dibada iyo madaxwaynaha jabuuti sigaara iskugu xidhan yihiin sidoo kalana waxay wararku xaqiijiyeen in wasiirku u ololaynayo shirka liyidhaa pollore uu doonayo in lagu wareejiyo dakada barbera Shirkada oo dalka hore timid 2006 ilaa 2007 Waxaana arinta shirkadan sicad u diiday madawaynihii hore daahir riyaale waxayna xidhiidh dhow laleedahay madawaynaha jabuuti Magacaabida wasiirka maxamed bixi yoonis oo markii hore bulshada somliland ad uusoo dhawaysay ayaa u muuqdan haatan mid u adeegya danaha gaar ka ah ee ismail cumar geele Wasiir biixi ayaa ah wasiirkii u horeeyay ganacsatada dalka kula kaca falnoocan oo u adeegaya wadamo kale waxayna noqonaysaa hadii arintu ku cadaato maxamed biixi yoonis arin mijaxaabinaysa dalka uu wasiirka kayahay siyaasadiisuna u adeegayso dalal kale wixii warar ee kasoo kordha arintaa kala soco wajaalenews Waxii farin ah noogu soo hagaaji wajalenews@gmail.com
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|